XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date: 12 June, sanadka 2011  

Bandhiggii buugaagta taariikhda, dhaqanka & codka hal-abuurka Soomaalida oo lagu soo gebagabeeyay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
 

Bandhiggii buugaagta taariikhda, dhaqanka & codka hal-abuurka Soomaalida oo lagu soo gebagabeeyay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

 

Sabti, June 12, 2011- Bandhiggii buugaagta taariikhda & suugaanta Soomaalida ee labadii maalmood ee ugu dambeysay ka socday magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo kulankaasi uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee magaaladaasi lagu qabto tan & intii ay dadka Soomaaliyeed ka mid noqdeen dadyowga wax ka deggan dalkaasi.


Bandhigga carwada ee sanadkan ee halkaasi lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 300 oo isugu jira qeybaha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaasi.

Kulankan oo ay ka qeybgalyeen qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka Canada, Ingiriiska & qoreyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa bilowday maalinnimadii shalay aheyd ee ay taariikhdu aheyd 10kii bishan June lana soo gabagabeeyay 11ka June, sanadka 2011.

Labadii maalmood ee uu haddaba socday barnaamijkaasi ayaa lagu soo bandhigay hannaanka ugu habboon ee loo badbaadin lahaa afka Soomaaliga, maadaama uu afka Soomaaliga ahi ku jiro 12ka af ee lagaga dalalka caalamka lagana cabsi qabo dabar go’ ku yimaada, sida ku xusan qoraal ay dhawaan soo saartay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca ilaaleynta & dabar go'a afafka laga hadlo adduunka.

Haddaba furitaankii barnaamijyadii xiriirka ahaa ee halkaasi ka dhacay waxaa ugu horreyn ka hadlay C/casiis Cali Ibrahim " Xildhiban " oo ka mid ah qoreyaasha Soomaaliyeed ee dadaalka ugu jira ilaaleynta & xafidadda Taariikhda & Suugaanta Soomaalida isaga oo halkaasi ku soo bandhigay buugaagtii uu qoray ee 1. Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen?, 2.  Taxanaha taariikhda Soomaaliya, 3. Maahmaahyo murti & madadaallo, 4. Sooyaalkii suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil, 5. Xulka maansooyinka Soomaaliyeed & buuggii ugu dambeeyay ee uu daabaco ee 6. Horseedayaashii halaagga Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa iska halkaasi ka hadlay Dr. Max’ed Daahir Afrax oo ka mid ah Dhaqdhaqaaqa ama xarakada gurmadka & tabliiqa ee afka Soomaaliga isaga oo aad ugu dheeraaday baahida loo qabo sidii dadka Soomaaliyeed gacan & maskaxba uga qeybgeli lahaayeen arrintaasi.

Dr. Max'ed Daahir Afrax waxa uu ka tirsan yahay guddi-qaaradeedka af-Soomaaliga ee Golaha Guud ee Daryeelka Af-Soomaaliga ama "Somali Cross-border Language Commission of the African Academy of Languages", isaga oo ka haya xilka Xoghayaha Guud, isla markaana ah aasaase & guddoomiye sharafeed bahda qalinleyda & hal-abuurka Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno "Somali PEN".

Dr. Max’ed Daahir Afrax wuxuu ahaa ninkii asaasay Naadiga Somali PEN, fikraddaasna keenay, hirgelinteeda u howlgalay, xubnaha kalena ku qanciyey, isuguna keenay oo midba meel ka soo helay. Waana sababta loogu doortay in uu noqdo guddoomihihii ugu horreeyay ee PEN hoggaaminayay muddo ku dhow 15 sano oo ka hadlayay dadka Soomaalida ah ee ka qeybgalay gurmadka ballaaran ee lagu badbaadinayo afka Soomaaliga in ay ka mid ahaayeen;-

1. Ow jaamac Cumar Ciise
2. C/casiis Cali Ibrahim 
"Xildhiban " – Xildhiban Publications
3.
 
Max’ed Sh. Xassan Nuur     Scansom Publishers
4.
C/llaahi Sh. Xussein "Hantiwadaag
".

Dhinaca kale wuxuu ammaan & mahad ballaaran u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti H. E. Ismaaciil Cumar Geelle oo dadaal ballaaran ugu jira sidii afka Soomaaliga looga badbaadin lahaa khataraha laga cabsi qabo in uu ka mid noqdo afafka duulaanka ba’ani lagu soo qaaday.

Dr. Max’ed Daahir Afrax oo ah cilmibaare ku howlan mustaqbalka afka Soomaaliga & sidii loo badbaadin lahaa wuxuu Soomaalidii ka qeybgashay barnaamijkii bandhigga buugaagta & codka hal abuurka Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden sidii ay uga mid noqon lahaayeen guddiga gurmadka afka Soomaaliga iyagoo ka bilaabaya in ay carruurtooda ku ababiyaan adeegsiga afkooda hooyo.

Sidoo kale waxaa iska halkaasi ka hadlay Max’ed Sh. Xassan Nuur oo ah guddoomiyaha shirkadda daabacaadda ee Scansom Publishers oo halkaasi ku soo bandhigay tirada buugaagta Soomaalida ee illaa & hadda la diiwaangeliyay in ay gaarayaan illaa 300 oo buug isaga oo ku dheeraaday hannaankii ay shirkaddaasi u martay xafidaadda buugaagta Soomaalida ee maanta yaalla dhammaan dalalka Scandinavian-ka & North America.

Gebagabadii kulankaasi waxaa isna halkaasi ku soo bandhigay gabayo,, heeso, Guurow, Masafo, & Shirib & buraanburro ka soo jeediyay hobollo ay ka mid ahaayeen abwaan Hurfe Cali Qeylo & Caasho Jamaac Garow oo loo yaqaanno "Caasho Cuud" soo jiitay dhagaha & maqalka dadweynihii Soomaaliyeed ee ka qeybgalay munaasabaddaasi, waxaana ugu dambeyntii halkaasi hadallo qiimo badan, guubaabo & dardaaran ka soo jeediyay guddoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Gothenburg, MD. C/llaahi Max’ed Axmed  "C/llaahi Jowhar" oo ka mid ahaa guddigii qabanqaabada ee bandhiggaasi.

Waxaana xusid gaar ah mudan kaalintii ay ka qaateen jaaliyadda Puntland ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, 
"Puntland Community Organisation" iyaga oo ballan qaaday in ay halkaasi ka sii wadi doonaan qabashada & abaabulka loogu jiro barnaamijyada noocan oo kale ah, kaas oo lagu ballamay in sanadkiiba mar la qabto.


Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com.

Abdullahi Sh. Hussein "Hantiwadaag"

Dadweynaha magaalada Gothenburg

Abdullahi Jowhar

Dadweynaha magaalada Gothenburg

Max'ed Sh. Xassan "Scansom Publishers"

Dadweynaha magaalada Gothenburg

Carruurtii ka qeybgashay bandhigga

Dadweynaha magaalada Gothenburg

 
Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London
xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London




 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008