You're about to watch Live
streaming Video's from
Xildhiban Publications.
Watch Xildhiban Publications
Documentaries - 2017
Somali
Cable TV Taariikhda Soomaaliya 2016ka 21/02/2017
Black Hawk
Down BBC WORLD NEWS " 01/02/2017
Black Hawk Down: The Somali battle that changed US policy in Africa
1 February 2017Last
updated at 10:29 GMT
The sight of dead US soldiers being
dragged through the streets of Mogadishu was a turning point in one of the
United States' most high-profile interventions in Africa.
The images, broadcast around the world, outraged many. In
October 1993, elite American troops launched a disastrous raid in the
Somali capital Mogadishu.
Their aim was to capture key allies of the powerful
Somali warlord, Gen Mohamed Farah Aideed. But US forces met fierce
resistance from Aideed's militia.
Two US Black Hawk helicopters were shot down.
In the ensuing battle, hundreds of Somalis were estimated
to have died. Some 18 Americans and two UN soldiers were killed. At the
time, the United States was leading a UN mission to end the civil war
and famine in Somalia.
Within six months, the US had withdrawn its forces from
Somalia. The perceived failure of the Somali mission made the US wary of
intervening in African crises.
Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban" was
working with the UN in Somalia at the time and lived in a house 700
yards away from the site of the first helicopter crash.
Witness:
The stories of our times told by the people who were there.
Black Hawk
Down BBC WORLD NEWS " 01/02/2017
Black Hawk Down: The Somali battle
that changed US policy in Africa
Xildhiban
Publications:- MA OG TAHAY IN:- Magaalada Gothenberg ee dalka
Sweden lagu qabanayo kulankii QOREYAASHA Soomaaliyeed ee
sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalkaasi iyadoo sanadkan ay ka
qeybgeli doonaan Qoreyaal isugu jira Soomaali & Ajaanib,
kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka PUNTLAND DEVELOPMENT
ORGANASATION. Taariikhda 29 - 30 - 31, bishan May, sanadka 2015.
Xawaaladda Towfiiq Money Transfer oo laga furay Finland".
Waxaa
3dii maalmood ee ugu dambeysay ee toddobaadkan ka socday
magaalooyinka Helsinki, Turku & Pasila ee dalka Finland kulankii
qoreyaasha Soomaaliyeed ee sanadkiiba mar lagu qaban jiray
dalkaasi, waxaana sanadkan ka soo qeybgalay qoreyaal ka kala
yimid dalalka Ingiriiska, Talyaaniga & Canada.
Read more....
Xildhiban
Publications:- MA OG TAHAY IN:- Magaalada Helsinki ee dalka
Finland lagu
qabanayo Bandhigga buugaagta & "HABEENKII DHAQANKA & SHIRIBKA SHAACIYE" lana qabanayo 07da bishan
May - 09 bishan, sanadka 2015, isla markaana ay ka
qeybgalayaan Qoreyaal, Fannaaniin, Abwaanno caan ka ah bulshada
Soomaaliyeed?. Kulankan waxaa ka qeybgalaya:- Xussein "Madoobe",
Xussein "Nuuriyow", C/casiis "Xildhiban", Xaliimo "Koronto",
Abwaan Goley, Masagawaay, Omar Raage & Qaar kale oo badan. Ha
moogaan.
Madaxweynaha Tacsi u diray
Allaha u naxariiso DR.
"Kaddare".
Gudd. Max'ed Sh. Cusmaan Jawaari oo Tacsi u diray "Kaddare".
Taariikh nololeedkii Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare".
Allaha
u naxariistee waxaa taariikhdu markii ay aheyd 01dii bisha
February, sanadka 2015ka ku geeriyooda magaalada Muqdisho Dr.
Xussein Sheikh Axmed Hilowle "Kaddare" oo ka mid ahaa dadkii
abaalka gashaday shacbiga Soomaaliyeed, Abwaan Max’ed Ibraahim
Warsame “Hadraawi”, oo ka hadlaayay abwaannimada Dr. Xussein Sh.
Axmed Hilowle “Kaddare” waxaa uu ku gabyay oo yiri;- Halka deyr
waqtigu dhigo, dib baa looga sheekeyn, Kaddaraa u magac bixin.
Halkan
ka akhriso taariikhdiisa.
Bandhigga buugga Dal aan dadkiisu damqasho laheyn.
10/12/14
C/casiis "Xildhiban" oo lagu guddoonsiiyay SHAHADDO 04/12/14
Guddoomiyaha baarlamaanka Meditredian ka oo shahaaddo sharaf
guddoonsiiyay Qoraa sare C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" una
aqoonsaday Qoraaga sanadka taariikhdu markii ay aheyd 04/
December, sanadka 2014ka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Mediterranean Italian Parliament,
Comm. Enrico Martisciello, waxaana lagu guddoonsiiyay magaalada
London isla taariikhda halkan ku xusan. Mahadsandiin, anna waan
idinka guddoomay.
Dood kulul Dareenka Shacabka HCTV.
26/11/14
Khilaafka
madaxda ugu sareysa dowladda Royal TV.
12/11/14
Xogwaran
Khilaafka dowladda
Kalsan TV. 30/10/14
Xarunta Dhaqanka Taraawiil oo lagu qabanayo Denmark.
07/11/14
Xildhiban
Publictions:- Waxaa maanta magaalada Lonodn ee dalka Ingiriiska
aas QARAN loogu sameeyay Allaha u naxariistee Ambassador, Max'ed Cusmaan Cumar &
Duuliye sare Jeylaani Abu Mudhir oo labadaba dhawaan ku geeriyooday Ingiriiska.
Read more.....
"Allaha u naxariisto Ambassador Max'ed Cusmaan Cumar.
05 10. 2014
Xildhiban
Publictions:- Innaa Lillaahi Wa'innaa Illeyhi Raajicuun, Waxaa
habeenkii xalay ahaa magaalada London ku geeriyooday Allaha u
naxariistee Ambassador Qora Sare Max'ed Cusmaan Cumar oo ka mid
ahaa bahda Qoreyaasha Soomaaliyeed. Haddaba aniga oo ku hadlaya
magaca Qoreyaasha Soomaaliyeed halkan tacsi uga dirayaa dhammaan
Qoyskii, Ehelladii & Qaraabadii uu ka geeriyooday Max'ed
Cusmaan Cumar, Eebbe ha u naxariisto. Aamiin.
Xildhiban
Publications:- MA OG TAHAY IN:- Magaalada Ketrineholm oo looga
dhawaaqay Golaha dhaqanka Allaha u naxariistee Abwaan Cabdulle
Raage Taraawiil & "HABEENKII DHAQANKA & SHIRIBKA SHAACIYE".
Laashinkii caanka ahaa Xussein "Madoobe" & Laashimiintii kale ee
ka soo qeybgashay kulankaasi wacdaro la yaab lehna ku soo
bandhigeen.
Mahaan ka akhriso.
Xildhiban
Publictions:- Innaa Lillaahi Wa'innaa Illeyhi Raajicuun, Waxaa
habeenkii xalay ahaa magaalada London ku geeriyooday Allaha u
naxariistee Qora Sare C/qaadir Cusmaan Max'ud "Oromo" oo ka mid
ahaa bahda Qoreyaasha Soomaaliyeed. Haddaba aniga oo ku hadlaya
magaca Qoreyaasha Soomaaliyeed halkan tacsi uga dirayaa dhammaan
Qoyskii, Ehelladii & Qaraabadii uu ka geeriyooday C/qaadir
"Oromo", Eebbe ha u naxariisto. Aamiin.
Dhageyso Taariikhdii C/qaadir "Oromo" & C/casiis "Xildhiban"
VOA. 17/July/2014
- Dareenka Shacabka - Soomaaliya. 24/06/2014
Africa Today - Should Somaliland win international recognition?
Sanadguradii 10aad ee
buugaagta
Helsinki, Finland 26-27-05 2014
Xildhiban
Publications:-
Qeybtii 2aad ee bandhiggii 10aad ee buugaagta Soomaalida oo
maanta lagu soo gebagabeeyay maktabadda weyn ee magaalada Helsinki ee Finland
taas oo ay isku isku soo dubarideen Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Espoo,
Xildhibaan C/raxmaan Max'ud Cali "Jiimi" & Qoraaga shirkadda SCANSOM PUBLISHERS,
Max'ed Sh. Xassan Nuur. DAAWO sidii uu u dhacay bandhiggaasi. Read more.....
Sanadguradii 10aad ee
buugaagta
Helsinki, Finland 23-24-05 2014
Xildhiban
Publications:- Qeybtii 1aad ee bandhiggii 10aad ee buugaagta Soomaalida oo
maanta lagu soo gebagabeeyay maktabadda weyn ee magaalada Helsinki ee Finland
taas oo ay isku isku soo dubarideen Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Espoo,
Xildhibaan C/raxmaan Max'ud Cali "Jiimi" & Qoraaga shirkadda SCANSOM PUBLISHERS,
Max'ed Sh. Xassan Nuur. DAAWO sidii uu u dhacay bandhiggaasi.
Read more...........
Doodda Royal TV - "Moshinka baarlamaanka" 08/May, 2014
C/casiis
"Xildhiban" - "Xogmaal Star Somali TV" 08/May, 2014
Xildhiban
Publications;- MA OG TAHAY IN:- Maanta XUS & XUSUUS magaalada London loogu
sameeyay Allaha u naxariistee Danjire Shariif Saalax Max'ed Cali oo ahaa
guddoomiyihii guddigii QORAALKA afka Soomaaliga?. MASE OG TAHAY IN:- Ma DHINTE
Ilaahay yahay, RUUX kasta oo noolna uu dhimanayo, kii QARANKA & DADKA
Soomaaliyeedna abaal gashadaa la xusuusan doono?. Xuskan & Xusuustan waxaa ka
soo qeybgalay xubno ka tirsan qeybaha bulshada Soomaaliyeed oo ay ku jiraan
Qoreyaasha Soomaaliyeed & xubno magac & maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed. Read
more....
Dal aan
dadkiisu damqasho laheyn 05/April, 2014
Xildhiban
Publications;- Yaa heshiiyay, Maxaa laga heshiiyay, Maxaa lagu heshiiyay, Intee
lagu heshiiyay, muddadii u dhaxeysay 1991dii - 2014ka? Buuggan aan ugu
magacdaray dal aan dadkiisu damqasho laheyn oo soo baxay. Haddaba haddii aad
daneyneyso in aad wax badan ka ogaato shirarkii dib u heshiisiinta ee dhexmaray
hoggaamiyeyaasha siyaasadda & dhaqanka Soomaalida laguna kala qabtay gudaha &
dibedda kala soo xiriir C/casiis "Xildhiban" oo ah qoraaga buuggan ama Xildhiban
Publications ama telephone kan 09784329891. London.
A Contemporary Interpretation of Islamic Law 2014
Xildhiban
Publications:- Contemporary Interpretation of Islamic law.
by Ahmed Affi & Hassan Affi
This book does not champion some of the popular misconceptions surrounding
Islamic law. It does not advocate stoning to death; amputating the hands of
thieves; call for the death penalty for those who leave the fold of Islam; or
urge Muslims to save their souls from Hellfire by shunning bank loans for fear
of incurring interest. What it does advocate is less sensationalistic, but it is
in line with the real interpretation of Islamic law. Contact us on 09784329891. London. Read
more....
Buugga "Kobicii Islaamiyiinta Soomaaliya" Published 2013
Xildhiban
Publications;- OGEYSIIS;- Ma daneyneysaa in aad wax ka ogaato buugga lagu
magacaabo
"KOBICII ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA"
ee uu qoray C/shakuur Mire Aaden? Haddii jawaabtu haa tahay
la soo xiriir C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com ama Tel;- 07984329891.
Kulankii
qoreyaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway.
Kulankan oo ka dhacay maalintii ay taariikhdu ay aheyd 28kii bishan November,
sanadka 2013, waxaa ka soo qeybgalay Qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid
magaalooyinka London, Stockholm ee dalalka Ingiriiska & Sweden. Read more....
Barnaamijkii Xog waran Kalsan TV 07 November, 2013
Barnaamijkii Dood wadaag Universal TV 06 November, 2013
Buug cusub oo uu qoray Dr. C/qaadir Cali Boolaay. Buuggan wuxuu
ka sheekeynayaa marxaladihii kala duwanaa & halgankii dheeraa ee dadka
Soomaaliyeed ay u soo mareen gobannimada aannu maanta harsaneyno.
Dr. C/qaadir Cali Boolaay wuxuu ka mid yahay dadka tirada yar ee maanta wax laga
weydiin karo halgankii ay hormuudka ka ahaayeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee
aasaaska u dhigtay ururkii Somali Youth League ama Naadigii Dhallinyarada
Soomaaliyeed ee SYL.
Read more......
Faaqidaadda
toddobaadka VOA 07 June, 2013
Xildhiban
Publications;- 07 June 2013. Barnaamijka Faaqidaadda toddobaadka.
Musharixiinta ka qeybgaleysa dooddan waxaa ka mid ah:- Ismaaciil Hurre Buubaa,
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" & Axmed Max'ed Max'ud "Barawaani" oo kala
jooga magaalooyinka Muqdisho, London & Hargeysa. Wareysigan waxaa qaaday wariye
"Sandheere", Laanta afka Soomaaliga ee VOA.
Halkan ka dhageyso doodda.
Xuska Somali Youth League
15 May, 2013
Xildhiban
Publications;- 15 March 2013. Buugga Maamulladii &
madaxdii soo martay SOOMAALIYA
oo maanta lagu soo bandhigay Xuska sanadguuradii 70aad ee aasaaskii ururkii
Somali Youth League "SYL".
Waxaa maanta lagu qabtay deegaanka Espoo oo ka tirsan Helsinki ee dalka Finland
xus & dabaaldeg aad weyn oo lagu xusayay sanadguuradii aasaaskii maalintii
dhidibadda loo dhigay ururkii Somali Youth League ee dhaqdhaqaaqii dhallinyarada
Soomaaliyeed ee SYL. Read More......
Bandhigga buugaagta oo la soo
gebagabeeyay
12 May, 2013
Xildhiban
Publications;- 12 March 2013. Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo
gebagabeeyay magaalooyinka Helsini, Pasila & Turku ee dalka Finland.
Waxaa 3dii maalmood ee ugu dambeysay ee toddobaadkan ka socday magaalooyinka
Helsinki, Turku & Pasila ee dalka Finland kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed ee
sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalkaasi, waxaana sanadkan ka soo qeybgalay
qoreyaal ka kala yimid dalalka Ingiriiska, Talyaaniga & Canada.
Read More......
News of the day;- Bandhigga buugaagta
10 May, 2013
Xildhiban
Publications;- 10 March 2013. Maktabadda Pasila Library oo uu ka furmay carwo
buugeedkii sanadlaha ahaa ee Bandhigga buugaagta Soomaalida, Somali Book Fair.
Waxaa maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland carwo buugeedkii
sanadkii 9aad. Kulankan waa bandhigga ugu weyn uguna fac weyn ee ka dhaca
qaaradda Europe. Bandhiggan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya shirkadda
daabacaadda buugaagta ee Scansom Publishers & maktabadda magaalada Helsinki.
Read more.....
News of the day;- Madaxweyne Xassan
Sh. Max'ud 06 May, 2013
Xildhiban
Publications;- 06 May, 2013. New book Maamulladii & madaxdii soo martay
Soomaaliya. "Somalia's past and present' Administrations and Leaders".
Qoraa Sare C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" oo maanta guddoonsiiyay
madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xassan Sheikh Max'ud buugga cusub ee "Maamulladii &
madaxdii soo martay Soomaaliya". "SOMALI'S Past and Present administrations.
Published 12 April, 2013.
News of the day;- Published 15
April, 2013
Xildhiban
Publications;- 15 April, 2013. New book Maamulladii & madaxdii soo martay
Soomaaliya. "Somalia's past and present' Administrations and Leaders".
This "Who’s Who" of Somalia’s noteworthy figures, makes a fascinating reading
and in my opinion is an excellent guide to anybody who is interested in the
political history of Somalia. The author has carried out an extensive and
meticulous research to assemble and document all these facts about Somalia's
leaders of the past half a century.
Abdullahi Hajji, Former Senior BBC Producer,
Somali Section. BBC WORLD SERVICE.
London, United Kingdom
News of the day;- Habeenkii "Kaddare"
& Birmingham, 2012
Xildhiban
Publications;- 02 December 2012. Xaflad lagu soo dhaweynayay Dr. Xussein Sheikh
Axmed "Kaddare" oo lagu qabay magaalada Birmingham.
Waxaa magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska lagu qabtay xaflad lagu soo
dhaweynayay Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" oo dhawaan qeybgalay
sanad-guuradii 40aad ee Qoraalka Afka Soomaaliga. Read more.........
News of the day;- Habeenkii "Kaddare"
& London, 2012
Xildhiban
Publications;- 22 Nov. 2012. Xaflad lagu soo dhaweynayo isla markaana lagu
sagootinayay Dr.
Xussein Sheikh Axmed "Kaddare"
oo
lagu qabay magaalada London.
Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabtay
xaflad lagu soo dhaweynayo isla markaana lagu sagootinayay Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" oo dhawaan kaga
qeybgalay magaalada London sanadguuradii 40aad
ee Qoraalka Afka Soomaaliga.
Read more.........
News of the day;- Bandhigga buugaagta
Leiscester, 2012
Xildhiban
Publications;- 18 November, 2012. Magaalada Leicester ee dalka Ingriiska oo lagu
qabtay kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta
Soomaalida.
Waxaa magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska lagu qabtay barnaamij uu soo
qabanqaabiyay ururka Sominfos ee ka howlgala magaaladaasi kulan ku saabsan
bandhigga buugaagta Soomaalida ee Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida.
Barnaamijkaasi waxaa ka qeybgalay Qoreyaasha kala ah;- C/casiis Cali Ibrahim
"Xildhiban", Jawaahir Xaaji Cabdalla, Siciid Cali Shire & C/xakiim
Xussein Jooje.
Read more...
News of the day;- "Kaddare"
& Cabdi "Dhuux", London, 2012
Xildhiban
Publications;- Munaasabad lagu soo dhaweynayay Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare"
& Cabdi Yuusuf Xassan "Cabdi-Dhuux" oo ka dhacday London.
Xildhiban Publications;- Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabtay
munaasabad si weyn loo soo qabanqaabiyay isla markaana lagu soo dhaweynayay Dr.
Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" & Agaasimaha National Theatre-ka Muqdisho, Cabdi
Yuusuf Xassan "Cabdi-Dhuux".
Read
more.......
Barnaamijkii Dareenka Shacabka ee
baxay 19 June, 2012
News of the day Xildhiban
Publications - 22 May, 2012
Shabakadda
kismaayonews.com oo wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatay Qoraa Sare C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban".
KN;- Wareysigan oo dhinacyo badan
taabanayay ayay shabakadda Kismaayo News ayaa ka dambeeyay ka dib kulankii
Qoreyaasha Soomaaliyeed kulamo toddobaadyadii la soo dhaafay ku lahaayeen
dalalka Sweden & Finland. Wareysigaasi oo dheeraana waxaa uu u
dhacay sidatan.
Read more........
News of the day Xildhiban
Publications - 12 May, 2012
Caasimadda
2aad ee dalka Finland oo maanta lagu qabtay bandhigyo & dabaaldegyo ku saabsan
40guuradii Afka-Soomaaliga & 69guuradii ururkii SYL.
Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Turku ee caasimadda 2aad ee dalka Finland
horayna u aheyd caasimaddii hore ee dalkaas xusas loo sameeyay 40guuradii
qoraalkii Afka-Soomaaliga & aasaaskii 69guuradii ururkii dhallinyarada
Soomaaliyeed ee Somali Youth League.Read more......
News of the day Xildhiban
Publications - 11 May, 2012
Kulankii Qoreyaasha Soomaalida oo lagu
Espoo Keskus, Finland.
Waxaa magaalada Helsinki ee dalka Finland maanta
lagu soo gabagabeeyay kulankii Qoreyaasha
Soomaaliyeed ee shalay & maanta ka socday
deegaannada Espoo Kiskus & Espoo Enteresse isla
markaana ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Helsinki.
Kulankaas oo ay maanta ka soo qeybgaleen isla
markaasna ay hadallo ka jeediyeen mas’uuliyiin ka
socotay dhinacyada waxbarashada & dhaqanka ee
dalkaasi. Read
more......
News of the day Xildhiban
Publications - 10 May, 2012
Kulankii Qoreyaasha Soomaalida oo lagu qabanayo
magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Kulankii Qoreyaasha
Soomaaliyeed oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray
magaaladsa Helsinki, ee dalka Finland waxaa ugu
horreyn hadallo soo dhaweyn & ammaan ka jeediyay
xoghayaha guud wasaaradda waxbarashada & dhaqanka ee
dalka Finland Jarmo Linden.
Read
More........
News of the day Xildhiban
Publications - 04 -05 May, 2012
Kulankii
Codka Hal abuurka & Hiddaha Dhaqanka Soomaalida oo lagu
qabtay Gothenburg, Sweden.
Kulankan looga hadlayay hal abuurka iyo dhaqanka afka-
Soomaaliga ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada
Gothenburg ee dalka Sweden, iyadoo gebagabadii
kulankaasina lagu soo bandhiggay Buuggaag la hadleysa
dhaqanka Soomaalida. Goobta uu ka dhacayna Gamlestans
Medborgarhus, Brahegatan. Read
More.......
News of the day Xildhiban
Publications - 20 April, 2012
Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska
lagu qabtay kulamo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku
lahaayeen qoreyaasha Soomaaliyeed. Kulamadaasi oo lagu kala
qabtay xaafadaha Southall & Bethnal Green ee magaalada
London taariikhduna ay aheyd 18 – 19kii bishan June ee
sanadkan 2011.
Read moree..........
News Xildhiban Publications - 12,
June, 2011
Bandhiggii buugaagta taariikhda, dhaqanka & codka
hal-abuurka Soomaalida oo lagu soo gebagabeeyay magaalada
Gothenburg ee dalka Sweden.
Xildhiban
Publications Presents;- 12 June, 2011
Axad, June 12, 2011-
Bandhiggii
buugaagta taariikhda & suugaanta Soomaalida ee labadii
maalmood ee ugu dambeysay ka socday magaalada Gothenburg ee
dalka Sweden ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo kulankaasi uu
ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee magaaladaasi lagu
qabto tan & intii ay dadka Soomaaliyeed ka mid noqdeen
dadyowga wax ka deggan dalkaasi. Read
more..........
News Xildhiban Publications - 10,
June, 2011
Bandhigga buugaagta dhaqanka codka hal-abuurka Soomaalida oo ka furmay magaalada
Gothenburg ee dalka Sweden. Xildhiban
Publications Presents;- 10 June, 2011
Jimco, June 10, 2011- Bandhiggii ugu horreeyay ee ku saabsan dhaqanka, suugaanta
iyo taariikhda Soomaalida ayaa ka furmay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa oo lugu qabto magaaladda
Gothenburg ayaa lugu soo bandhigay horrumarka dhinaca afka Soomaaliga uu gaaray
muddadii burburka ba'an ee weli ka soconaya Soomaaliya lagu jiray.
Read more....
News Xildhiban Publications - 22, May, 2011
Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee ka socday
Helsinki oo la soo gebagabeeyay.
Xildhiban
Publications Presents;- 22 May, 2011
Axad, May 22, 2011- Bandhigga buugaagta taariikhda &
suugaanta Soomaalida oo muddo saddex maalmood ka socday
magaalada Helsinki ee dalka Finland oo la soo gebagabeeyay
iyadoo kulankan carwo sanadeedka ee sanadkiiba mar lagu
qabto dalkaasi.
Kulankan oo ay ka qeybgalyeen qoreyaal Soomaaliyeed oo ka
kala yimid dalalka Canada, Ingiriiska & qalinleyda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland. Bandhiggan oo
bilowday 19kii bishan May ayaa la soo gebagabeeyay 21ka May,
sanadka 2011.
Read More............
News Xildhiban Publications - 20, May, 2011
Kulankii qoreyaasha
Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Helsinki ee dalka
Finland.
Xildhiban
Publications Presents;- 20 May, 2011
Jimco, May 20, 2011- Bandhig buugeedkii 7aad
ayaa ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Bandhiggan oo ah sanadkii 7aad waxaa dhidibada loo taagay
sanadkii 2005tii. Munaasabaddan oo ah mid si weyn loo soo
agaasimo sanad walba, isla markaana ay ka soo qeybgalaan
jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland.
Read more
News Xildhiban Publications - 17, May, 2011
Xildhiban
Publications Presents;- 17 May, 2011
Geerida Allaha u naxariistee Abwaan Max'ed Gacal Xaayow.
Illaahay ha u naxariistee waxaa shalay magaalada Muqdisho ku
geeriyooday Abwaan Max'ed Gacal Xaayow oo Soomaalida
dhexdeeda si wanaagsan looga yaqaanay, kuna caan baxay
Guurowga iyo Shiribka.
Wareysi geeridii marxuum Max'ed Gacal Xaayow ku saabsan ayaa
waxan la yeelanay C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" oo wax
ka qora suugaanta iyo taariikhda Soomaalida, suugaanta
marxuumkana wax ka qoray.
Allaha
u naxariistee waxaa maanta ku geeriyooyaday magaalada
Muqdisho Allaha u naxariistee Abwaan Max'ed Gacal Xaayow oo
ka mid ahaa abwaannadii ugu caansanaa abwaannada dalka
Soomaaliya.
Allaha u naxriistee wuxuu abwaan Max'ed Gacal Xaayow ka mid
ahaa abwaannada Soomalaiya ee u ololeysa nabad & dib u
heshiisiin ka dhacda dalka ay dagaallada aafeeyeen ee
Soomaaliya. Haddaba maamulka Xildhiban Publications wuxuu
tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed Qoyskii,
Ehelladii & Qaraabadii uu ka baxay abwaankaasi. Halkan ka akhri
taariikh nololeedkii Allaha u naxariistee abwaan Max'ed Gacal Xaayow.
Is another Somalia is possible? "We have to face
the reality. We can have peace and bring our selves
up.
We have to start with the people and the
communities".
Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"
__________________________________________________
"The only think that we have to fear is fear itself"
United States President,
Franklin D. Roosevelt, 1933.
Xildhiban Publications Presents:- 21/2/2010
Maalinta Xuska Afka Hooyo, Muqdisho, Soomaaliya
Dr. Xussein Sh. Axmed "Kaddare" oo ka
mid ahaa
guddigii qoraalka Afka Soomaaliga oo si
kooban uga
hadlayay taariikhda qoraalka Afka Soomaaliga in "Guddigii
ugu horreeyay ee qoraalka Afka Soomaaliga la sameeyay
sanadku markii uu ahaa 1958-dii, doodo fara badan ka
dib lagu
guuleystay in afka Soomaaliga lagu qoro Laatiin,
hasse yeeshee ay ka hortimid caqabado badan, taas oo
keentay in la
qoro 1972-kii" ayuu yiri "Kaddare". Dood ku
saabsan dhaqanka Soomaalida Dr. Xussein "Kaddare",
Axmed Faarax "Idaajaa" & Prof Max'ed Cumar Dalxa.
Heshiisyadii nabadda ee Soomaaliya: Hurinta
kooxaysiga.
19
sanadood ee tagay Soomaalidu waxay qabteen shirar
badan oo ah nabadda iyo dib-u-heshiisiinta isla
markaana ay ku gaareen heshiisyo badan oo nabadda
ah, qaar waxay ka dhexeeyeen dhawr qof kuwa kalena
xulufo siyaasadeed oo ka weyn.
London "OWN" Waxaan jecleysanay in aan halkan
idinkugu soo gudbino wareysi uu barnaamijka Badhigga
siyaasadda ee website-ka Oodweynenews la yeelatay C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban" oo ka mid ah qoreyaasha
Soomaaliyeed.
Haddaba si aad u dhageysato wareysigan halkan riix.
Buuggani
Maamulladii & Madaxdii soo martay Soomaaliya
waxaan shaki ku jirin in uu daah fur u noqonayno
keydka xagga aqoonta baahsan ee bulshada Soomaalida
& cid
kasta oo daneyneysa in ay wax uga ogaato
qoraalladii laga sameeyay madaxdii &
hoggaamiyeyaashii soo maray ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan qoraalkeygan ku soo gebagabeynayaa tix maanso
ah oo uu tiriyay Allaha u naxariitee
Abwaan C/qaadir
Xersi "Yamyam"
oo aheyd;-
"Ninkii timir
abuuriyo, ninkii tiin tallaalaba, taariikhdu waa
warin".
Taariikhda ummadda Soomaaliyeedna kama salguuri
doonto maskaxdooda inta qof Soomaali ahi uu nool
yahay.
"Tribalism provides no shelter; It only causes
destruction".
"Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane".
C/llaahi Suldaan Timacadde
Read More......
Xildhiban Publications;- 10 March, 2009 Dal aan dadkiisu damqasho laheyn.
PEOPLE WHO DIDN’T HAVE FEELING FOR THEIR COUNTRY.
Somalis are described as the
most homogenous society, having the same language,
religion and culture. It may not
be surprising for
such community to engage the disastrous conflict
that we have been witnessing during the last 19
years. But what is agonisingly
surprising is the failure to solve
differences by a community that is
so connected in many ways.
Somalis are known for their oratory
in proverbs and sayings. One of the most famous
sayings says, "let us talk means
let us agree".
Unfortunately everything Somalis have done
so far is
the reverse of this saying. This book, "The people
who
didn't have feeling for their country" publishes
all the agreements reached by the Somali sides and
groups since the civil war started. Those
agreements include:-
Coming soon.
Read more..
Xildhiban Publications Presents;- 4
March, 2010
Kulamada & Bandhigyada buugaagta Soomaaliyeed.
Halkan ka daawo dhammaan kulamadii & bandhigyadii
buugaagtii laga qoray Soomaalida & Soomaaliya &
halganka ay Qoreyaasha Soomaaliya ugu jiraan
keydinta & Xafidaadda Taariikhda dalka & dadka
Soomaaliyeed, gaar ahaan
muddadii lagu jiray
dagaallada sokeeye ee weli ka
soconaya geyiga
Soomaaliya.
Abdulaziz
Ali Ibrahim "Xildhiban" is a
British-Somali author
& Peace
activist. "Xildhiban" studied
political science & international
relations at University of Florence.
He is also director of Xildhiban
Publications.
Warsan Cismaan Saalax is a writer
in politics with
background in
psychology & transculturasim. She is
a peace activist who works with the
Somali community in London.
:
Xildhiban Publications;- 07
December, 2009 Weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu
xasuuqay Allaha u naxariistee xubnihii ka midka ahaa
Golaha wasiirada & dhallinyaradii ka qalin
jibineysay jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Taariikhdu markii aheyd 29kii
bishii Oktoobar, sanadkii 2008 waxaa magaalooyinka
Hargeysa & Boosaaso oo ka mid ah maamullada
Soomaaliya ka abuurmay wixii ka dambeyay markii la
riday dowladdii
dhexe ee dalka Jamhuuriyadda
Soomaaliya ka dhacay qaraxyo xiriir isla markaana ay
ku geeriyoodeen dad la xaqiijiyay in ay tiradoodu
kor u haafeyso 22 ruux, halka ay dhaawacyo ka soo
gaareen iyaguna 28 ruux oo kale.
Xildhiban Publications 25 November,
2009 Buugaagtii uu qoray qoraaga Soomaaliyeed
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban". Abdulaziz Ali
Ibrahim "Xildhiban"
Somali Peace activist & Author,
"Xildhiban"
living in UK is one
of the promising
Somali writers of the future. So far the author has
published 7 excellent books. The Author will share
and elaborate with his publications:-
1. "Waxay kuu
dhigeen ma kugu dhaqeen?"
2. Taxanaha
Taariikhda Soomaaliya.
3. Maahmaahyo
murti & madadaallo.
4. Sooyaalkii
suugaanta Cabdulle Raage. 5. Xulka
maansooyinka Soomaaliyeed.
6.
Horseedayaashii halaagga Soomaaliya. 7. Dal aan
dadkiisu damqasho laheyn.
8. Maamulladii & Madaxdii soo
martay Soomaaliya.
9 Sheeko mise
Shaahid.
Taariikhdu markii ay aheyd 30-31kii bisha Oktoobar
ayaa
lagu qabtay koofurta magaalada London, gaar
ahaan Peckham Library. Kulankan oo ay ka soo
qeybgaleen
qoreyaal ka kala magaalooyinka Toronto,
Canada &
London ee dalka Ingiriiska Read more.......
Xildhiban
Publications;- 23 Oktoobar, 2009 Kulankii Somali Festival
Week oo ka furmay magaalada London.
Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska waxaa ka soo
qeybgalay Duqa xaafadda Tower Hamlet ee magaalada
London Mayorcouncillor Ahmed Omer & xubno
kaleba, ayaa ugu horreyn hadalkaasi hadallo ka soo jeediyay.
Read more..
Xildhiban
Publications 1 October, 2009.
Buugaagtii
uu qoray qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Cali Ibrahim
"Xildhiban".
Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"
Somali Peace activist & Author,
"Xildhiban" living
in UK is
one of the promising
Somali writers of the future.
So far the author
has
published
7 excellent books. The Author will share and
elaborate
with his publications:-
1. "Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen?"
2. Taxanaha
Taariikhda Soomaaliya.
3. Maahmaahyo murti & madadaallo.
4. Sooyaalkii
suugaanta
Cabdulle Raage.
5. Xulka maansooyinka Soomaaliyeed.
6. Horseedayaashii
halaagga Soomaaliya.
7. Dal aan dadkiisu damqasho laheyn.
Magaalada London oo lagu soo bandhigay
buugga "Horseedayaashii halaagga Soomaaliya"
ee dhawaan la daabacay isla markaana uu qoray qoraaga
Soomaaliyeed C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban".
London, 26-Sep-2009 [XP]
Waxaa maanta magaalada
London
oo lagu
soo dhaweynayay xubno ka tirsan dowladda KMG ah ee
Soomaaliya isla markaana ay uga waramayeen xaaladda dalka
Soomaaliya ayaa lagu
soo bandhigay
buugga cusub ee dhawaan
soo baxay "Horseedayaashii
halaagga Soomaaliya.
OGEYSIIS:-
11 Septembar, 2009
"Xildhiban Publications":- Buugga Horseedayaashii halaagga Soomaaliya oo dhawaan
lagu soo bandhigayo magaalada London ee dalka Ingiriiska.
The Architects of the destruction of Somalia
Those who forget the lessons of the history are
condemned
to repeat. History is preserved to warm against
its negatives and cherish its positive memories.
This books,
"The architects of the destruction of
Somalia"
contains all
the major developments that had happened in the
country during the past 30 years, from the time the armed
factions, who later on destroyed the country emerged in 1978
until 2008. Read
More.........
Carwo buugeeed aad u
baaxad weyn. Carwadaas waxaa si wadajir u soo qabanqaabiyey
Shirkadda buugta daabacda
ee Scansom Publishers iyo
ururrada kala ah ( Somali
Culture & Research Institute ( SCRI), and
Somali Women
& Children Alliance ( SWCA).
Labada ururba waxaa
xarun u
ah suuqa caanka ee la yiraahdo (
Global Mall). Haddaba
shirkadda Scansom, Read More........
Jimce,
24-25 July, 2009 (XP):- Kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed ee
lagu qabtay magaalada Boston ee dalka mareykanka.
Waxaa magaalada Boston ee dalka mareykanka lau qabtay
kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed taariikhdu markii ay
aheyd 24-25kii
bishan July sanadka 2009ka kulan
ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen qoreyaal Soomaaliyeed
oo
ka kala yimid magaalooyinka London,
Toronto.
Jimce, 11-12 March, 2009 (XP):-
Kulankii
qoreyaasha Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Helsinki city
library/multilingual library service, Finland.
Waxaa taariikhda markii ay aheyd 11-12kii bishan March
sanadka
2009ka lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka soo
qeybgaleen
qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid
magaalooyinka London,
Toronto, Stockholm & Helsinki ee dalka
Finland. Read more..........
Kulanka
Abwaannada & Qoreyaasha Soomaaliyeed oo ka dhacay
magaalada London ee dalka Britain.
Axad, November 9, 2008 (XP):
Waxaa magaalada London
ee dalka Ingiriiska lagu qabtay
maalinnimadii shalay aheyd kulan ballaaran
oo ay ka soo
qeybgaleen qeybaha bulshada oo Soomaalida ee ku dhaqan
magaaladaasi. Kulankaasi oo loogu magacdaray "Haddiyadda
Jabuuti, Hiilka Afka Hooyo, Hal- abuurka Qalinka &
Himilada Soomaalida UK.
Read more.........
Kulan ay magaalada London
ku yeesheen Qoreyaasha
& Suugaanleeyda Soomaaliyeed
Talaado, October 28, 2008 (XP):
Qorayaal iyo suugaanleey
ku caan ah bushada soomaaliyeed dhexdeeda ayaa magaalada
London ee dalka Britain waxa ay ka qeybgaleen kulan uu
soo qaban qaabiyey ururka
Somali Pen oo ah urur kulmiya
Qorayaasha iyo Hal-abuurka
Soomaaliyeed.
Axad, Octobar
26, 2008 (XP) Stockhlom Kulankii qoreyaasha & abwaannada Soomaaliyeed ee lagu
qabtay magaalada Stockhlom ee dalka Sweden
Waxaa magaalada Stockhlom ee dalka Sweden lagu soo gebagabeeyay
kulankii ay ka qeybgalayeen qoreyaasha & abwaannada
Soomaaliyeed. Kulankaasi oo socday intii u dhaxeysay 25-26kii
bishan Oktoobar isla markaana ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen
ururrada Somali
Swedish Union & Scansom Publishers
Read more............
Magaalada London oo lagu soo bandhigay
buugga Taxanaha Taariikhda Soomaaliya ee qorey C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban"
London, 16-Dec-2006 [XP] Munaasabad si heer sare ah loo
soo qabanqaabiyay laguna qabtay magaalada London ee dalka
Ingiriiska laguna soo bandhigayay buugga TAXANAHA TAARIIKHDA
SOOMAALIYA
ee uu qorey C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
ayaa lagu qabtay
Streatham Library, qabanqaabadeeduna
uu lahaa Tom O'Dell oo ah Reader's Devolopment Officer
in Lambeth Libraries, lana qabtay 16/12/2006.
Ururka
Somali Community in Cardiff oo qabtay xaflad lagu
soo
bandhigay buugaagta Soomaalida
Cardiff, 30-Nov-2005 [XP]
Munaasabad aad u weyn oo ay si wadajir
ah
u soo qabanqaabiyeen Ururka Soomaalida magaalada
Cardiff &
Cardiff Central Library iyo Ururka Scansom
Publishers.
Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen marti sharaf fara badan waxaa ugu horreyn
ka hadlay ku xigeenka duqa magaalada Cardiff, Lord Mayor
Cabdulle Raage Taraawiil
suugaantii uu ka tagay waa
hanti ummaddu leedahay,
waxaan filayaa ninkan ku
magac dheer C/casiis
"Xildhiban" ayaa faafinaya,
dadkana waxaan ugu baaqayaa
suugaantaa haddii Illaahay
ka dhigo ujeedada culus leh
ee aan qosolka
ka marneyn, qofku isaga oo
waajib
culus aqriyaya ayuu
haddana mararka qaar ku
qoslayaa ama ku farxayo
weeye suugaantiisu sidaan
filayo, ugu dambeyntii
waxaan dadka
Soomaaliyeed ka
codsanayaa in ay u duceeyaan
isla markaana ay ku
biirsadaan suugaantiisa
wixii ay horey
u hayeen.
Abwaan Max’ed Ibrahim Warsame "Hadraawi"
Oxford House, London, UK.
Copy Right
xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008
Contact: xildhiban@xildhibanpublications.net | Designed by
Allaha u naxariisto Aweis Mohamud Hilowle
Webmaster: Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban" - Email:xildhiban@hotmail.com
ama xildhiban@yahoo.co.uk