Last update: Jimce - 28 August 2009
Ra’iisul wasaare Cumar Carte Qaalib wuxuu ku dhashay gobollada waqooyiga ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1930kii.
Dowladdii dhexe ee madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda Soomaaliya Allaha u naxariistee wuxuu intii u dhaxeysay sanadihii 1969kii illaa 1977dii ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya, wuxuuna mar noqday madaxweynihii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee United Nations Security Council. Cumar Carte Qaalib waxaa loo taxaabay xabsiga sanadkii 1982dii ka dib markii lagu soo eedeeyay qiyaano qaran isaga & xubnaha kala ah:- 1. 1. S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor;
2. 2. S/Gaas Cumar Xaaji Masalle;
3. 3. G/Sare Cusmaan Max’ed Jeelle;
4. 4. Warsame C/llaahi Cali “Juguf”.
Waxaana xubnahan qaarkood lagu xukumay dil toogasho horraantii bishii February, sanadkii 1988dii, wallow intii uu xabsiga ku jiray uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Warsame C/llaahi Cali “Warsame Juguf”.
Cumar Carte Qaalib 2 maalmood ka hor intii aan la ridin xukuumaddii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre oo ku beegan 24kii bishii January, sanadkii 1991dii ayaa loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isaga oo aan soo dhisin wax dowlad ah ayay dhacday dowladdii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre.
Waxyar ka dibna markii la riday xukuumaddii Max’ed Siyaad Barrewaxay dowladdii uu madaxda ka ahaa madaxweyne Cali Mahdi Max’ed mar kale loo magacaabay in uu ra’iisul wasaare ka noqdo dowladdaas oo uu ra’iisul wasaare ka ahaa 1991dii ilaa bishii May sanadkii 1993dii.
Cumar Carte Qaalib wuxuu isu soo sharaxay madaxtinimada maamulka Somaliland, ka dib geeridii ku timid hoggaamiyihii maamulkaas Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal sanadkii 2002da, wuxuuna muddadii intaas ka dambeysay ku nool yahay magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia.
Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
|