|
|
Bandhiggii buugaagta taariikhda, dhaqanka & codka
hal-abuurka Soomaalida oo lagu soo gebagabeeyay
magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. 04 - 05 May,
2012 |
|
Jimce -Sabti, May 04 - 05, 2012 -
Bandhiggii Kulan looga hadlayay hal abuurka iyo
dhaqanka afka- Soomaaliga ayaa xalay lagu soo
gabagabeeyay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden,
iyadoo gabagabda kulankaasina lagu soo
bandhiggay
Buuggaag la hadleysa dhaqanka Soomaalida.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Soomaalida ku
nool magaalada Gothenburg , waxaana ka qeyb gallay
dad isugu jira Soomaali iyo Sweden,
intii uu
kulankaasi socday ayaa lagu soo bandhiggay Suugaan
iyo Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Sidoo kale abawaanniin Soomaaliyeed ayaa kulankaasi
ka jeeddiyay in shacbaka Soomaaliyeed ay u
istaaggaan soo celinta iyo illaalinta
afka-Soomaaliga, maadaama Soomaalida ay yihiin dad
ku adag Hidaha iyo dhaqanka.
Abwaanniintii ka hadashay kulanka ayaa waxa ay
shegeen in lagama maarmaan tahay in ummadda
Soomaaliyeed ay ku dadaallaan sidii loo helli lahaa
nimaad
ku salleysn dhaqanka, isla markaana loo sii
xoojin lahaa kulammada lagu soo
bandhigayo
arrimahaasi.
Ugu dambeyntii kulanka ayaa lagu soo bandhiggay
Buuggaag ka hadleysa Hal abuurka iyo Hidaha iyo
dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ka
faa’ideysteen dadkii ka soo qeybgalay kulanka iyadoo
ay halkaasina hadallo ka jeediyeen;-.
Dr. Sciidi Saalax Axmed.
2.
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban " –
Xildhiban Publications
3. Max’ed Sh. Xassan Nuur – Scansom
Publishers
4.
C/llaahi Sh. Xussein "Hantiwadaag".
5. Ibrahim Howd
6. Warsan Cusmaan Saalax
7. Max'ed Baashe Xaaji Xassan
8. Abwaan Hurfe Cali Qeylo
9. Abwaanad Caasha Cuud.
Waxaana xusid gaar ah mudan kaalintii ay ka qaateen
jaaliyadda Puntland ee magaalada Gothenburg ee dalka
Sweden, "Puntland
Community Organisation" iyaga
oo ballan qaaday in ay halkaasi ka sii wadi doonaan
qabashada & abaabulka loogu jiro barnaamijyada
noocan oo kale ah, kaas oo lagu ballamay in
sanadkiiba mar la qabto.
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg, Sweden
ikraam_calikaar@hotmail.com. |
|
|
Abdullahi Sh. Hussein "Hantiwadaag" |
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" |
|
|
Abdullahi Sh. Hussein "Hantiwadaag" |
Warsan Cusmaan Saalax |
|
|
Max'ed Sh. Xassan "Scansom Publishers" |
Dadweynaha magaalada Gothenburg |
|
Bandhigga Buugaagta Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta
Soomaalida. |
|
Isha
qoraalkan; C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban",
London
Ogeysiis:
Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc
ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto
wargeys, haddii aad u baahato fadlan la
xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay
www.xildhibanpublications.com ama qoraha
caanka ah ee C/casiis
Cali Ibrahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London |
|
|