Munaasabad aad u weyn oo ay si wadajir ah u
soo qabanqaabiyeen Ururka Soomaalida magaalada Cardiff &
Cardiff Central Library iyo Ururka Scansom Publishers.
Munaasabadan oo bilaabatay saacaddu markii ay
aheyd 1dii Duhurnimo ilaa 5tii Galabnimo ee maalinimadii
shalay aheyd.
Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen marti sharaf fara badan
waxaa ugu horreyn ka hadlay ku xigeenka Lord Mayor oo
halkaasi ka shaagay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka
soo qeybgalo bandhigga maanta loo sameynayo Buugaagta ay
qoreen Qorayaasha Soomaalida.
Sida kale waxaa iska halkaasi ka hadlay Dr.
Martin Orwin oo ka mid madaxa Somali Studies ee jaamacadda
magaalada London ee SOAS, kuna soo bandhigay muhiimadda
qoraallada Soomaalida ay u leeyahay bulshada Soomaalida.
Intaas ka dib waxaa halkaasi ka hadlay Dr.
Maxamed Sh. Xassan oo ka mid ah Qorayaasha Soomaalida ahna
nin daabacay in ka badan 20 Buug oo ku saabsan dhaqanka iyo
suugaanta Soomaalida.
Sidoo kale waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay
Qorayaasha kala ah:-
1. Maxamed Baashe Xaaji Xassan 2.
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" 3. C/llaahi Cawed
Cige oo ah qorayaasha Buugaagta kala ah:-
1.Hal ka Haleel "Sooyaalka Hadraawi iyo
Suugantiisa
2. Waxay kuu digeen ma kugu dhaqeen "Dastuuradii
- Axdiyadii & Xeerarkii loo dhigay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
3. Ladh
Intaas ka dib waxaa halkaasi lagu qabtay dood
ku saabsan A Vital Role in Promotion of Multicultural Books
ay ka qeyb galeen:-
1. Kath Ewins 2. Maxamed Sh.
Xassan 3. Liz Mullen 4. Soad Hamdi
Iyadoo uu halkaasi hadallo qiimo badan ka soo
jeediyay Dr. Graham Davies oo ah Executive Producer oo
British Broadcasting Corporation Wales & Professor Teery
Threadgold oo ah madaxa Media, Journalism & Cultural Studies
Cardiff University.
Waxaa
ugu dambeytii halkaasi lagu guddonsiiyay Qorayaasha
Soomaalida Buug magaciisa la yiraahdo "CARDIFF Rebirth of a
Capital oo ah 100 guuradii ka soo wareegatay markii la
sameeyay Cardiff Centeray Year 1905 ilaa 2005.
Iyadoo gabagebadii munaasabaddaasi halkaasi
mhadcelin ballaaran looga soo jeediyay Preeti Pathak iyo
Ibraahim Xarbi oo iyagu ahaa kuwii qabanqaabiyay isla
markaana suurtagaliyay bandhigan ku saabsan Buugaagta
Soomaalida.
Saleebaan Xassan Calasow
Gobolka Wales magaalo madaxdiisa Cardiff, UK
alasow73@hotmail.com