Waxaa maanta magaalada London ee dalka Ingiriiska
aas QARAN loogu sameeyay Allaha u naxariistee
Ambassador, Max'ed Cusmaan Cumar & Duuliye sare
Jeylaani Abu Mudhir oo labadaba dhawaan ku
geeriyooday Ingiriiska.
Aaskan oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingriiska oo ka kala
yimid magaalooyinka dalka Manchester, Birmingham,
Bristol oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee
dalkaas.
Aaskaan waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u fara
badan, Siyaasiyiin, Saraakiil, Odayaasha dhaqanka
waxaana dadkaas ka mid ahaa;-
1.
Nuur Xassan Xussein "Nuur Cadde"
Ing. Cusmaan Jaamac Cali
2. IIng.
Cabaas Axmed
3.
Col. Shariif Cumar Sheegow
4.
Col. Max’ed Ibraahim Cumar
5.
C/qaadir Cali Boolaay
Cali Siciid Xassan
Ambassador Max'ed Axmed Caalin
S/Guuto Siciid Axmed Kadiye
6.
C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”
7.
Gudd, jaaliyadda, Max’ud Axmed Geeseey.
Aaskii Qaran ee maanta ka dhacay magaalada London
wuxuu ahaa aaskii dad Soomaaliyeed ay ka qeybgalaan
kii ugu ballaarnaa ee la isugu soo baxo, waxaana
dadkii isu soo baxay ka muuqatay tiiraanyo ay u
muujiyeen in dadka Soomaaliyeed ay ka baxeen am aka
geeriyoodeen xubno qaali ku ahaa, abaalkii ay
gashadeenna dadka Soomaaliyeed uusan noqon doonin
mid la illoobo.
Ambassador, Max’ed Cusmaan Cumar waxaa salaadda
janaasada waxaa loogu sameeyay masjidka Lea Brigde
ee London, waxaana lagu aasay qabuuraha muslimiinta
ee CHINGFORD FOLLY LANE ee galbeedka magaalada
London.
|