XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

G/Sare C/llaahi Yuusuf Axmed
 

Taariikh nololeedkii madaxweyne
Col. C/llaahi Yuusuf Axmed

 


C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1934tii, wuxuuna ku ku biiray ciidamada qalabka sida dabayaaqadii sanadkii 50aadkii.

C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu ka mid ahaa saraakiishii dhinaca waxbarashada loogu qaaday dalka Talyaaniga sanadkii 1957dii xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maamulkii maxmiyadda ee hoos imanayay dalka Talyaaniga ee United Nations Trusteeship of Italy.

Ka dib markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, wuxuu ka mid noqday ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed Wuxuu ka qeybgalay dagaalladii ay Soomaalidu la gashay dalka Ethiopia sanadihii 1964tii & 1977dii, wuxuuna ku muteystay in la siiyo bilad geesi.

Iskudaygii afgebigii dhiiggu ku daatay sanadkii 1978dii ay saraakiil u dhalatay gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya isku dayeen in ay ku afgembiyaan dowladdii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre wuxuu u baxsaday dalka Kenya ka dibna dalka Ethiopia, halkaas ka bilaabay dhismihii urur la oran jiray SODAF oo dagaal dhuumaaleysi ah la galay dowladdaas.

C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu hoggaaminayay ciidamadii 1984tii qabsaday magaalada Balanballe ee gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya, ka dibna halkaasi ka taagay calanka dalka Ethiopia,taas oo sababtay in xabsiga loo taxaabo sanadkii 1984tii ka dib markii uu ka biyo diiday arrintaasi, sida ay ku doodeen xubnihii la shaqeynayay isaga.

G/sare C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii la riday dowladdii dalka Ethiopia ee uu hoggaamin jiray Col. Misgistu Heylu Maryam sanadkii 1991dii markii ay talada dalkaasi la wareegeen jabhaddii uu hoggaamin jiray Atto Males Zenawi.

Waxyar ka dib markii xabsiga laga sii daayay wuxuu dib u bilaabay dhaqdhaqaaqyadii dhinaca siyaasadda, wuxuuna mar kale guddoomiye ka noqday jabhaddii SSDF, wuxuuna sanadkii 1993dii ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana isla sanadkaasi heshiis loogu magacdaray walaalaha Mudug kula saxiixday magaalada Muqdisho Gen. Max’ed Faarax Ceydiid.

Sanadkii 1993dii wuxuu dagaal aad u qaraar kula galay gobollada Waqooyi Bari eePuntland ciidamadii ururkii Al-Ittaxaad, dagaalkaas oo uu dhiig badani ku daatay isla markaana ay guusha ku raacday ciidamadii uu hoggaamiyay G/sare C/llaahi Yuusuf Axmed ee jabhaddii SSDF.

Sanadkii 1995tii wuxuu magaalada Muqdisho kaga qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay guriga nabadda ee magaalada Muqdisho. Shirkaas oo socday muddo gaaban ayaa haddana lagu kala boobay, taas oo kama dambeystii taageerayaashii Gen. Ceydiid ku sheegtay in uu yahay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sanadkii 1996dii wuxuu ka mid noqday guddoomiyeyaashii kaltanka ee Golihii Badbaadada Qaranka ee lagu dhisay magaalada Sodere ee dalka Ethiopia. Sanadkii 1997dii wuxuu mar kale ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Cairo ee dalka Masar oo isaga & S/Gaas Aadan C/llaahi Nuur “Gabyow” ay isaga soo baxeen gebagabadiisii.

Bishii August, sanadkii 1998dii G/sare C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa loo doortay madaxweynihii maamul gobolleedka Puntland ee Soomaaliya. Sanadkii 2001dii waxaa madaxweyne loo doortay G/Sare Jaamac Cali Jaamac, taas oo sababtay in C/llaahi Yuusuf xoog kaga qabsado maamulkaasi isaga oo ay la socdaan ciidamo ka socda dalka Ethiopia, wallow arrintaasi la beeniyay haddana.

Shirkii hoggaamiyeyaasha Soomaalida uga furmay dalka Kenya sanadkii 2002 ee socday ilaa 10kii bishii Oktoobar sanadkii 2004tii ayaa loogu doortay in uu noqdo madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya.

Wax yar ka dib markii la doortay shirkii ugu horreeyay ee uu uga qeybgalay magaalada Addis Ababa wuxuu ku codsaday ciidamo gaaraya 20.000 oo askari oo ka socda dalalka Africa, taas oo muran & xiisad weyni ka dhex abuurtay xubnihii golaha baarlamaanka ee fadhigoodu ahaa magaalada Nairobi, taas oo sababtay in gacanta ay isula tagaan una kala jabaan 2 kooxood.

Doorashadii ka dib waxay dowladdii uu madaxda ka ahaa u soo guurtay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe halkaas oo uu guddoomiye ka ahaa Max’ed Cumar Xabeeb “Max’ed Dheere” , ka dib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalayna u wareegay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaas oo xarun u aheyd illaa soo gelitaankii ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya.

G/sare C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu xilka madaxweynenimada dalka Soomaaliya Soomaaliya iska casilay 29kii bishii December sanadkii 2008da, ka dib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay isaga & ra’iisul wasaarihii xukuumaddii uu hoggaaminayay G/Sare Nuur Xassan Xussein “Nuur Cadde”.

Isla maalintii uu is casilay wuxuu dib ugu laabtay magaalada Kaalgalcyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu joogay illaa 20kii bishii January 2009ka, ka dibna isaga & xubno ka tirsan qoyskiisa oo tiradooda lagu sheegay 17 u duuleen dalka Yemen, halkaas oo la sheegay in uu ka helay magangelyo siyaasadeed, wuxuuna sanadkiiba mar booqasho dhinaca caafimaadka ah ku tagaa dalka United Kingdom, halkaas oo horay loogu qalay sanadihii 90aadkii.  

 
Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya C/qaasim salaad & C/llaahi Yuusuf

Madaxweynaha & ra'iisul wasaaraha Soomaaliya & wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf & madaxweynaha Faransiiska Nicolas Zarcokzy

Madaxweyneyaashi dalalka Shiinaha & Soomaaliya

Madaxweyneyaasha dalalka Somalia, Sudan, Yemen & ra'iisul wasaaraha Ethiopia

C/llaahi Yuusuf, Geeddi, Muusse Suudi & Qanyare

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo tukanaya salaad ka mid ah salaadaha 5ta
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf & Kaaliyaha xoghayaha Arr. dibbedda USA, J. Frazer

Yuusuf & Moi
Madaxweyneyaasha Soomaaliya & Kenya, C/llaahi Yuusuf & Daneil Arab Moi

Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London
xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London




 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008