XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Max'ud Sh. Muusse

TTaariikh nololeedkii
Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Max'ud Sh. Muusse


Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ee dalka Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 25kii bishii July 1964tii.

Wuxuu waxbarashadiisii ku dhammeystay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, wuxuuna magaalooyinka Khartoum & Tripoli ee dalalka Sudan & Libya ku dhammeystay waxbarashadiisii dhinaca jaamacadaha , wuxuuna barre ka noqday dugsiyada dalka Soomaaliya, isaga oo dhigay duruusta juquraafiga, Carabiga & diinta Islaamka, wuxuuna si wanaagsan ugu hadlaa luqadaha Carabiga & afka Ingiriiska, wallow aan la arag isaga oo ku hadlaya afka Ingiriiska.

Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Max’ud Sh. Muusse wuxuu dhinaca waxbarashada ka bilaabay dugisigii Sheikh Sufi institute ee gacan saarka la leh jaamacadda Al-Azar ee dalka Masar, ka dibna wuxuu galay jaamacadda Kordufan ee dalka Suudaan dabayaaqadii sanadkii 1992dii halkaas oo uu ka qaatay Bachelor Degree ee luqadda Carabiga & Juquraafiga jaamacad ku taal magaalada Aldalanj sanadkii 1994tii ee dalka Libya, jaamacaddaas oo hadda lagu magacaabo Dalanj.

Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Max’ud wuxuu magaalada Tripoli ee dalka Libya isaga soo tagay ka dib markii uu dhammeystay waxbarashada dhinaca sharciga & shareecada Islaamka sanadkii 1998dii, wuxuuna yaraantiisii korka ka xafiday quraanka kariimka, maadama uu ka soo jeedo qoys dhinaca diinta aad looga tixgeliyo dalka Soomaaliya.

Ka dib markii uu dalka ku soo laabtay Sh. Shariif Sh. Axmed wuxuu madax ka noqday maxkamad dhinaca shareecada Islaamka oo laga dhaqangeliyay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe ee maamulkii Max’ed Cumar Xabeeb. Sanadkii 2004tii Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Max’ud wuxuu noqday hoggaamiyihii maxkamadihii Islaamka ee magaalada Muqdisho, isaga oo saaxiibo aad ay isugu dhow yihiin la noqday Xassan Daahir Aweys & Aaden xaashi Ceyrow oo ay dowladda Mareykanka ku eedeysay in uu xiriir la leeyahay ururka Al-Qeada, isla markaana ka soo dagaallamay dalka Afghanistan sanadkii 2001dii.

9kii bishii Septembar sanadkii 200Sh. Shariif Sh. Axmed wuxuu magaalada Sirte ee dalka Libya ugu qeybgalay kulan lagu martiqaaday dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamin jiray C/llaahi Yuusuf Axmed & dalal kale oo ka tirsan dalalka Midowga Africa ee AU, wuxuu joogitaankooda shirkaas ku fasiray wareysiyo ay la yeesheen wakaaladaha wararka ee Reuters & BBC, sidoo kalena uu ku eedeeyay dalka Ethiopia in ay jirto cadaawad u dhaxeysa dalalka Soomaaliya & Ethiopia muddo ku siman 500 oo sanadood, wallow ay Ethiopia ay beenisay eedahaasi in ciidamadoodu ku jiraan gudaha dalka Soomaaliya.

28kii bishii December sanadkii 2006, 6 bilood ka dib oo ay magaalada Muqdisho ka talinayeen xooggagii uu uu horkacayay Sh. Shariif Sh. Axmed dagaallo la galeen ciidamadii Ethiopia eek u sugnaa gudaha dalka Soomaaliya, taas oo keentay in laga awood roonaado, isla markaana uu u baxsado dalka Kenya. 21kii bishii January sanadkii 2007 ay ciidamada Ethiopia ku qabteen halka loo yaqaanno Hulugo ee xuduuddka dalka Kenya, wuxuuna magaalada Nairobi kula kulmay danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya dalkaasi Reinburger.

1dii bishii February wuxuu magaalada Nairobi uga ambabaxay magaalada Sana’ ee dalka Yemen, isaga oo ay la socdaan xubno la sheegay in ay ka tirsanaayeen golihii midowga maxaakiimta ee ICU. Shir ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eretria waxaa Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Max’ud loogu doortay in uu noqdo guddoomiyihii guddiga fulinta ee isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee dagaalka qaraar la galay ciidamadii ka socday dalka Ethiopia.

Khilaaf soo kala dhexgalay isbaheysigii dib u xoreynta, taas oo keentay in ay 2 u kala jabaan, ka dib markii ay wadahadallo la galeen dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ra’iisul wasaare Nuur Xassan Xussein, taasi oo keentay in ay heshiisyo dhexmaraan. 29kii bishii December sanadkii 2008 ka dib markii uu is casilay madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ee uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed shir ka dhacay magaalada Djibouti loogu doortay in uu noqdo madaxweynaha Jmahuuriyadda Soomaaliya, taariikhdu markii ay aheyd 31dii bishii January 2009, ka dib markii uu kaga guuleystay ninkii la tartamayay S/Guuto Maslax Max’ed Siyaad 293 cod. Ka dib guushii uu ku guuleystay doorashadaasi waxaa si rasmi ah loogu dhaariyay hotel Kempinski ee magaalada Djibouti ee dalka Jibouti.

 
                     
                                   Sh. Shariif, Xussein Ceydiid & Shariif Xassan

      
                                           Sh. Shariif, Xussein Ceydiid & Shariif Xassan
     
                              Xassan Daahir, wariye Xassan Bariise & Sh. Shariif
      
              Sh. Shariif, Sh. Cumar Iimaan, Sh. c/qaadir Cali, Sh. Janaqow & abuu quteyba
       Doorashadii Djibouti
                            S/Guuto Maslax Max'ed Siyaad & Sh Shariif Sh. Axmed
      
                                               Dhaartii xubnha Golaha baarlamaanka
    
                 Madaxweyne Sh. Shariif, ra'iisul wasaare Sharmaarke & Shariif Xassan
    
                             Madaxweyne Sh. Shariif & UN secretary General Ban Ki Moon
      
                      Madaxweyne Sh. Shariif & ra'iisul wasaare Atto Males Zenawi
    
                     Madaxweyne Sh. Shariif & USA foreign secretary Hillary Clinton
    
                     Madaxweyne Sh. Shariif & UN secretary General Ban Ki Moon
    
             Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya & Kenya Sh. Shariif & Mwai Kibaki
     SOMALI PRESIDENT
          Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya & Turkiga Sh. Shariif & Abdallah Gul
     Kulanka dalalka Islaamka
                                             Madaxweyneyaasha dalalka Islaamka
                   
    Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya & Rwanda Sh. Shariif & General Poule Kigame
                      
       Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya & Uganda Sh. Shariif & Yuweri Mosaveni
               
       Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya & Libya Sh. Shariif & Col. Mu'amar Al-Qadafi
      
                EU Foreign head Javier Solana & madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed

                           Sh. Shariif & Boqorka Qadar
                             Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed & boqorka dalka Qadar

Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London

xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)

Xildhiban Publications, London

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

_______________
 

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008