Last update: Jimce, 28 August 2009
Prof. Saalim Caliyow Ibrow
Prof. Saalim Caliyow Ibrow wuxuu ku dhashay deegaannada Koofur Galbeed ee dalka Soomaaliya, wuxuuna ka soo jeedaa qoys xagga dhaqanka si weyn looga tixgeliyo gobollada koofureed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Prof. Saalim Caliyow Ibrow waxaa markii ugu horreysay saaxadda siyaasadda Soomaaliya lagu arkay waxyar ka dib markii la riday xukuumaddii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre, wuxuuna wasiirka xannaanada xoolaha & dhirta & daaqa ka noqday dowladdii madaxweyne Cali Mahdi Max’ed, sanadkii 1991dii.
Intii aannu siyaasaddu soo gelin ka hor, Prof. Saalim Caliyow Ibrow wuxuu barre ka ahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Prof. Saalim Caliyow Ibrow wuxuu qabtay xilalka kala:-
- Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka garsoorka;
- Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Hiddaha & Tacliinta Sare;
- Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka garsoorka & Caddaaladda;
- Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka lacagta.
- Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka xannaanada xoolaha dhirta & daaqa;
Taariikhdu markii ay aheyd 29kii bishii October, sanadkii 2007da ka dib markii uu xilkii uu hayay uu iska casilay ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa waxaa loo magacaabay in uu ra’iisul wasaare KMG ah ah noqdo Prof. Saalim Caliyow Ibrow, xilkaas oo uu hayay 29kii bishii Oktoobar illaa 24kii bsihii November, sanadka 2007, wuxuuna xilkaasi ku wareejiyay ra’iisul wasaare Nuur Xassan Xussein “Nuur Cadde”.
Prof. Saalim Caliyow Ibrow wuxuu ka mid ahaa musharixiintii xilka guddoomiyenimo ee Golaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, ka dib markii xilkii uu hayay laga qaaday guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Sh. Aaden.
Prof. Saalim Caliyow Ibrow waa siyaasi qunyar socod ah, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha sarsare ee hey’adda UNESCO ee hoos tagta Qaramada Midoobay ee United Nations u qaabilsan dalka Soomaaliya.
Saalim Caliyow Ibrow oo ka qeybgalaya xuskii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Saalim Caliow Ibrow oo saxiixaya heshiis dowladda KMG ah la gashay Puntland Hon. M.M.Guuleed "Gamcadheere" & ra'iisul wasaare Prof. Saalim Caliyow Ibrow Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
|