Home
Publications
Gabayo & Guurow
Heesaha
Photo Gallery
Wareysi VOA dood ku saabsan qoraalka Soomaaliga
Wareysi ay laanta afka Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"
Somali Radio
Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT
4:00PM
7:00PM
8:00PM
Somali Links
Markacadeey
Puntlandpost
Qaranimo
Shabelle
Somaliweyn
Somalitalk
Solamusic
Universal TV
Xamardaye
International News Agencies
Aljazeera
Reuters
Washington post
BBC
CNN
More Somali Books Coming soon
Date:
Dr. C/qaasim Salaad Xassan
Taariikh nololeedkii madaxweyne Dr. C/qaasim Salaad Xassan
Last update: Axad - 23 Sep 2007 C/qaasim Salaad Xassan wuxuu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galduduud oo ku yaalla bartamaha dalka Soomaaliya sanadkii 1941dii. C/qaasim Salaad wuxuu waxbarashadiisii ku dhammeystay magaalada Muqdisho, ka dibna wuxuu jaamacad kaga baxay dalka Ruushka sanadkii 1967dii. Intii ay xukunka heysay dowladdii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta maamulka Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu xilal badan ka soo qabtay hey'adaha kala ah:- 1. Ra'iisul wasaare ku xigeenka 2aad ahna Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee ugu dambeeyay xukuumaddii madaxweyne Max'ed Siyaad Barre. 2. Wasiirka Warfaafinta. 3. Wasiirka Madaxtooyada. 4. Wasiirka Howlaha Guud & Guryeynta. Markii la riday dowladdii Allaha u naxariistee madaxweyne Max'ed Siyaad Barre wuxuu ku noolaa inta badan magaalada Muqdisho. Bishii August 27keedii sanadkii 2000 shir lagu soo gebagabeeyay magaalada Carte ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dowladdii KMG ah ee Soomaaliya. Intii ay dowladdiisu jirtay uma suurtagalin in maamulkiisa lagu baahiyo dalka oo dhan, markii ay dagaallo la gashay hoggaamiye kooxeedyadii ka jiray Muqdisho qaarkood. C/qaasim wuxuuna xilka hayay 15kii bishii Oktoobar 2004tii xilligaas oo uu xilkaasi ku wareejiyay madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaah Yuusuf Axmed. Fadlan haddii aad heysaan qoraal ku saabsan taariikh nololeedkii madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan noo soo gudbi. Isha Qoraalkan C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xamardaye.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London
Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen
.
Taxanaha Taariikhda Soomaaliya
Maahmaahyo Murti & Madadaallo
More Books ....
Coming soon
Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA
Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn
Home | Publications | About us | Photo Gallery | Contact us
_______________________________________________________
Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008