Last update: Axad - 23 Sep 2007
Garyaqaan, Dr.Ismaaciil Jimcaale Cosoble, wuxuu ahaa halgame naftiisa inteeda badneyd u soo huray u halganka xaqa iyo ka soo horjeedka xaqdarrada. Wuxuuna halgankaas qaraaraa oo muddada dheer soo taxnaa ku mutaystay dhibaatooyin fara badan oo is dabajoog ah, oo leh xabsi, cabsi gelin, caburin fekri, bugto, iyo halis aheyd in loo abaabulay dambiyo si dil loogu xukumo. Hase yeeshee waxaa oo dhibaato ah oo ka horyimid, marna kama aysan weecin ujeedooyinkiisii xaqdoonka ahaa iyo jidkii dheeraa ee horyaallay in uu u maro, waxaana la qumanaa inuu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabto.
Dr. Ismaaciil, tabaha halgankiisa wuxuu u adeegsan jiray siyaabo badan oo kala duwan, isagoo mar kasta isticmaalayay waddo nabadeed (Non Violent), dersaya, qiimeynaya hadba xaaladda la joogo iyo sida looga gudbi karo. Tabihiisa halganka waxaa ka mid ahaa:-
1. Qoraallo.
Durba markii uu soo dhamaystay waxbarashadiisa jaamacadeed ee uu ku soo qaatay kulliyada Sharciga ee Jaamacadda Roma, kana soo qalin jabiyay bishii Abril ee sanadkii 1965tii, ayaa waxa uu bilaabay inuu soo saaro Wargeys la oran jiray La Tribuna; wuxuu wargeysku ahaa mid lagu falanqeeyo arrimihii taagnaa ee 1960meeyadii ee Dalka Soomaaliya.
Wargayska La Tribuna wuxuu noqday tubtii ay aqoonyahanada, waxgaradka iyo sama-jeclayaasha Soomaaliyeed ku faafin jireen afkaartooda, uguna gudbin jireen dadweynaha Soomaaliyeed gudaha iyo dibada meel ay joogaanba.
Dr. Ismaaciil wuxuu kale oo uu udub-dhexaad u ahaa curintii & diyaarintii Qoraalkii la magac baxay BAYAANKA KOOWAAD (Manifesto) ee 1990kii looga soo horjeeday Xukuumaddii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre.
2. Loollan Siyaasadeed.
Si uu halgankiisa usii xoojiyo, ayaa Dr. Ismaaciil wuxuu ka qaybgalay doorashooyinkii guud ee dalka ka dhacay 1969kii. Garyaqaan Ismaaciil wuxuu doorashadaas tiradii ugu badneyd ka helay Xamar, oo markaas aheyd xarun kulmisay maskaxdii iyo dareenkii waddaniga ahaa ee dalka ugu sarreeyay.
Dr. Ismaaciil Jumcaale wuxuu markaas ku guulaystey kursigii Muqdisho ee Baarlamaanka Qaranka Soomaaliyeed ee markaas jiray. Wuxuuna doorashadaas kadib noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska ee dowladdii rayidka aheyd ee waqtigaas jirtay. Ka dibna waa la xiray markii askartu xukunka dalka qabsatay.
3. Diyaarinta shuruucda
Intii uu Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska ahaa, wuxuu Baarlamaanka markaas jiray soo hordhigay, daafacay oo uu ku guuleystay, shuruuc markii dembe la ansixiyay sharciyan, in kasta oo ayan si fiican u hirgelin, waxaana ka mid ahaa:-
A• Sharci qabay in la siiyo taageero dhaqaale Wargaysyada Xorta ah, lagana ilaaliyo faragalinta iyo faaf-reebka Xukuumadda.
B• Sharci dhowrayay xuquuqda hal-abuurka qofka (Copy Right Protection).
C• Sharci banaynayay in fanaaniinta Soomaaliyeed samaystaan urur iyaga u gaar ah oo ay danahooda faneed ku ilaashadaan.
Shuruucdaas oo dhan, oo uu Garyaqaan Dr. Ismaaciil soo jeediyay sharciyeyntooda (in kasta oo aan loo meel marin sidii sharcigu ahaa), wuxuu ku ilaalinayay xuquuqda danyarta dulman oo aan iyagu laheyn awood ay isku difaacaan.
4. Maxkamadaha Hortooda.
Garyaqaan Dr. Ismaaciil alaha u naxariistee, wuxuu ku caan baxay dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba U DOODAHA DADKA DULMAN. Wuxuuna galay dacwooyin tiro badan oo in badan oo ka mid ah uu ku guulaystay inuu badbaadiyo naf iyo maal xaq-darro lagu haystay. Taas oo uu ku mutaystay sharaf iyo magac wayn gudaha & dibadba.
Waxaana tusaale ahaan qormadaan u soo qaadan karnaa dhowr ka mid ah dacwadihii badnaa oo uu galay garyaqaan Dr. Ismaaciil sida:-
A• Dacwad siyaasiyiin lix ah, oo lagu soo eedeeyay inay galeen dembiyo lid ku ah Xukuumaddii Max’ed Siyaad Barre.
B• Dacwad lagu soo oogay koox Culuma’udiin ah, oo lagu soo eedeeyay in ay ka horyimaadeen sharcigii Xeerka Qoyska.
C• Gabar uur leh oo la yiraahdo Safiya Xaashi Madar oo iyada oo xiran ku dhex umushay Xabsiga Hargaysa, laguna soo eedeeyay in ay ku lug laheyd arrimo siyaasadeed.
D• Nin qoraa Talyaani ah oo la yiraahdo Piero Petrucci oo lagu soo eedeeyay in uu aflagaado u geystay qoyska Siyaad Barre.
E• Dad Soomaali ah oo intii uu noolaa Dr. Ismaaciil Jimcaale laga soo eryay dalka Kenya, oo markaas halkan Qaxooti ku noqday kuna darxumaaday, oo uu Dr. Ismaaciil u doodi Jiray xuquuqdooda.
5. Howlgelinta & abaabulka waxgaradka.
Waxaa tabaha howlgalka halganka Dr. Ismaaciil ka mid ahaa in uu ururiyo dadka Soomaaliyeed intooda samaha jecel oo leh aragti meel fog wax ka eegta, siiba Aqoonyahanada leh aragtida dheeriga ah kana damqanayay dhibaatada ku habsatay dadkooda iyo dalkooda, waxgarad iyo waayo arag wanaag-doon ah, dhalinyarada oo uu u arkayay rajadii Soomaalida cusub ee berrito, intooda leh waayo aragnimo dugsan baraarug waddaniyadeed iyo damiir xaq dhowr.
Allaha u naxariistee Dr. Ismaaciil wuxuu xiriir joogto ah la lahaa ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ee adduunka.
Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
|