Sh. Aadan
Max’ed Nuur “Sh. Aadan Madoobe” wuxuu ku dhashay
magaalada Mandera ee Northern Frontier District
“NFD”. Intii aanu siyaasaddu soo gelin ka hor Sh.
Aadan “Madoobe” wuxuu ahaa barre quraanka kariimka
ah ka dhiga dugsiyada koofur galbeedka ee dalka
Soomaaliya.
Sh. Aadan Max’ed Nuur waxaa la
sheegaa in uusan laheyn waxa loo yaqaanno “Formal
Edcutaion”, wuxuuna siyaasadda soo galay weerarkii
ay inta badan koofurta dalka Soomaaliya ku qabsadeen
taageerayaashii Gen. Max’ed Faarax Ceydiid.
Sh. Aadan Madoobe wuxuu noqday
guddoomiye ku xigeenkii ururkii wax iska caabinta ee
Rahanwein Resistance Army ee lagu dhisay magaalaga
Jafaay sanadkii 1995tii. Ururkan oo uu hoggaamin
jiray G/Sare Xassan Max’ed Nuur “Shaatiguduud”,
wallow uu markii dambe ku dooday in uu yahay
hoggaamiyaha xaqqa ah ee ururkaas, ka dib markii uu
khilaaf xooggani soo kala dhexgalay, xiriir hoosena
uu la yeeshay madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ee
lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jibouti.
“Sh. Aadan Max’ed Nuur guddoomiyeyaashii
wareegga ahaa ee Golihii la oran SRRC ee lagu dhisay
dalka Ethiopia sanadkii 2001dii, markii dambena
waxay isaga & ku xigeenkiisa ururka RRA kala
taageereen SRRC & dowladdii C/qaasim Salaad Xassan.
Intii uu socday shirkii dib u
heshiisiinta ee lagu qabtay dalka Kenya, waxay
hoggaamiyeyaashii 3dii garab ee ay u kala jabeen
ururkii RRA ku heshiiyeen in meesha laga saaro
cadaawaddii u dhaxeysay, taas oo keentay in uu
dhexmaro heshiis kama dambeys ah.
Sh. Aadan Madoobe wuxuu ka mid
noqday xubnihii Golihii baarlamaanka KMG ah ah ee
Soomaaliya ee horraantii bishii August, sanadkii
2004ta lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka
Kenya.
Max’ed Ibraahaim Xaabsade ayaa
ku eedeeyay horraantii bishii May, sanadkii 2005ta
Sh. Aadan Madoobe & Col. Xassan Max’ed Nuur “Shaatiguduud”
in ay la wareegeen maamulkii magaalada Baydhabo ee
gobolka Bay, taas oo markii dambe xarun u noqotay
dowladdii madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, halkaas
oo ay ku geeriyoodeen 19 ruux, halka 28 kalena ay
dhaawac ka soo gaareen.
Dhismihii xukuumaddii ra’iisul
wasaare Cali Max’ed Geeddi waxaa loo magacaabay in
uu noqdo wasiirkii caddaaladda, xilkaas oo uu hayay
illaa bishii January, sanadkii 2007da.
Ka dib markii xilka
guddoomiyenimada golaha baarlamaanka laga qaaday
Shariif Xassan Sh. Aadan & xubno ay tiradoodu
gaareyso 28 xubnood oo ka tirsanaa 17kii bishii
January, sanadkii 2007da, waxaa Sh. Aadan Madoobe
loo doortay xilka guddoomiyenimo ee Golaha
baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya 31dii bishii
January isla sanadkaas, waxaana xilkaasi loo
dhaariyay 3dii bishii February, sanadkii 2007da.
Ka dib markii uu xilka iska
casilay madaxweynihii dowladdii KMG aheyd C/llaahi
Yuusuf Axmed 29kii bishii December, 2008da ayaa sida
uu qorayo axdiga KMG ah ee Soomaaliya waxaa Sh.
Aadan Madoobe noqday madaxweynaha KMG ah ee
Soomaaliya ilaa laga soo gaaro 31kii bishii January,
sanadka 2009ka, xilligaas oo loo doortay Sh. Shariif
Sh. Axmed madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya.
|