XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:   Tuesday, 2 March 2010

Ra'iisul wasaare Cali Max'ed Geeddi
 

Taariikh nololeedkii
Ra'iisul wasaare Prof. Cali Max'ed Geeddi

 

Prof. Cali Max'ed Geeddi wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 1951dii, wuxuuna waxbarashadiisii dugsiyada Hoose, Dhexe, Sare & heer jaamacadeedba ku dhammeystay magaalada Muqdisho, sidoo kalena wuxuu Prof. Geeddi waxbarasho dhinaca cilmiga ah ku tagay dalka Talyaaniga, gaar ahaan magaalada Pisa halkaas oo uu ku sameeyay Bachelor Degree sanadku markuu ahaa 1974tii.

Prof. Geeddi wuxuu intii u dhaxeysay sanadihii 1974 illaa 1976 ka qalin jabiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxayna barreyaashii & ardaydii taqaannay ku tilmaameen arday aad ugu dhago nugul dhinaca waxbarashada & cilmiga.

Sanadku markuu ahaa 1979-1981markii uu soo dhammeystay waxbarashadii dhinaca Talyaaniga uu ku tagay, wuxuu sanadkii 1982dii ka noqday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kaaliye, muddo gaaban ka dibna waxaa loo magacaabay in uu noqdo madaxii qeybta Veterinary ee isla Jaamacadda Ummadda Soomaaliya, halkaas uu oo madax ka ahaa 26kii bishii January sanadkii, 1991dii, markii la riday dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya.

Aabaha dhalay Prof. Geeddi wuxuu ka tirsanaa ciidamadii Nabadsugidda Qaranka ee loo yaqaannay "NSS", wuxuuna sumcad weyn ku lahaa ciidamada dhexdooda, waxayna darajadiisu aheyd G/Sare, isla markaana waqti aad dheer ka tirsanaa ciidamada dalka Soomaaliya.

Prof. Cali Max'ed Geeddi ka hor intii aan loo magacaabin in uu dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka noqdo ra'iisul wasaare wuxuu si firfircoon uga qeybgalay shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay magaalooyinka Addis Ababa sanadkii 1993dii & shirkii lagu qabtay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan, shirkaas oo socday muddo dhan 9 bilood.

Prof. Geeddi waxaa 4tii bishii November sanadkii, 2004 waxaa loo magacaabay in uu qabto xilka ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxyar ka dib doorashadii madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee shirkii ku dhammaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dagaalkii magaalada Muqdisho ku dhexmaray wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa ay la galeen midowgii maxkamadaha Islaamka ee magaalada Muqdisho ka qaaday xilalkii ay hayeen;-

1. Max'ed Qanyare Afrax
2. Muusse Suudi Yalaxow
3. Bootaan Ciise Caalin
4. Cumar Max'ud Max'ed "Cumar Finish".

Ka dib waxay xukuumaddiisu la gashay dagaal dhiig fara badani ku daatay xoogaggii maxkamadaha Islaamka, taas oo u sahashay in dowladdiisu ay Muqdisho la wareegto & gobollo fara badan oo ku yaalla koofurta dalka Soomaaliya, iyaga oo gacan ka helaya ciidamada dalka Ethiopia dabayaaqadii 29kii bishii December, sanadkii 2006da.

Ra'iisul wasaare Geeddi wuxuu ku dhawaaqay in uu dagaalkii dhammaaday ay ku jireen xoogaggii la dagaallamayay dowladdiisa 1dii bishii January, sanadkii 2007da, wuxuuna dalka ku soo rogay xukunka degdegga ah ee "Martial Law", wuxuuna magacaabay xeer ilaaliyeyaal heer Qaran ah.

Waxyar ka dib markii ciidamada dowladda KMG aheyd ay la wareegeen maamulka magaalada Muqdisho ayaa lagu qaaday weerar lagu doonayay in lagu qaarajiyo taariikhdu markii ay aheyd 3dii bishii June, sanadkii 2007dii, waxaana magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan.

Muddo ka dib, markii uu khilaaf xooggani soo kala dhexgalay isaga & madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya, Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, una muuqatay in la liicin kari waayay dadaal ay sameeyeen madaxda dalalka Ethiopia & Mareykanka iska casilay xilkii uu hayay ee ra'iisul wasaarenimo 29kii bishii Okotoobar, sanadkii 2007da, xilligaas oo baarlamaanka KMG ah fadhi u ahaa xaruntii KMG aheyd ee magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxaana kusimaha xilka ra'iisul wasaaraha loo magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibrow oo ra'iisul wasaare ku xigeen ka ahaa xukuumaddiisa.

Isla maalintii uu iska casilay xilkii uu hayay waxaa uu u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu weli deggan yahay. Prof. Cali Max'ed Geeddi wuxuu bishii January sanadka 2009ka isu soo sharaxay xilka madaxweynenimada dalka Soomaaliya, ka dib markii uu isna xilkii madaxweynenimada iska casilay ninkii ay sida weyn isugu dhawaayeen ee C/llaahi Yuusuf Axmed 29kii bishii December, sanadkii 2008, laakiin weli waa xubin ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee dalka Soomaaliya.


 
Ra'iisul wasaare Geeddi & Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon

Ra'iisul wasaare Geeddi,madaxweyne C/llaahi Yuusuf kulankii xarunta EU, Brusells

Ra'iisul wasaare Geeddi< Madaxweyne Yuusuf & kaaliyahaxoghayaha Arr. dibedda ee USA

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Males Zenawi & madaxweyne C/llaahi Yuusuf & ra'iisul wasaare

Kulankii magaalada Jeddah ee madaxda Soomaalida

Ra'iisul wasaare Geeddi & boqor Cabdalla bin Abdulaziz

Ra'iisul wasaare Geeddi & madaxweyne C/llaahi Yuusuf

Ra'iisul wasaare Geeddi & madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan

Weerarkii lagu qaaday guriga ra'iisul wasaare Geeddi ee magaalada Muqdisho

 
Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London

xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008