Sheikh
Muqtaar Max’ed Xussein wuxuu ku dhashay magaalada Xudur ee
gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya, wuxuuna si fiican u
bartay quraanka kariimka, wuxuuna taas ku muteystay in loo
aqoonsado ama loo la siiyo darajada loo yaqaanno “Sheikh”,
wuxuuna si aad ah u bartay culuunta diinta Islaamka.
Sheikh Muqtaar Max’ed Xussein wuxuu markii uu qaangaar
noqday u suurtagashay in uu ganacsado noqdo isla markaana
dukaan ka furtay magaalada Xudur ee gobolka Bakool isaga oo
markii dambena bakhaar weyn ka furtay magaalada Baydhabo ee
xarunta gobolka Bay intii uusan siyaasadda ku soo biirin ka
hor.
Waxyar ka dib markii la dhisay Somali
Youth Club ee markii dambe isu badellay Somali Youth League
ama ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan
horraantii sanadkii 1943dii ayuu ka mid noqday Sheikh
Muqtaar Max’ed Xussein, wuxuuna madax ka noqday gobollada
koofureed ee Soomaaliya ee la oran jiray Alta Jubba.
Sanadkii 1956dii waxaa loo doortay in uu
xubin ka noqdo baarlamaankii ugu horreeyay ee ay yeeshay
dalka Soomaaliya ee la oran jiray Somali legislative
Assembly isla markaana ay dalka maamulayeen maamulka
maxmiyadda ee dalka Talyaaniga ee lagu magacaabi jirayUnited
Nations Trusteeship of Italy.
Dowladdii ra’iisul wasaare C/llaahi Ciise
Max’ud waxaa loo doortay in uu noqdo wasiir ku xigeenkii
wasaaradda caddaaladda & arrimaha diinta.
Mar kale ayaa sanadkii 1959kii dib loogu
doortay in uu ka mid noqdo Golihii sharci dejinta ee dalka
Soomaaliya intii aan xorriyadda la qaadan ka hor, markii
xorriyadda la qaatay ka dibna wuxuu ka mid noqday xubnihii
golihii baarlamaankii ugu horreeyay ee jamhuuriyadda
Soomaaliya.
Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii
1967dii waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii golihii
baarlamaanka ee dalka Soomaaliya. 15kii bishii Oktoobar
sanadkii 1969kii ka dib markii la dilay madaxweyihii hore ee
dalka Soomaaliya Dr. C/rashiid Cali Sharmaarke waxaa uu
muddo gaaban noqday madaxweyne KMG ah.
21kii bishii Oktoobar 1969kii markii ay
ciidamada qalabka sida afgembi aan dhiig ku daadan kula
wareegeen talada dalka waxaa lagu xukumay xabsi guri, dhowr
sanadood ka dibna wuxuu dib u helay madaxbannaanidiisii
qofeed.
Wixii intaas ka dambeeyay wuxuu bilaabay
in uu tacbado beer uu ku lahaa magaalada Afgooye ee gobolka
Shabeellada Hoose, wuxuuna haatan ku nool yahay magaalada
Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, iyadoo cimrigiisana
lagu qiyaaso dhowr & sagaashan jir.
Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xamardaye.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London
|