XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Taariikhdii Allaha u naxariistee halyeygii Sportiga Soomaaliyeed

Taariikhdii nololeedkii halyeygii Sport-iga Soomaaliyeed
 Faarax Wehliye Caddow “Sindico”.

Last update:  Axad - 21 November 2008

21/11/2008 - Faarax Wehliye Caddow “Faarax Sindico” oo ka mid ahaa odayaasha ugu caansan Soomaaliya ee gaar ahaan dhanka Sports-ka ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaal xaafadda 6aad October ee magaalada Qaahira ka gadaal mar uu safar kaga soo laabtay dalka Mareykanka..

Faarax SindicoFaarax Sindico wuxuu in ka badan rubac qarni maamulayay ciyaaraha Soomaaliya isagoo ka gaaray heerkii ugu sareeyay ee shaqsi Soomaali ah uu ka gaaro sports-ka caalamka iyo kan Soomaaliya.

Faarax Sindico wuxuu Sports-ka ku soo dhex jiray in ka badan 45 sanadood ayaa lagu ganaaxay dhaqdhaqaaqii kubadda cagta dunida muddo 10 sano ah, ka dib markii khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalay isaga iyo guddoomiyaha FIFA Sep. Balter wallow markii dambe guddoomiyaha FIFA uu cafis u fidiyay Faarax Zindiko.

Geerida Faarax Sindico waxaa si aad ah uga naxay dhammaan bahweynta ciyaaraha ee dalkeena iyadoo la ogsoon yahay kaalintii muuqatay ee uu Faarax Sindico ka qaatay horrumarinta ciyaaraha Soomaaliya.

Taariikhda Zendiko oo kooban:-

Faarax Sindico wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markii uu ahaa 1940kii, yaraantiisii wuxuu jeclaa ciyaaraha gaar ahaan kubadda cagta, sanadkii 1956 wuxuu ka mid noqday kooxda Shangaani ee seria B, isla sanadkaasi wuxuu ku biiray ciyaarta feerka oo xilligaas aad loo jeclaa, 1960 wuxuu ka mid noqday ciyaartoyda heerka 2aad seria B ee Boondheere.

Faarax Zindiko wuxuu ciyaaraha ka fariistay sanadkii 1962dii, markii uu jilibka dhaawaca ka soo gaaray, wuxuuna u wareegay dhinaca garsoorka kubadda cagta, sanadkii 1963dii wuxuu noqday garsoore heerka labaad , halka uu 1967dii u dallacay garsoore heerka 1aad, sanadkii 1969kii wuxuu noqday garsoore heer caalami ah.

Faarax Sindico 1972 kii wuxuu noqday madaxa sports-ka iyo dhallinyarada ee degmada Boondheere .

Sanadkii 1975 kii wuxuu Faarax Sindico noqday guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo xubin guddiga Olympic Soomaaliyeed ah, halka 1978dii uu ka noqday guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo waliba guddoomiye ku xigeen guddiga olombikada Soomaaliyeed, 1978dii wuxuu xubin ka noqday xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA.

Sanadkii 1980kii wuxuu Faarax Sindico xubin ka noqday gudigii joogtada ahaa ee xiriirka kubadda cagta qaarada afrika ( CAF ),halka uu sanadkii 1984 kii ilaa 2004 xubin ka ahaa guddiga fulinta xiriirka kubadda ee jaamacadda Carabta.

Sanadkii 1988 Faarax Sindico wuxuu xubin ka noqday gudiga fulinta xiriirka kubadda cagta ee qaarada afrika ee CAF, wuxuu kaloo isla sanadkaas noqday gudoomiyaha garsoorayaasha Africa iyo waliba xubin guddiga garsoorayaasha kubada cagta ee adduunka FIFA.

Sanadkii 1993 bur burkii dalka ku dhacay kadib wuxuu Faarax Sindico loo doortay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo waliba gudoomiyaha gudiga olombikada soomaaliyeed GOS.

19 Janauray 2000 waxaa loo doortay Faarax Sindico guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka kubadda cagta ee qaaradda Africa ee CAF.

Isla sanadkaasi Faarax Sindico wuxuu noqday guddoomiye ku xigeenka guddiga qaranka ciyaaraha qaaradda afrika ee maamula tartamada All African games.(Vice Chairman National Sports Council Of Africa)

Faarax Sindico wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii madaxweynenimada Soomaaliya ee dowladda C/llaahi Yuusuf lagu soo dhisay kaasoo C/llaahi Yuusuf Axmed 10 October 2004tii kula tartamay garoonka caalamiga ah ee Kasarani Complex ee magaalada Nairobi.

Faarax Sindico wuxuuna kaloo soo noqday Xoghayaha arrimaha dibedda ee Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Marxaladihii Faarax Sindico:-

Sanadkii 1993 burburkii dalka ku dhacay kadib Faarax Sindico loo doortay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo waliba guddoomiyaha guddiga olombikada Soomaaliyeed ee “GOS”.

Faarax Sindico wuxuu ahaa rug cadaa sports oo oo maal iyo magac ka sameeyay sports-ka guud ahaan, Faarax Sindico wuxuu ifka ka tagay xilli uu doonayay inuu soo laba kacleyo markii xayiraaddii FIFA ay ka qaadday, isagoo rajadii ugu horeysayna ka helay CAF oo uu hoggaamiye u yahay nin ay aad saaxiibo u yihiin kaasoo ku daray mid ka mid ah guddiga hoosaadyada CAF gaar ahaan kan dhallinyarada.


Wuxuu kaloo Faarax Sindico wuxuu ka mid ahaa madax sharafeedyada CAF taasoo uu ku helay xiligii dheeraa ee uu guddoomiye ku xigeenka ka soo ahaa CAF.

Faarax Sindico wuxuu geeriyooday isaga oo ku doodaya inuu yahay guddoomiyaha xiriirka k/cagta Soomaaliya markii hoteelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho ay ku doorteen 23-kii bishii June 2008 13-kooxood oo k/cagta ah.

Allaha u naxariistee Faarax Sindico waxaa lagu tiriyaa madaxdii ugu madaxa adkaa dalalka qaaradda Africa, ee maamul ka soo qabta hasse yeeshee wuxuu ahaa shaqsi karti badan oo go’aanka uu qaato aysan cidna ka fujin karin waana taasi mid uu heerka la yaabka leh ku gaaray.

Faarax Sindico waxaa lagu xasuustaa dhacdo qaaradda Africa xusuus gaar ah u leh oo ah heerkii uu gaarsiiyay garsooreyaasha Africa xilligii uu ahaa guddoomiyaha garsoorayaasha qaaradda Africa, markaasoo garsoorihii ugu horreeyay ee Afrikan ah uu qabtay ciyaar final ah oo ka tirsan koobka adduunka sanadkii 1998dii, ciyaarihii lagu qabtay dalka France.

Ciyaarta final-ka oo ay ciyaareen xulalka France iyo Brazil waxaa garsoore ka ahaa garsoore u dhashay dalka Marocco taasoo 3-0 ay koobka ku qaaday France.

Sidoo kale tartankii koobka adduunka ee lagu qabtay dalalka Korea iyo Japan wwuxuu Faarax Sindico uu keenay garsoorayaashii ugu badnaa ee qaaradda Africa koobka adduunka ugu qeybgala markii 5-garsoore iyo 5 calan haye ay ka qeybgaleen.

Waxyaabihii uu ka qabtay dhanka horrumarinta sports-ka dalalka Bariga iyo bartamaha Africa waxaa laga xusi karaa isagoo u sameeyay xafiisyo u gooni ah xiriirka CECAFA sabatoo ah markii hore waxay isku xafiis isticmaali jireen xiriirka k/cagta ee Kenya ee KFF.

Faarax Sindico markii uu la wareegay guddoomiyanimada CECAFA sanadii 2000 wuxuu dib u habeen ballaaran ku sameeyay habdhaqankii maamul iyo kii dhaqaale ee uu lahaa ururka CECAFA taas oo ururkaasi ka dhigtay mid iskiis u taagan oo ka nabada galay dhibaatooyinka ka jira Kenya Football Federation.Faarax Sindico wuxuu gaaray darajada afhayeenka qaaradda Africa ee shirarka caalamiga ah kaga qeybgala.

Wax ugu weyn ee lagu xasuusto ee dhinaca horurmarka sports-ka gudaha Faarax Sindico waa isaga oo u sameeyay Guddiga Olympic Soomaaliyeed iyo xiriirrada hoos taga sharciyada ay ku dhaqmaan oo ah xiriir waliba si xor ah loo soo doorto sida kuwa caalamka oo kale wuuxuuna dib u habeyntaasi ku sameeyay markii uu maamulka sports-ka la wareegay 1993dii.

Sports Soomaaliya shaqsi kasta oo madaxa ka noqonay qeybihiisa kala duwan waxaa si toos ah u soo magacaabi jiray Agaasimaha wasaaradda Sports, laakiin isaga markii uu yimid wuxuu beddalay dhammaan sharciyadii u degganaa GOS iyo xiriirrada kaleba.

Faarax Sindico sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Mashruucii weynaa ee uu ka sameeyay xarunta SOS kaasoo ay ku baxday adduun dhan 75,000$ , wuxuu halkaa ka sameeyay garoonka k/cagta lagu ciyaaro iyo hall weyn oo loogu talagalay sports-ka.

Faarax Sindico wuxuu ahaa shaqsiga kaliyaha ee Soomaaliyeed ee jagooyinkii ugu tirada badnaa ka qabtaa sports caalamka iyo Soomaaliya, wuxuuna aruursadaya darooyin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, Guddoomiyaha GOS, Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee bariga iyo bartamaha afrika ee CECAFA, Guddoomiyaha garsooreyaasha Africa iyo waliba Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka kubadda cagta ee qaarada afrika CAF. Iyo guddoomiye ku xigeenka guddiga qaranka ciyaaraha qaaradda Africa ee maamula tartamada All African games.(Vice Chairman National Sports Council Of Africa) iyo Afhayeenka qaaradda Africa ee xagga sports-ka.

Faarax Weheliye Cadow “Faarax Sindico oo ka mid ahaa odayaasha ugu caansan Soomaaliya ee gaar ahaan dhanka Sports-ka ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaal xaafadda 6 October sanadka 2008da ee magaalada Qaahira ka gadaal mar uu safar kaga soo laabtay dalka Mareykanka.

Faarax Sindico wuxuu in ka badan rubac qarni maamulayay ciyaaraha Soomaaliya isagoo ka gaaray heerkii ugu sareeyay ee shaqsi Soomaali ah uu ka gaaro sports caalamka iyo kan Soomaaliya.

  Meydka Sindico  Sindico


Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

 

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)

 

 Xildhibanpublications. London
 

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008