GOGOLDHIG
Waxay dad
badani is weydiin karaan waxa ku kallifay
qoraaga buuggan C/casiis “Xildhiban” in uu
qoro buuggan uu ugu magacdaray Maamulladii &
madaxdii soo martay Soomaaliya.
"Leadership is the challenge to be something
more then average". JimRohn.
Ummad kasta
waxay leedahay taariikh & waayo taxane ah,
taariikhdana waxaa sameeya dadka, wallow
fac kastaa uu ku qumo tubtii ay u sallaxeen
jiilkii ka horreeyay. Soomaaliya waxay ka
mid tahay dalalka faca & taariikhda weyn ,
gaar ahaan dalalka Geeska Africa.
Soomaaliya waxay gobannimadeedii hanatay
sanadkii 1dii bishii July, sanadkii 1960kii,
iyadoo dagaalkii ay Soomaalidu la galeen
gumeysteyaashii wuxuu ahaa mid muddo dheer
soo socday, taariikhduna ma illowdo dadkii
ama xubnihii u soo halgamay, sidaas darteed
ummadi ma hiigsato horrumarka nolosha haddii
aanay hoggaamineyn hoggaamiyeyaal u hagar
baxa.
Ummad kasta
waxay leedahay taariikh u gaar ah oo lagu
xusuusto halgammadii & marxaladihii ay u soo
martay dhismaha nolosheeda & jiritaanka
qarannimadeeda, taariikhdaas oo kalena waxaa
horseeda geesiyaal ka soo dhexbaxa bulshada,
kuwaas oo hormuud u noqda himilada shacbiga,
isla markaana ay ka tilmaan qaataan.
Soomaaliya
waxay ka mid tahay dalalka adduunka ee ku
caan baxay halgankii ay u soo galeen
hanashada gobannimimada dalka Jamhuuriyadda
Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in ay dadka
Soomaaliyeed yihiin ummad aan oggoleyn
addoonsiga & cadaadiskii lagala kulmay
isticmaarka oo ay kaga soo horjeedday
gunnimada & dhagartii gumeysiga.
Taariikh
ahaan wixii ka horreeyay qarnigii 18aad
intii uusan billaaban duullaankii dhulka
Soomaalida lagu qeybsaday, Soomaalida waxay
dhaqan iyo dhaqaalo ahaanba aad ugu
xirnaayeen caalamka Islaamka, gaar ahaa
dhulalka xeebaha ku teedsan ee Banaadir,
Berbera & Boosaaso.
Qeybintii
dhulka Soomaalida ka dib waxaa abuurmay
nidaamyo ku cusub bulshada Soomaalida kana
duwan xeerarkii & shuruucdii ay ku dhaqmi
jireen ummadda Soomaaliyeed, waxaana aad u
yaraaday xiriirkii ay Soomaalida la
lahaayeen dalalkii Islaamka, iyadoo meelo
badan oo ka tirsan dhulalka Soomaalida ay ka
bilowdeen dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo
maamulkii soo galootiga ahaa ee gumeystaha.
Dhaqdhaqaaqyadii ugu caansanaa ee lagaga soo
horjeeday waxay ahaayeen kii Axmed Ibraahim
"Axmed Gurey" & kii Sayid Max’ed Cabdulle
Xassan ee dhamaaday 1921kii, iyadoo
halgamadaas ujeedadoodu aheyd sidii dib
loogu celin lahaa dhulyowgii dadka
Soomaaliyeed ee gumeystuhu qeybsaday.
Horraantii
sanadkii 1940kii waxaa qeybo badan oo dhulka
Soomaalida ee gacanta u galay gumeysigii
dalka qabsaday ka bilowday dhaqdhaqaaqyo
tiro dhaafay, iyadoo ururradii SYL & SNL ay
bilaabeen dhaqdhaqaaqyadii caanka noqday ee
lagaga soo horjeeday.
Ka dib markii
ay madaxbannaanida gaareen gobollada Waqooyi
ee Soomaaliya ee Somaliland 26kii bishii
Juun sanadkii 1960kii & Gobollada Koofureed
ee Soomaaliya , Italian Somaliland 1dii
Luulyo isla sanadkaas 1960kii ay midoobeen
labadaasi gobol isla waqtigaas, iyadoo
midnimadaasi ka dib la isku raacay in
labadaasi gobol ee midoobay in ay qaataan
magaca "JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA" ama
"Republic of Somalia".
Haddaba waxaan
jeclaan lahaa in aan qoraalkeyga dadka
Soomaaliyeed ugu bandhigo ujeeddada buuggan
loo qoray ay tahay wacyigelin & barashada
hoggaamiyeyaashii Soomaalida kana soo
horjeeda doodaha ka dhex taagan qabaa’ilka
Soomaalida, ujeeddada ugu weynse ay tahay in
aan dadka Soomaaliyeed u soo bandhigo
xaqiiqada wixii aan kari karayay in aan ka
sameeyo taariikh nololeedyadii
hoggaamiyeyaashii, madaxdii, garyaqaannadii,
culuma’udiinkii taariikhda galay ee ay
yeesheen dalka & dadka Soomaaliyeed, intii
aan awoodi karayay in aan helo.
Shaki kuma
jiro in dhinacyo badan laga eegi karo sida;-
ammaan loo tiriyo & eedo loo jeediyo, iyadoo
laga eegayo muddadii ay mas’uuliyinta
ahaayeen ama hayeen xilalkii ay ka
maamulladii soo maray dalka ay dagaalladu
aafeeyeen ee jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa
muhiim ah iyadoo la tixgelinayo burburka
baahay ee ku dhacay Soomaaliya in ay adag
tahay in la helo wax kasta oo ka mid ah
taariikhda dheer ee ummadda Soomaaliyeed ee
la saanqaadeysa waayaha & waqtiga caalamka
intiisa kale uu marayo, sidaas darteed waxaa
muhiim ah in iyadoo la ilaalinayo xaqqa ama
xuquuqda mujtaca Soomaalida & qoraallo gala
ama loo keydiyo ummadda Soomaaliyeed.
Ma ahan wax ku
cusub dhaqanka maamullada & madaxda soo
marta dalalka Africa in nidaamba nidaamkii
ka horreeyay uu eedo u tiriyo, haddii ay wax
ka qaldamaan inta uu maamulkaa madax ama uu
hoggaamiye madax ka ahaa xittaa haddii
kartidarradu & waxqabad la’aantu ka
imaaneyso dhiniciisa. Ka sokow taariikh
nololeedyadii hoggaamiyeyaasha Soomaalida
wuxuu buuggani wuxuu soo bandhigayaa
muuqalladii & kulamadii ay madaxdaasi la
yeeshaan hoggaamiyeyaal ka tirsan beesha
caalamka muddo ku dhow 60-kii - 70kii
sanadood ee ugu dambeeyay.
Buuggani kama
tarjumayo rabitaanka madax, hoggaamiyeyaal
ama shaqsiyaad ammaan ama xume loo tirinayo
ee wuxuu ka turjumayaa xaqiiqada jirta,
sidaas darteed waxaan dadka Soomaaliyeed ugu
baaqayaa in ay aqriyaan buuggan si ay wax
uga bartaan taariikhda & xaqaa’iqa jira ee
maamulladii & madaxdii soo martay dalka
Soomaaliya, waayihii kheyrka & shartaba
lahaa ee la soo maray.
Gebagebadii
waxaan shaki ku jirin in buuggani daah fur u
noqonayno keydka xagga aqoonta baahsan ee
bulshada Soomaalida & cid kasta oo
daneyneysa in ay wax uga ogaato qoraalladii
laga sameeyay madaxdii & hoggaamiyeyaashii
soo maray ummadda Soomaaliyeed. Waxaan
qoraalkeygan ku soo gebagabeynayaa tix
maanso ah oo uu tiriyay Allaha u naxariitee
Abwaan C/qaadir Xersi "Yamyam" oo aheyd;-
"Ninkii
timir abuuriyo, ninkii tiin tallaalaba,
taariikhdu waa warin".
Taariikhda ummadda Soomaaliyeedna kama
salguuri doonto maskaxdooda inta qof
Soomaali ahi uu nool yahay.
"Tribalism provides no shelter; It only
causes destruction".
"Dugsi
ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane".
C/llaahi
Suldaan Timacadde.
Qoraha
Buugga
C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban" |