Horseedayaashii
halaagga Soomaaliya
Taariikhda
waxaa loo keydiyaa haddii
ay xumme tahay in laga digo soo
noqnoqoshadeeda, haddii ay wanaag
tahayna in la xusuusto. Haddaba
buuggan Horseedayaashii halaagga
Soomaaliya waa buug ka hadlaya wixii
ka dhacay dalka Soomaaliya 30kii
sano ee ugu dambeeyay laga soo
bilaabo
1978dii illaa 2008da, waqtigaas oo
bilowdeen aasaaska ururradii
mas’uulka ka ahaa burburka
qarannimadii dalka Jamhuuriyadda
Soomaaliya.
Buuggan wuxuu soo
bandhigayaa ballanqaadyadii 99ka
urur qabiil ee Soomaaliya ka
sameysmay
muddadaas ee wadaagga ka dhigtay
isticmaalka ereyga “S” ee Somali ee
ay dooddoodu aheyd in ay Soomaaliya
gaarsiinayaan nidaam ku dhisan
caddaalad & hab dimoqraadi ama
xukun wadaag ah.
Buuggan
Horseedayaashii halaagga Soomaaliya
wuxuu soo bandhigayaa
ballanqaadyadii
ururrada & wixii ku qornaa
dastuuradii lagu dhisay, sidoo kale
wuxuu soo bandhigayaa xasuuqyadii &
tacadiyadii ka dhacay dalka
Soomaaliya muddadaas 30ka sanadood
ah,
sunta lagu shubay dalka Soomaaliya,
waxyeellada ay u geysatay dadka
Soomaaliyeed.
Buuggan wuxuu soo
ururiyay muuqaalladii
Aqoonyahannadii, Saraakiishii,
Siyaasiyiintii & culuma’udiinkii
lagu laayay intii ay socdeen
dagaallada sokeeye, wuxuu sidoo kale
soo bandhigayaa muuqaallada
shisheeyihii lagu dilay gudaha dalka
Soomaaliya wixii ka
dambeeyay markii xukunka laga riday
xukuumaddii ugu waqtiga dheereyd ee
soo marta
dalka Soomaaliya ee uu hoggaamin
jiray Allaha u naxariistee
madaxweynhihii hore ee
dalka Soomaaliya S/Gaas Max’ed
Siyaad Barre.
Ugu dambeyntii
buuggan wuxuu soo bandhigayaa
muuqaallada hoggaamiye kooxeedyadii
99ka urur qabiil ee ka abuurmay
dalka Soomaaliya 30kii sanadood ee
ugu dambeeyay
1978dii illaa 2008da.
Qoraha buugga
Xildhiban Publications
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
London, UK.
The Architects of the Destruction
of Somalia
Those
who forget the lessons of history
are condemned to repeat it! History
is preserved to warn against
repeating its negatives and to
cherish its positive memories. This
book, “The Architects of the
Destruction of Somalia” contains
all the major developments that had
happened in the country during
the past 30 years, from the time
the armed factions, who later on
destroyed the country emerged in
1978, until 2008.
The book
details the false promises made by
99 clan based Somali factions
which differed so much that they
only shared the solitary letter "S
for Somalia" in their abbreviated
names. They have always promised
to lead Somalia into prosperity and
justice only to fall short.
The book outlines the goals of the
factions as stated on their
respective charters drafted when
they were founded. It will also
detail the abuses and killings
that have happened in the country in
the past 30 years. The dumping of
toxic waste in the Somalia
waters and the negative impacts this
had on the population.
The book publishes pictures of some
of the scholars, officials,
politicians and clergymen who were
killed during the civil war, as well
as photos of some of the foreign
individuals who lost their lives
in Somalia after the overthrow of
the late Mohammed Siad Barre. .
Finally, the book publishes images
of the 99 faction leaders which rose
to lead clan-based factions as a
result of the civil war in the past
30 years.
Author Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"
|