XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Ra'iisul wasaare Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal
 

Taariikh nololeedkii
Ra'iisul wasaare Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal

Cigaal
Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal


Max
ed Xaaji Ibrahim Cigaal  wuxuu ku dhashay magaalada Oodweyne 15kii bsihii August, sanadkii 1928dii ee hoos iman jiray maamulkii loo yaqaannay British Somaliland ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Maxed Xaaji Ibrahim Cigaal waxaa uu ahaa hoggaamiyihii ururkii xornimadoonka ee waqooyiga Soomaaliya ee la oran SYC, wuxuuna madaxka ahaa dhaqdhaqaaqyadii dhinaca siyaasadda ee ka soconayay halkaasi dabayaaqadii sanadihii 1959kii – 1960kii.

26kii bishii June, sanadkii 1960kii markii ay madaxbannaanida heleen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxaa loo doortay in uu noqdo ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Somaliland, Maxed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Soomaalida ee aasaaska u dhigay midowgii labadii gobol ee ay kala gumeysanayeen dalalka Ingiriiska & Talyaaniga & dhismihii dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan loo magacaabay Maxed Xaaji Ibrahim Cigaal xilalka kala ah;-

1.      Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii

2.      Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963

3.      Ra’iisul wasaarihii madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.

Dilkii la dilay madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke isla markaana uu MD. Maxed Xaaji Ibrahim Cigaal ra’iisul wasaaraha ka ahaa ka dib markii uu dalka si degdeg ah ugu soo laabtay waxaa lagu xukumay xabsi guri, ka dib markii ay talada dalka afgembi aan dhiig ku daadan kula wareegeen ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayay S/Gaas Max’ed Siyaad Barre.

Intii u dhaxeysay 1976dii-1978dii wuxuu ahaa danjirihii dowladda dhexe ee Soomaaliya u fadhin jiray dalka Hindiya, waxaana wixii ka dambeeyay intii ay talada dalka la wareegeen ciidamadii Soomaaliya muddo 2 jeer ah ayaa xabsiga loo taxaabay.

Ka dib markii la riday xukuumaddii uu madaxda ka ahaa madaxweyne Max’ed Siyaad Barre 26kii bishii January sanadkii 1991dii, wuxuu Maxed Xaaji Ibrahim Cigaal shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ee mar kale lagu soo doortay madaxweyne Cali Mahdi Max’ed, wuxuuna noqday wasiirkii dib u heshiisiinta ee dowladdii ra’iisul wasaare Cumar Carte Qaalib, wuxuuna si weyn uga soo horjeeday dhawaqii ka soo yeeray maamuleyaashii gobollada waqooyi ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

16kii bishii May sanadkii 1993dii waxaa Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal loo doortay in uu hoggaamiyo maamulka Somaliland, wuxuuna ku guuleystay in uu hubka ka dhigo maleeshiyadii qabaa’ilka ku dhaqan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, wallow uu dagaal uu dhiig fara badani ku daatay la galay hoggaamiyihii kaga horreeyay xilka C/raxmaan Axmed Cali “Tuur”, iyadoo dagaalkii ka dhacay magaalada Burco 1996kii ay hal maalin oo kaliya ku geeriyoodeen in ka badan 2.000 oo ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaallamayay & dad rayid ah. Sidoo kale wuxuu ku guuleystay in lacag gaar ah u sameeyo ama u soo daabaco maamulka Somaliland & Passport aan caalamka wax aqoonsi ah ka helin intii uu noolaa & calan ka duwan kii ay sameystay Somaliland ka dib markii ay sheegeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Maxed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalka South Africa taariikhdu markii ay aheyd 03dii bishii May sanadkii 2002da, wuxuuna ku guuldarreystay in uu aqoonsi u helo maamulkii uu madaxda ahaa ee ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ka go’day 18kii bishii May sanadkii, 1991kii.

Cigaal waxaa lagu aasay magaalada Berbera ee gobolka W/Galbeed ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay aaskiisu ka soo qeybgaleen dad tiradooda lagu qiyaasay 3.000 oo ruux, waxaana xilkii uu ka geeriyooday buuxiyay G/Sare Daahir Riyaalle Kaahin oo ka mid ahaan jiray saraakiishii ciidamadii nabadsugidda ee dowladdii madaxweyne Max'ed Siyaad Barre, xilkaas oo uu hayo illaa maanta oo aan qorayo qoraalkan, isla markaana uu khilaaf xooggani kala dhaxeeyo ururrada kale ee siyaasadda ee ka jira deegaannadaas.

Dhinaca kale geeridii Cigaal ka dib, waxaa loogu magacdaray Airport-ka magaalada Hargeysa oo loo bixiyay Egal International Airport of Hargeysa.

 


Muqdisho
C/llaahi Ciise Max'ud & Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal
Egal USA
Ra'iisul wasaare Max'ed Xaaji Ibrahim Cigaal & Madaxweyne B. Johnson
Egal in Germany
Cigaal oo saxiixaya buugga Golden book isaga oo booqanaya Jarmalka

Ra'iisul wasaare Cigaal & madaxweynihii hore ee Masar Jamal Abdulnasir
Calanka Soomaaliya         Somaliland
Calankii Soomaaliya waxaa lagu badellay calanka cusub ee Somaliland
Astaantii Qaranka        Astaanta Somaliland
Astaantii Qaranka Soomaaliyeed waxaa lagu badellay astaanta cusub ee Somaliland
Somali Passport              Passport cusub ee Somaliland
Passport-kii Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa badellay Passport-ka cusub ee Somaliland

 

Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London

xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)


Xildhibanpublications. London

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008