XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:   Tuesday, 2 March 2010

Ra'iisul wasaare Xassan Abshir Faarax
 

Taariikh nololeedkii Col. Ra'iisul wasaare
Xassan Abshir Faarax

 

 

Ra’iisul wasaare Xassan Abshir Faarax wuxuu ku dhashay deegaannada Waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1945, wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1961-1965 ku dhammeystay waxbarashadiisii magaalada Muqdisho.

Xassan Abshir Faarax wuxuu waxbarasho dhinaca ciidamada ah ku tagay Military Academy magaalada Cairo ee dalka Masar, intii u dhaxeysay sanadihii 1980-1986dii, markaas ka dib ka qalin jabiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed dhinaca sharciga.

Markii ay talada dalka la wareegeen ciidamada Qalabka Sida ee dalka Soomaaliya waxaa horraantii sanadihii 1970aadkii loo magacaabay ku xigeenka maamulkii gobolka Banaadir, waxaana muddo ka dib loo magacaabay Duqa magaalada Muqdisho, wuxuuna waqtigan si xooggan ula shaqeynayay ciidamadii nabadsugidda ee Soomaaliya ee loo yaqaannay NSS, taas oo keentay in xabsiga loo taxaabo xubno ka soo horjeeday dowladdii madaxweyne S/Gaas Max’ed Siyaad Barre.

Sidoo kale wuxuu guddoomiye gobol ka soo noqday gobollada Sh/Dhexe & Bakool, wuxuuna ka dib noqday safiirkii Soomaaliya u fadhin jiray dalalka Japan & Germany, wuxuuna muddadii uu ahaa Duqa magaalada Muqdisho si xoog leh uga soo horjeeday shaqdhaqaaqyadii ay wadday jabhaddii Somali salvation Democratic Front ee “SSDF”.

Sanadkii 1986dii G/Sare Xassan Abshir Faarax wuxuu wade ka ahaa gaarigii wadada Afgooye shilka kula galay madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Allaha u naxariistee S/Gaas Max’ed Siyaad Barre, taas oo keentay in loo duuliyo dalka Saudi Arabia si loogu soo daweeyo.

Ka dib markii la riday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee madaxweyne Max’ed Siyaad Barre wuxuu wasiirkii arrimaha gudaha ka noqday maamul gobolleedka Puntland ee madaxweyene C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna intii uu hayay xilkaasi ka eryay deegaannada hoos yimaada maamul gobolleedka Puntland madaxdii hey’adihii  Eddie John’s UNDP/UNCTAD, Remmelt Hummeyn UNDP & Said Al-Naimari UNICEF.

G/Sare Xassan Abshir Faarax  dowladdii KMG aheyd ee madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan ayaa u magacowday ra’iisul wasaaraha dowladdii KMG aheyd ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Djibouti  taariikhdu markii ay aheyd 12kii bishii November 2001 ka dib markii xilkii laga qaaday ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Dr. Cali Khaliif Galleyr, wuxuuna xilkaasi hayay illaa laga soo gaaro 8dii bishii December, sanadkii 2003 & guddoomiyihii baarlamaanka ee waqtigaas Cabdalla Deerow Isaaq.

Wax yar ka dib markii uu la wareegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Abshir wuxuu dalka Mareykanka ka codsaday in ay ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya weeraradii ka dhacay magaalada New York 9kii bishii September, sanadkii 2001da, si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ururrada argagaxisada, isaga oo ula jeeday ururka Al-Ittaxaad Al-Islaamiya ee ka jiray dalka Soomaaliya, ururkaas oo uu dalka Mareykanka ku daray liiska ururrada argagaxisada 15kii bishii December, sanadkii 2001da.

Xassan Abshir wuxuu ahaa hoggaamiyihii u matalayay dowladdii KMG aheyd ee lagu soo dhisay Carte ee dalka Djibouti shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Eldoret ee dalka Kenya horraantii bishii Oktoobar sanadkii 2002.

Waxaa dhammaaday intii uu socday shirkii magaalada waqtigii loo qabtay jiritaankii dowladdii uu madaxda ka ahaa oo ku beegan bishii August, 2003 ayaa ra’iisul wasaare Xassan Abshir wuxuu madaxweynihii xilligaas Dr. C/qaasim Salaad Xassan ka xayuubiyay xilkii uu hayay isaga & guddoomiyihii baarlaamka KMG ahaa ee Cabdalla Deerow Isaaq, ka dib markii lagu eedeeyay in ay qaadeen tallaabooyin ka soo horjeeda axdigii KMG ahaa ee lagu soo dhisay dowladdaasi, sidoo kalena waxay dowladdu ku eedeeysay in uu hab siiyay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed si uu dagaal ula galo madaxweynihii la doortay ee Puntland G/Sare Jaamac Cali Jaamac.

Doorashadii madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee ka dhacday magaalada Nairobi ka dib, waxaa loo magacaabay wasiirka kheyraadka Badda ee dowladdii ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi , wuxuuna heshiis la galay shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka oo la dagaallanta burcad badeedda, heshiiskaasi oo lagu qaddaray $ 55 million oo lacagta dalka Mareykanka ah.

G/Sare Xassan Abshir Faarax wuxuu xilkaasi iska casilay 1dii bishii August, sanadka 2006, ka dib markii isaga & wasiiro ka tirsan xukuumaddaasi ay ku doodeen in ra’iisul wasaare Geeddi uu ku baaqay in dib loo dhigo wadahadalladii dowladdiisu la laheyd ururkii maxkamadaha Islaamka ee uu hoggaamin jiray madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed, wuxuuna hadal uu siiyay saxaafadda ku sheegay in dib u dhigista shirka dib u heshiisiinta uu wax u dhimayo dadaalka xagga nabadda ee dalka Soomaaliya.


Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xamardaye.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London
 

 

 

 

 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008