Xildhiban Publications;- 06 Oktoober, 2012. Ra段isul
wasaare Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo loo yaqaano "Saacid"
waxaa uu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka
Galguduud ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1958dii,
Saacid waa dhaqaale-yahan khibrad dheer u leh ganacsiga sida
gaarka ah loo leeyahay.
Dr Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid", ra段isul wasaaraha cusub
ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxa uu ka qalinjabiyay
jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr sanadku markii uu
ahaa 1983dii, taas oo uu ka qaatay shahaadada A bachelor's
degree ee maamulka dhinaca dhaqaalaha. Bachelors degrees
(sometimes known as 'ordinary' or 'first' degrees) are
higher education qualifications that help you develop a
thorough understanding of a subject.
Saacid ayaa sanadii 1983 ilaa 1985 ka soo shaqeeyay
wasaaraddii maaliyadda iyo beeraha oo uu ka ahaa
dhaqaale-yahan halkaas uu 1985 u wareegay ganacsiga gaarka
loo leeyahay waxa uuna la soo shaqeeyay shirkaddii lagu
magacaabi jiray Bretton woods institutions isla markaana uu
ahaa aasaasihii iyo milkiilihii shirkaddii loo yaqaanay
Shirdon International Ltd illaa laga soo gaaro sanadkii,
1991dii.
Muddadii dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalkeena ee
sanadkii 1991 ayuu u guuray magaalada Nairobi ee wadanka
Kenya markaas oo uu noqday aas aasihii iyo milkiilihii
shirkadda loo yaqaanay Shitreco Ltd iyo Shaam.
Ra段isul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Dr. Saacid ayaa
ahaa muddadii uu socday burburkii qarannimo & dowladnimo ee
dalka Soomaaliya wuxuuna ahaa shaqsi u dhuun duleela
arrimaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya, wallow haddana ay
xaaskiisu aheyd xubin ka tirsan baarlamaannadii soo maray
dalka Soomaaliya wixii ka dambeeyay sanadkii 2000dii,
xilligaas oo ay xubin ka noqotay baarlamaankii dowladdii KMG
aheyd ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee jamhuuriyadda
aan walaalaha nahay ee Djibouti.
Dr Cabdi Faarax Shirdoon ayaa loo doortay May 2012
guddoomiyihii ugu horreeyay ee Golaha Rajo-Forum oo looga
dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, horraantii
sanadkii 2012kii. Saacid waxa uu leeyahay 4 caruur ah iyo
xaas waxaana xaaska ra段isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
lagu magacaabaa Caasha Xaaji Cilmi oo ka tirsan
xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xassan
Sheikh Max置d ayaa kaga dhawaaqay munaasabad lagu qabtay
gudaha madaxtooyada ee Villa Somalia in ra段isul wasaaraha
xukuumadda cusub ee Soomaaliya in uu noqdo Dr. Cabdi Faarax
Shirdoon "Saacid" iyadoo munaasabaddan ay goobjoog ka
ahaayeen guddoomiyaha baarlamaanka Proff. Max弾d Sheikh
Cusmaan "Jawaari" & ku xigeennadiisa, ra段isul wasaarihii
hore ee xukuuamaddii KMG aheyd ee Soomaaliya, Dr. C/weli
Max弾d Cali "Gaas" & xubnihii golihii wasiirada ee uu
hoggaamin jiray, isaga oo halkaasina ka jeediyay khudbad uu
ku taageerayay xilka loo magacaabay ra段isul wasaaraha cusub
ee Soomaaliya.
Ra段isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" oo ka mid
ahaa musharrixiintii isu soo taagay xilka madaxweynenimada
Soomaaliya, sidoo kalena waxa ay madaxweynaha Soomaaliya
Xassan Sheikh Max置d ka wada tirsanaayeen isbaheysi ay ku
bahoobeen xisbiyo isbedel-doon ah.
Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. cabdi Faarax
Shirdoon ayaa laga sugayaa in uu soo dhiso xukuumad leh tayo
wanaagsan oo afarta sano ee soo socota gudata waajibaadka
horyaalla ee ah in ay dalka iyo dadka ka saarto
dhibaatooyinka baaxadda leh ee ay ku jiraan tan & wixii ka
dambeeyay qaran burburkii Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Max置d & Gudd.
Baarlamaanka Prof Jawaari ayaa munaasabadda magacaabidda ka
hadlay, waxayna ra'iisal wasaaraha cusub u rajeeyeen in uu
Ilaahay u fududeeyo xilka loo magacaabay.
United Kingdom
Xildhiban Publications.
Isha Qoraalka
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Copyright
ゥ Xildhiban 2012
All rights reserved.
|