XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Dr. Xussein Xaaji Max'ed "Bood"


Taariikh nololeedkii
Dr. Xussein Xaaji Max'ed Bood

Dr. Xussein Xaaji Max'ed "Bood"Dr. Xussein Xaaji Max'ed "Bood" wuxuu ku dhashay magaalada Mareeg ee gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1933dii, wuxuuna waxbarashadiisii Dugsiga quraanka ku qaatay degmada Ceeldheer waqtigii uu dunidan ka socday dagaalkii 2aad ee adduunka. Mareeg & Muqdisho ka sokow Dr Xussein Xaaji Max'ed "Bood" wuxuu wax ku bartay jaamacadaha dalalka Ethiopia & Italy, wuxuuna si wanaagsan ugu hadli jiray afafka Amxaariga, Talyaaniga & Ingiriiska.

Intaas ka dib, Dr. Xussein "Bood" wuxuu ka mid noqday maamulkii dowladihii soo maray dalka Soomaaliya, wuxuuna agaasimeyaal guud ka soo noqday wasaaradaha Gaadiidka, Qorsheynta, Isgaarsiinta, Xannaanada Xoolaha & Dalxiiska.

Dagaalkii af & addinba lahaa ee Soomaalidu ay la gashay dowladdii Max'ed Siyaad Barre sanadihii sideetamaadkii Dr. Xussein "Bood" wuxuu markii hore hoggaamiye ka ahaa xag siyaasadeed markii dambena xag ciidan.

Dr. Xussein "Bood" wuxuu ka mid ahaa duqeydii wax ka saxiixday bayaankii "Manifesto" ee talooyin & dhaliiloba loogu gudbinayay xukuumaddii ugu muddada dheereyd ee soo marta taariikhda dalka Soomaaliya. Markii dambena wuxuu horseed ka ahaa kacdoonkii ka bilowday magaalada Muqdisho dabayaaqadii bishii Decembar sanadkii 1990kii.

Dr. BoodKacdoonkii Muqdisho ka bilowday ka dib madaxweynihii Soomaaliya Max'ed Siyaad Barre mar uu saxaafadda ka hadlay ku codsaday in kacdoonka Muqdisho ka soconayaa loo helo cidda hoggaamineysa, wuxuuna Dr Xussein Xaaji Max'ed "Bood" si geesinimo leh u qirtay in uu yahay hoggaamiyaha kacdoonkaas, guddoomiyena u yahay ururkii USC qeybtiisii Muqdisho.

Dr. Xuseen Xaaji "Bood" wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii USC, isagoo markii dambena noqday ku xigeenkii 1aad ee ururkii uu Cali Mahdi guddoomiyaha u ahaa ee la oran jiray USC/SSA ee bishii Maarso sanadkii 1996dii lagu dhisay Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Shir ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sanadkii 1998dii Dr. Xussein Xaaji "Bood" waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed, wuxuuna anigan qoraalka sameynayaa ii magacaabay in aan noqdo Kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibedda ee Golahaas.

Sanadkii 2000 dowladdii lagu soo dhisay magaalada Carte ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr. Qaasim Salaad Xassan ka noqday ra'iisul wasaare ku xigeen, dabayaaqadii sanadkii 2004ta wuxuu ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka dibna halkaas lagu soo dhisay dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Shir lagu qabtay MuqdishoSoo gelitaankii ciidamada Ethiopia ee magaalada Muqdisho mar wax laga weydiiyay wuxuu ku jawaabay "Dareenkeygu waa in ay wax iska weydiiyaan waxa Ethiopian-ka keenay dhulka Soomaalida, maadaama ay Soomaalidu dhexdeeda iska diidday".

Dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho Dr. Xussein "Bood" wuxuu u  ololeynayay dhameynta iyo hakinta dagaallada sokeeye ee dalka ka qarxay markii la riday xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.

Kulan ay magaalada Muqdisho Muqdisho ku yeesheen horraantii sanadka 2008da ayaa loogu doortay in uu noqdo guddoomiyaha National Forum for Peace ama "Ururka Nabadeynta Soomaaliyeed"

Gebagabadii Dr. Xussein Xaaji Max'ed "Bood" waxay intii aqoonta u laheyd ku tilmaameen siyaasi, waddani geesi ah oo aan ka baqanin runta qiime kastaa ha ugu kacdee.

Dr. Xussein bood oo la la hadlaya saxaafaddaDr. Xussein Xaaji Max'ed "Bood" wuxuu ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya taariikhdu markii ay aheyd 21kii bishii Decembar sanadka 2008da, waxaa maalintii xigtay ee 22ka bisha Decembar 2008 lagu aasay qabuuraha General Daa'uud ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay aaskiisu ka soo qeyb galeen kumanaan Soomaali ah oo isugu jira Siyaasiyiin, Duqey, Waxgarad, Dhallinyaro, Haween & Aqoonyahanno.

Allaha u naxariisto Dr. Xussein Xaaji Max'ed "Bood"



Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho oo laga soo dejinayo meydka marxuum Dr. Xussein Xaaji Max'ed "Bood" oo ay ku soo dhaweeyeen qeybaha bulshada Soomaalida & dadweyne aad u fara badan.


Aaskii marxuum Dr. Xussein Xaaji Max'ed "Bood" ee ka dhacay qabuuraha General Daa'uud ee magaalada Muqdisho.

Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London

xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)
 

Xildhibanpublications, London
 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008