XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Dhacdooyinka & Kulamada qoreyaasha Soomaaliyeed, Beckham Library


Kulan ay magaalada London ku yeesheen Qoreyaasha & Suugaanleeyda Soomaaliyeed

Kulankaas oo lagu qabtay maktabadda Peckham ee koofur bari London, dadkii ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa abwaaniinta caanka ah Cali Sugulle Dulcarbeed, Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, Yuusuf Shaacir, Cali Seenyo iyo qaar kaloo fara badan oo suugaan aad u xiisa badan halkaa ka soo jeediyey. Waxaa kaloo halkaa lagu soo bandhigay buugaag fara badan oo qaarkood ay goobjoog ka ahaayeen qorayaashii qalinka ku duugay.
 


Kulankaas oo uu gudoominayey Saciid Jaamac oo ah qore iyo hal-abuurba waxaa warbixin ka soo jeediyey madaxa ururka Somali Pen Maxamed Daahir Afrax oo isna ah qoraa weyn aadna ugu caan baxay buuggii “Maana Faay” oo daabacaadyo badan laga sameeyey. Mudane Afrax oo u mahad celiyey dadkii ka soo qeyb galay kulankaas, waxa uu tilmaamay ugu horeyntii baahida loo qabo kobcinta iyo dhowridda qoraalka soomaaliyeed iyo hal-abuurka.



Waxa kale oo uu sheegay mudane Afrax in maalmaha soo socda ay iman doonaan dalkan UK qorayaal dhowr ah oo uu ka mid yahay Aw Jaamac Cumar Ciise oo dadku ku wada garanayaan buugiisii diiwaankii Sayid Maxamed, Saalax Xaashi Carab, Maxamed C. Riiraash, iyo qaar kale. Intaas oo dhan waxaa hormuud ka noqon doona ee madasha ka dhex muuqan doona abwaannada aqoonta ka soo galbiyey Geeska Afrika, kuwaas oo badankoodu ka imanaya Jabuuti oo noqotay xundhurta dhaqanka iyo murtida ku qoran af Soomaaliga.



Waxaa kale oo imanaya ayuu yiri suugaanley af-maal ah oo ay ka mid yihiin abwaanka Cabdi Muxumad amiin, Cabduqaadir Cabdi Shube iyo kuwa kaloo badan iyadoo ay ku soo wareegi doonaan magaalooyin badan oo ka mid ah dalkan Britain.



Buugta maalintaas la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa buugga la magac baxay “Hal aan tabayey” ee uu qoray Maxamed Baashe Sh. Xasan oo ka hadlaya taariikhdii iyo suugaantii Xaaji Aadan A. Af qalooc, Cabdiraxmaan Xaaji Ducaale “Boobe” oo soo ururiyey maansadii iyo taariikh nooleedkii Alla ha u naxaruustee C/llaahi Suldaan “Timacadde”, Max'ed Xasan Cismaan oo ka yimid dalka Mareykanka ayaa isna wuxuu soo bandhigay buugga “Barbaarinta Dhallaanka” waxaa isna halkaa buugaagtii uu qoray lagu soo bandhigay qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”, buugga “Af soomaali - buugga 1aad” oo uu qoray C/raxmaan Max'ed Abtidoon ay waalidiinta halkaa ka soo qeyb gashay aad xiiseeyeen, Dr. Axmed Sheekh Maxamuud oo isna qoray buug qiima badan oo ka hadlaya sida loogu baahan yahay in la helo wada hadal iyo wada tashi. Hase yeeshee buugta miiska ka muuqatay ayaa intaa aad uga badnaa.



Dadkii ka soo qeyb galay kulankaas oo aad u badnaa waxaan ka xusi karnaa Aamina Muuse Wehliye oo aad codkeeda in badan ka maqasheen idaacadda BBC-da. Ugu dambeyntii waxaa lagu ballamay kulamada dambe ee la qaban doono maalmaha soo socda.


Abdirahman M. Abtidon
a.abtidon@gmail.com
London, UK

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

_______________
 

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008