Warsan Cisman Saalax iyo Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban"
19 sannadood ee tagay Somalidu waxay qabteen shirar badan oo
ah nabadda iyo dib-u-heshiisiinta waxayna ay soo saareen
heshiisyo badan oo nabadda ah, qaar waxay ka dhexeeyeen
dhawr qof kuwa kalena xulufo siyaasadeed oo ka weyn.
Heshiisyadaa intooda badan lama hirgelin qaar badan xitaa
uma ay qalmin warqadda lagu qoray. Dib-u-heshiisiintii lagu
guulaystaba waxa sii kordhaayey tirade qaybaha ka
qaybgalaaya, hase-ahaatee dhammaantood waxay ku fashilmeen
in ay nabad ka dhaliyaan Somaliya.
Qoraalkan waxa uu soo gudbinayaa waxii lagu wada hadlay qaar
ka mid ah heshiisyadii nabad-raadinta ee la qabtay ilaa iyo
1991 si loo sameeyo dawlad qaran oo Somaliya ah. Waxa uu ku
qoran yahay sida Somalidu u aragto, dibna u eegaysana
sababta ay u dhacday in heshiisyada sidaas u badan ay
natiijo uga soo bixi weyday.
Shirar, qabaa’il iyo kooxaysi
Waxa nidaamka qabiilku uu sharxayaa xidhiidhka bulshada ee
Soomaalida iyo siyaasadda. Hase-ahaatee waxa uu ku milmay
qaabka shirarka nabadda Somalida ee caalamku uu horkacaayo
siyaabo ah in la kobciyo kooxaysiga. Dagaallada Soomaaliya
waxa uu la soo baxay adeeg iyo tartan shaqsiya iyo danaysiga
qabiilka.
Shirarka dib-u-heshiisiintu waxay ku fashilmeen in ay wax ka
qabtaan dhibaatada jirta waxayna ay noqdeen meel loo maro
inay kordhiyaan danaysigaa. Sida ay u sii koraayeen tirada
kooxuhu 1990, in la qabtaa shir cusub waxa uu noqday guul
kale, halkii uu ka sii xoojin lahaa waxii hore loo qabtay.
Qof kasta oo shir dib-u-heshiisiin ah loo aqoonsaday inuu
yahay hoggaamiye mudan waxa markiiba loo arkaa inuu yahay
nin u fadhiye qabiilkiisa.
Qaar waxay abuureen koox kaliya in ay helaan taageero,
markaa si ay kordhaan tirade ka qaybgale-yaasha oo ay sii
dheeraadaan shirku. Qaar kale waxay uga soo qaybgaleen iyaga
oo uu muraadkoodu uu yahay kaliya in ay is hortaagaan danaha
uu leeyahay qof la tartamaaya. Nasiibdarro, midnimada
qabiilka waxa beddeli kara shakhsiyaad si ay u gaadhaan
awood siyaasadeed oo ay ku helaan faaiido u gaar ah.
In kasta oo ay jirtay inay sii badanaayeen ka
qayb-galeyaashu, ma jiro shir ah dib-u-heshiisiin lagu
gaadhay nabadgelyo waarta. Hoggaamiyihii dhintay Mohamed
Farah Caydiid ayaa markii u horaysay soo saaray odhaahda
‘looma dhamma’. Odhaahdani marar badan ayaa la isticmaalay
si loo baabi’iyo heshiisyada nabadda oo cudurdaar loogu helo
in la sii wado dagaalka, inkasta oo ay badanaa macnaheedu
yahay waxoogaa ayey ka badan tahay maqnaanshaha dhawr qof
miiska wadahadalka.
Shirarkii dib-u-heshiisiinta ee hore
Labada ugu horeeyey shirarkii dib-u-heshiisiinta ee
caalamiga ahaa ee la doonaayey in la dhiso dawlad Soomaaliya
waxay ka dhaceen Djibouti Juun iyo July 1991. Waxa ka soo
qaybgalay lix urur, dhammaantood u joogay qabiil iyo qabiil
hoose. Hase-ahaatee runtii qabiilka waxa uu ahaa qalab la
doonaayey in lagu gaadho muraadka qofka, intooda badani
waxay madax ka ahaayeen xafiisyo dawladdii hore waxayna ay u
tartamaayeen darajooyin la mid ah maamul cusub oo suurto-gal
ah.
Waxa la saxeexay heshiis Ali Mahdi ka dhigaaya madaxweyne.
Heshiiskan markiiba waxa diiday General Caydiid, oo ahaa
qabiil hoose oo Hawiye ah oo ka duwan qabiil hoosaadka Cali
Mahdi waxaanu diidanaa hoggaaminta Mahdi ee xisbiga mideynta
Soomalida (USC). Waxayna dhelisay dagaal shacbi oo Muqadisho
iyo koonfurta ku danbayay.
Shirkii weynaa ee ahaa dib-u-heshiisiinta qaranka ee labaad
waxa Addis Ababa Maars 1993 ka abaabulay ururka quruumaha
Midoobey (UN). Waqtigan waxa jiray 15 kooxood inay ka
qaybgalaan. Qaar waxay ahaayeen ururo qabaa’il cusub, oo ay
ka mid ahaayeen kuwa tirada yar oo aan joogin Djibouti,
hase-ahaatee qaar badan oo ahaa kuwii ku xidhnaa Ali Mahdi
ama Caydiid.
Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ee Soomaaliyeed (SNM) ayaa lagu
casuumay hase-ahaatee may ka soo qaybgalin. Waxa kaliya ee
taagnaa saddex kooxood ilaa iyo shirkii Djibouti. Waxa lagu
heshiiyey kulan lagu doonaayey in dawlad la dhiso
hase-ahaatee waligeed lama hirgelin. Waqtigaa madaxda
kooxaha waxay caan ku ahaayeen in loo yaqaan ‘qabqable-yaal
dagaal’. Waxay UN ay Djibouti ku qabatay shir kale Maars
1994.
Waxaa mar kale kordhay ka qaybgale-yaasha, hase-ahaatee
dhammaantood waxay ka mid ahaayeen mid ama xulufo, Xulufada
Qaranka Somaliyeed (SNA) iyo xulufada Badbaadinta Somaliya
ee Cali Mahdi (SSA). Waxa kooxaha qaybsani ay lahaayeen
magaca kooxda ay xulufada la leeyihiin, sida USC/SSA iyo
USC/SNA, Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliya (SPM)/SSA ama SPM/SNA.
Bishii Oktoobar 1996 madaxweynihii Kenya Daniel Arap Moi
ayaa martigeliyey saddexda hoggaamiye ee ugu mudan Mogadisho,
Cali Mahdi,Osman Atto iyo Hussein Caydiid (oo ka dhaxlay
aabihii hoggaamiyaha SNA ka dib markii uu dhintay) oo ay soo
raacaan xubno kale oo SSA. Inkasta oo lagu heshiiyey nabad
sagaal qodob ah, waxqabad-kaasi wuu ku fashilmay inuu xaliyo
wax uun waxaana sii socday kooxihii oo sii bata. Waxa
bulshada adduunku ay awood u weyday in ay la xidhiidho
hoggaamiye-yaal cusub ama ay soo jiidato kooxaha si ay
matilaan qaybo midaysan. Kooxo ka goostay kooxaha jira ayaa
mar kastaba loo ogolaa in ay yimaadaan.
Tiro ah labaatan iyo toddoba saxeexayaal ayaa ka mid ahaa
dib-u-heshiisiintii saddexaad ee weyneed ee lagu qabtay
Sodre, Ethiopia, Nofambar 1996 ilaa iyo Janaayo 1997,
inkasta oo Xuseen Caydiid iyo afar kale xulufadiisa ahi ay
diideen in ay ka soo qaybgalaan.
Shir afraad oo dib-u-heshiisiin ah oo ka dhacay Qaahira
dhammaadkii 1997 waxa la arkay 28 saxeex oo ah in la raadiyo
heshiis, kana mid ahaayeen Cali Mahdi iyo Caydiid.
Hase-ahaatee markan hoggaamiye-yaasha kooxaha uu u dhaw
Ethiopia sida Cabdillahi Yusuf ayaa ka noqday wadahadalka,
iyaga oo u arkay inuu lid ku yahay shirkii Sodre ee Ethiopia
ay taageeraysay walibana aad ugu dhawaa xubno ka mid ahaa Al
Itixaad-koox Muslimiin ah oo mitid ah oo dagaal la galay
Puntland iyo Ethiopia.
Min Carta ilaa iyo dastuurka fedaraalka
Shirkii xigay ee nabadda qaranku waxa lagu qabtay Carta,
Djibouti, waxayna noqotay tallaabo cusub oo ah dib-u-heshiisiinta
Somaliya. Iyada oo ay u qabteen dalalka dariska ah in ay
ahaato hindise gobolka ah oo ka timid Hay’adda Dawladaha
Horumarinta (IGAD), waxay hadaladu socdeen shan bilood, kuna
dhammaatay Ogost 2000 soo saaridda iyo dhisidda Dawladda Ku
meel-gaadhka ah ee Qaranka (TNG) oo uu hoggaaminaayey
Abdulqasim Salaad Hassan. Haddii la barbardhigo shirarkii
hore ee dib-u-heshiisiinta, waxa shirkii Carta ku jiray ka
soo qaybgalayaal badan oo ahaa madaxda shicibka ee aan hubka
sidan – aqoonyahanno, madaxda qabiilka iyo diinta iyo xubno
ka mid ahaa bulshada ganacsatada Ah. Waxa ka qaybqaatay in
yar oo ahayd qabqableyaasha aan sidaa u awoodda badneen,
hase-ahaatee kuwa qabqableyaasha daran ee Mogadisho may iman,
iyo waliba Cabdillahi Yusuf oo ku diiday in aysan laheyn
qaab federaal.
Haddana waxa TNG ay ahayd dawladdii Somaliya u horaysay ilaa
iyo1991 ee hantida aqoosiga caalamka, u suurtogelisayna in
Somaliya ay dib u hananto kursigeedii UN iyo waaxyaha
gobolka. Hase-ahaatee bulshada adduunku waxay ku fashilantay
in ay TNG siiso taageero, oo ay qayb ka ahayd taageerada
Ethiopia ee Cabdillahi Yusuf. Waxa Cabdillahi Yusuf kula
kulmay 17 kale oo ahaa kooxaha iyo xulufo siyaasadda ee
Somaliya Awasa, Ethiopia, Maars 2001 halkaas oo ahayd in
lagu abuuray Dib-u-heshiisiinta Somaliya iyo Golaha
Ilaalinta si loo diido waxii ka soo baxay Carta iyo TNG, iyo
la abaabulo samaynta Dal Somaliyeed oo Federaal ah.
Si loo heshiisiiyo TNG iyo SRRC dii ka soo horjeeday, IGAD
waxay bilowday dib-u-heshiisiin cusub ka hor intii aysan
dhammaan muddadii TNG. Hawlgalkani waxa uu ku bilaabmay lix
shir oo waaweyn oo ahaa dib-u-heshiisiinta Somaliya, Shirkii
dib-u-heshiisiinta Somalida, lagu qabtayEldoret, Kenya,
Oktoobar 2002. Waxa ka soo baxay hashiis ah xabad-joojin ay
saxeexeen hoggaamiye-yaasha 24 kooxood hordhac u noqonaysa
baahida ah in la dhiso qaab federal ah,oo beddelaaya qaabkii
midnimada ee laga soo saaray Carta.
Kuwa saxeexay waxa ka mid ahaa qaar u jooga TNG, koox
xoogweyn oo ah SRRC, tiro ah qabqableyaasha ugu awoodda
badan iyo madax kala duwan oo ku xidhnaa kooxihii hore ka
qaybgalay shirarkii hore. Kulankani waxa uu ka koobnaa 300
oo wafdi oo muddo laba sannadood ah la soo kala saaraayey.
Tani waxay horseeday heshiis ah dastuur Federaal ku
meel-gaadh ah iyo doorashada 275 xubnood oo baarlamenka ah,
kuwaas oo ka bacdi Cabdillahi Yusuf u doortay madaxweyne TFG
bishii Oktoobar 2004.
Labadooduba Carta iyo dastuurka federaalku waxay habka ‘4.5’
ee awoodda lagu qaybsanaayo kaas oo qabaa’ilka Somalida afar
waaweyn iyo isu keenida dhammaan inta hadhay ‘0.5’. Habka
waxa carqaladeeyey taageero la’aan ka timid maamulada
Soomaaliland iyo Puntland.
Shakhsiyaad ka mid ah qabaa’ilka si weyn u dega goboladaa
ayaa ka qaybgalay wadahadalka nabadda hase-ahaatee xad ayey
lahayd awoodda ay u leeyihiin in ay ku matilaan goboladooda
habka ah ‘4.5’.
Dib haddii loo eego
Qabanqaabooyinkii badnaa ee ahaa nabadda Soomaaliya iyo
dib-u-heshiisiinta waxay soo saareen heshiisyo badan
hase-ahaatee weligood may u abaarin dhibaatooyinka kala
dhexyaal dadka iyo qabaa’ilka. Wareeg kasta oo wadatashi ah
iyo shirar kooxaha iyo xubnaha bulshada caalamku waxay dib u
soo celiyaan qaldaad isku mid ah oo la sameeyey hawlihii
hore iyo heshiisyadii.
Waxay u muuqataa in Soomaalidu dib ay u eegto hawlgaladaa
kaliya inay ku abuurto murugo, ma aha inay casharro ka
bartaan, taas oo ah sababta waxyaalihii ka soo baxay ay
marar dhif ah isbeddeleen, halka isku dheelitirka siyaasadu
uu halkiisii uun yahay.
Abdulaziz Ali Ibrahim “Xildhiban” waa qoraa Soomaali ah oo
muwaadinnimo British haysta. Waana nin u ololeeya hawlaha
nabadda. Wuxuu bartay cilmiga siyaasadda iyo xiriirka
caalamiga ah-Jaamacadda Florence. Wuxuu Agaasime ka yahay
qooraalka la yiraahdo Xildhiban Publications.
Warsan Cisman Saalax waa qoraa arrimaha siyaasadda waxay
baratay cilmu nafsiga iyo dhaqannada kala duwan. Waxay u
ololaysaa hawlaha nabadda waxayna la shaqaysaa Somalida
deggan London.
|