Xildhiban
Publications;- 22 Nov. 2012. Xaflad lagu soo dhaweynayo isla markaana lagu
sagootinayay Dr.
Xussein Sheikh Axmed "Kaddare"
oo
lagu qabay magaalada London.
Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabtay
xaflad lagu soo dhaweynayo isla markaana lagu sagootinayay
Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" oo dhawaan kaga qeybgalay
magaalada London sanadguuradii 40aad ee Qoraalka Afka
Soomaaliga.
Xafladdan oo ka dhacay galbeedka magaalada London waxaa ka
soo qeybgalay qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan
magaalada London oo isugu jiray siyaasiyiin, waxgarad haween,
dhallinyaro & hoggaamiyeyaal ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.
Xafladan oo ay hadallo soo dhaweyn & sagootinba isugu jirtay
waxaa ugu horreyntii halkaasi hadallo qiimo leh ka soo
jeediyay Guddoomiyihii ururkii dhallinyarada Kacaanka
Soomaaliyeed Salaad Cusmaan Rooble, isaga oo xusay doorkii
shariifka ahaa ee Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" uu ka
galay taariikhda qoraalka afka Soomaaliga. Sidoo kale waxaa
iyaguna halkaasi hadallo qiimo badan ka soo jeediyay Baaba
Seydii Karaama & Ambassador Max'ed Axmed Caalin, Cali Shiino,
Yaasiin Bulsho, Max'ed Afweyne, Suldaan Khaliif, Gen. Amiin
Cabdi Muusse Maaxaay & xubno kale oo fara badan.
Dhinaca kale waxaa iyaguna hadallo ka soo jeediyay haween ay
ka mid ahaayeen Xaliimo Max'ed Xallane, Maryan Max'ud
Jimcaale "Maryan Jaceyl" oo ka mid ah haweenka sida weyn
looga yaqaano magaalada London oo iyagana halkaasi ka
hadallo ammaan & soo dhaweyn ah ka jeediyay.
Ugu dambeyntii waxaa halkaasi hadallo isugu jira ammaan,
mahadcelin & kaftanba ahaa ka soo jeediyay Dr. Xussein
Sheikh Axmed "Kaddare", wuxuu dadkii Soomaaliyeed ee ka soo
qeybgalay xafladdaasi ka codsaday in ay xil weyn iska
saaraan ilaalinta & dhowritaanka afka Soomaaliga oo aysan
la'aantiis suurtagal aheyn jiritaanka dadka Soomaaliyeed.
Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" wuxuu ku dheeraaday
halgankii loo soo maray in ay dadka Soomaaliyeed yeeshaan af
qoran oo suga jiritaanka ummadnimo sida ummadaha kale ee ku
dhaqan caalamka dushiisa, sidaasi darteedna ay lagama
maarmaan tahay in ubadka Soomaaliyeed waalidiintoodu iska
xilsaaraan horay u dhigga ummadnimo & afka Soomaaliga,
haatanna la joogo dhammaadkii waxyaabihii dib u dhigay
horrumar la'aanta hareysay dhaqankii wanaagsanaa ee ummadda
Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxay xubnihii ka soo qeybgalay xafladdaasi
ballan qaadeen in ay fulin doonaan wixii uu kala dardaarmay
Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" ee ahaa ilaalinta
dhaqanka Soomaaliyeed & afka Soomaaliga, waxay xafladdaasi
ku soo gebagabowday si wanaagsan.
Halkan ka daawo xafladdii lagu soo dhaweynayay Dr. "Kaddare"
United Kingdom
Xildhiban Publications.
Isha Qoraalka
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Copyright
© Xildhiban 2012
All rights reserved. |