|
|
Bandhiggii buugaagta taariikhda, dhaqanka & codka
hal-abuurka Soomaalida oo lagu soo gebagabeeyay
magaalada Oslo ee dalka Norway. 27 - 28 November,
2013 |
|
Kulankii
qoreyaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada
Oslo ee dalka Norway.
Kulankan oo ka dhacay maalintii ay taariikhdu ay
aheyd 28kii bishan November, sanadka 2013, waxaa ka
soo qeybgalay Qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid
magaalooyinka London, Stockholm ee dalalka
Ingiriiska & Sweden.
SBarnaamijkan
waxaa soo qabanqaabiyay guddoomiyaha ururka SOMDOS,
C/wahaab Max’ed Siciid oo halkaasi ka jeediyay
hadallo soo dhaweyn & ammaan kuna aaddanaa sida ay
Qoreyaasha Soomaaliyeed uga aqbaleen ka soo
qeybgalka bandhiggan oo ahaa kii ugu ballaarnaa ee
noociisa ah ee lagu qabto magaalada Oslo ee dalka
Norway.
Sidoo kale waxaa iyadna halkaasi hadallo qiimo badan
ka soo jeedisay Luul Xassan Kulmiye oo ka mid aheyd
qabanqaabiyeyaasha bandhiggan buugaagta & dhaqanka
Soomaalida ahna madaxa Manager at Kulmiye Language
service.
Qoreyaashii maanta halkaasi ka hadlay waxaa ka mid
ahaa;-
1. Cumar Xaaji Bile Aaden
2. C/casiis Cali Ibrahim Xildhiban
3. Saciid Cali Shire
4. Seynab Xaaji Aaden Daahir
5. C/raxmaan Max’ed Abtidoon
Sidoo kale waxaa iyaguna barnaamijkan Suugaan,
Gabayo, Guurow & Geeraarba ka soo jeediyay xubno ka
socday qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan
dalkaasi, wuxuuna bandhiggaasi ku soo gebagaboobay
si wanaagsan.
Guntii & gebagabadii wuxuu C/wahaab Max’ed Siciid &
dadka ku dhaqan magaalada Oslo ee dalka Norway,
casho sharaf si wanaagsan loo soo agaasimay ugu
sameeyeen Restaurant Waaberi oo ku yaalla
magaaladaasi, halkaasi oo ay isku dhaafsadeen aqoon
is weyrdaarsi aad u qiimo badan.
C/wahaab Max'ed Siciid
Oslo, Norway
Jangowsaid@gmail.com |
|
|
Bandhigga Dhaqan Soomaaliga |
Casho sharaftii loo sameeyay Qoreyaasha |
|
|
C/casiis
"Xildhiban" oo guddoonsiinaya |
C/casiis
"Xildhiban" & Gabadha Dhaqanka |
|
|
Saciid Cali Shire & Max'ed Cabdi "Affey" |
Buugaagtii la soo bandhigay |
|
Bandhigga Buugaagta Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta
Soomaalida. |
|
Isha
qoraalkan; C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban",
London
Ogeysiis:
Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc
ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto
wargeys, haddii aad u baahato fadlan la
xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay
www.xildhibanpublications.com ama qoraha
caanka ah ee C/casiis
Cali Ibrahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London |
|
|