| 
              				 
							 Bandhigga 
							buugaagta taariikhda & suugaanta Soomaalida oo muddo 
							saddex maalmood ka socday magaalada Helsinki ee 
							dalka Finland oo la soo gebagabeeyay iyadoo kulankan 
							carwo sanadeedka ee sanadkiiba mar lagu qabto 
							dalkaasi. 
							 
							Kulankan oo ay ka qeybgalyeen qoreyaal Soomaaliyeed 
							oo ka kala yimid dalalka Canada, Ingiriiska & 
							qoreyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland. 
							Bandhiggan oo bilowday 19kii bishan May lana soo 
							gebagabeeyay 21ka May, sanadka 2011.  
							 
							1. Max’ed Sh. Xassan Nuur; Toronto, Canada. 
							Daabacaadda & soo saarista buugaagta.  
							2. C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”; London, United 
							Kingdom. Taariikhda & Suugaanta. 
							3. Siciid Cali Shire; Leicester, UK. Ganacsiga, 
							Bangiyada & Hoggaaminta. 
							4. Amran Max’ed Axmed; London, UK. Taariikhda & 
							Nolosha. 
							5. C/qaadir Cali Boolaay. London, UK. Taariikhdii & 
							halgankii isticmaardiidka S.Y.L. 
							 
							Dhinaca kale waxaa munaasaddan goobjoog ka ahaa 
							qoreyaasha Soomaalida eek u dhaqan dalka Finland 
							ayna ka mid yihiin;- 
							 
							1. Axmed Max’ed Wehliye Axmed “Xijji”, Helsinki, 
							Finland. Taariikhda afka Soomaaliga. 
							2. Axmed Wehliye Coofle;- Helsinki, Finland, oo ka 
							hadlay dhinaca Novel-liska.  
							3. C/rashiid Cawad Diiriye;- Helsinki, Finland. 
							Horrumarka dhinaca technology-yada. 
							 
							 Dhinaca 
							kale waxaa iyadna halkaasi hadallo aad u qiimo badan 
							ka jeedisay Muddle Suzanne Lilius oo ah cilmibaare & 
							mustaqbalka afka Soomaaliga ee dalalka 
							Scandinavian-ka macallin ama barena ka ah ah 
							jaamacadda magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. 
							 
							Waxaa gunaanadkii carwo buugeedka ee sanadkan lagu 
							qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland hadallo 
							qiimo leh oo isugu jira guubaabo & dardaaran ka soo 
							jeediyay MD. C/raxmaan Max’ud Cali “Jiimi” oo ah 
							sarkaal ka tirsan maktabadda Espoo Library ee 
							magaalada Helsinki isla markaana ku dadaala keydinta 
							& xafidaadda dhaqanka & taariikhda Soomaaliya.  |