|
|
Buugga cusub ee Halgankii SYL & SNL. Waxaa Qoray C/qaadir
Cali Boolaay |
|
Xildhiban
Publications;- 23 June 2013. Buug cusub:- Halgankii
SYL & SNL. Waxaa Qoray C/qaadir Cali Boolaay.
Buug cusub oo uu qoray Dr. C/qaadir
Cali Boolaay. Buuggan wuxuu ka sheekeynayaa
marxaladihii kala duwanaa & halgankii dheeraa ee
dadka Soomaaliyeed ay u soo mareen gobannimada aannu
maanta harsaneyno.
Dr. C/qaadir Cali Boolaay wuxuu ka mid yahay dadka
tirada yar ee maanta wax laga weydiin karo halgankii
ay hormuudka ka ahaayeen dhallinyaradii Soomaaliyeed
ee aasaaska u dhigtay ururkii Somali Youth League
ama Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.
Dr. C/qaadir Cali Boolaay wuxuu ahaa goobjooge xog
ogaal u ahaa dhacdooyinkii dhinacyada Taariikhda,
Dhaqanka & Siyaasadda Soomaaliya, dhinaca kale wuxuu
ahaa nin kaalin muuqata ka soo galay warbaahinta
Soomaaliya, wuxuuna wax ka soo saari jiray
wargeysyadii la kala oran jiray, Coriera della
Somalia, New Era, Unione, Stella di Octobre ama
Xiddigta Oktoobar & Waarimeysid oo ka soo kala bixi
jiray magaalooyinka Muqdisho & Rotterdam.
Wixii ka dambeeyay burburkii dowladnimo ee
Soomaaliya wuxuu C/qaadir Cali Max'ed "Boolaay"
wuxuu ahaa shaqsiga kaliya ee aan marnaba ka baaqsan
sidii dadka Soomaaliyeed loo xusuusin lahaa
halgankii loo soo maray gobonnimada & calanka
jamhuuriyadda Soomaaliya.
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Qoraa, Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida.
London, United Kingdom |
|
Isha
qoraalkan; C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban",
London
Ogeysiis:
Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc
ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto
wargeys, haddii aad u baahato fadlan la
xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay
www.xildhibanpublications.com ama qoraha
caanka ah ee C/casiis
Cali Ibrahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London |
|
|
|