|
|
Taariikh nololeedkii Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare".
01 February, 2015 |
|
Afku
waa astaanta ugu mudan ee ay ummadi kaga duwan tahay
ummadaha kale, waxaana af kasta uu loolan iyo hardan
xoog leh kaga yimaadaa afafka kale.
Ummaddii aan baraarug laheynina waxaa ku yimaada
burbur soo wajaha afkooda dhaqankooda ama meeshaba
ay ka baxaan. A sokow u adeegsiga nolol maalmeedka
waxaa afka lagu keydiyaa isla markaana lagu
ilaaliyaa ama uu ka jawaabaa su’aasha ah kumaa tahay?
Wixii qoran ayaa quruumo hara, hadal muxuu qiimo
leeyahay, hadal murtiyeedkii Cabdi Sinimo, Allaha u
naxariistee.
Qoraal la’aantii afka Soomaaliga waxaa dadka
Soomaaliyeed kaga dhumay wax badan oo taariikh ah
kuwa manta joogana ay dhaxal u heli lahaayeen, in la
xusuusto xeerdheerayaal oo Soomaaliyeed waa tan aan
manta meeshan u joogno’e oo isku dayay in dadka
Soomaaliyeed helaan af qoran taas oo fududeyn karta
helitaanka taariikhdoodii, dhaqankoodii &
suugaantoodii.
Haddaba eebahay ha u naxariistee waxaa toddobaadkii
hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday 1dii bishan
February, sanadkan 2015ka Allaha u naxariistee Dr.
Xussein Sheikh Axmed Kaddare oo ka mid ahaa xubnihii
tirada yare e ka noolaa dadkii Soomaaliyeed ee
abaalka gashaday kana qeybgalay halgankii, ummadeed,
diimeed & towraddii dhaqameed & suugaameed ka soo
qeybgalay dadka Soomaaliyeed.
Shaki kuma jiro in dadka Soomaaliyeed halkaasi ku
waayeen Geesi mudan in la xusuusto baal dahab ahna
ka galay taariikhda socotada. Dr. Xussein Sh. Axmed
Hilowle “Kaddare” waxa uu ku dhashay gobolka
Shabeellada Dhexe ee dalka Soomaaliya, sanadkii
1934tii, wuxuuna ka soo jeeday qoys lagu ammaanto ku
dhaqanka diinta Islaamka, wuxuuna yaraantiisii ka
bilaabay barashada diinta Islaamka deegaankii uu ku
dhashay.
Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”
wuxuu magaalada Muqdisho soo galay isagoo jira 9
sano wuxuuna ku biiray xer ka mid aheyd xertii ka
jirtay magaalada wuxuuna intaas ka dib waxbarasho ka
bilaabay dugsigii Macallin Jaamac oo berrigaas la
oran jiray Seraale ama waxbarashada dadka waa weyn,
waxaana berrigaas dugsigaas la oran jiray Cerdinale
Masaya markii uu dhammeystayna waxbarashadii
dugsiyigii hoose & dhexe, wallow berrigaas uusan
jirin dugsi sar, dugsigaas oo bareyaal ay ka
ahaayeen ajaanib xilligaas ay aqoontoodu aad u
sarreysay.
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu madax k noqday
ururkii la oran jiray Combogna Artistiche Centrale,
wuxuuna ahaa nin sameeya ruwaayadaha, ruwaayadihii
uu sameeyay kuwii ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa
ruwaayaddii la oran jiray “Nimaan joogin ma jiro”,
halkaas oo uu sheegay in uu ka soo raacay magaca
KADDARE oo uu ku jilayay ruwaayaddaas.
Eebahey ha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”,
laashiin, gabyaa, nin guurooba, geeraara, shirba,
mar uu la hadlayay saxaafaddana sheegay in
isticmaalka ereyga Laashin uu yahay mu’allifka ama
curiyaha suugaanta Soomaalida dadka Soomaaliyeedna
uu ka maqan yahay afka Soomaaliga.
Kaddare taariikhdiisa qoraal & akhris midna lagu soo
koobi karo, wuxuuna ahaa barnaamij soo saare, Qoraa
taariikhda, dhaqanka & suugaanta Soomaalida & cilmi
bare kaftan & xigmad badan hadalkana aan ku degdegin,
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu ka mid ahaa
shaqsiyaadkii tirada yaraa ee isku dayay in dadka
Soomaaliyeed helaan af qoran kaas oo ka gudbiyay
dadka Soomaaliyeed mugdigii ay ku jireen,
suurtagaliyayna helitaanka afkeena maanta qoran.
Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”
wuxuu sanadkii 1952dii soo saaray far Soomaali qoran
oo uu isagu sameeyay fartaas oo loo yaqaano
Kaddariya, waxaana intii aan la qorin kan hadda la
isticmaalo ee laatiinta, maamulkii KMG ahaa ee ka
jiray sanadkii 1958dii la magacaabay guddi ay ka mid
ahaayeen dadka aan xusuusto Muusse Galaal & Dr. Dr.
Xussein Sh. Axmed “Kaddare”, waxayna guddigaas
shuruudo u sameeyeen qoraalka farta Soomaaliga
waxaana la soo bandhigay ilaa 4 farood, waxayna
waqtigaas ama berrigaas go’aan ku gaareen qaadashada
labo farood oo kala ahaa tan Laatiinka & uu qoray
Kaddare ee loo yaqaanay Kaddariyah, waxaana
magaalada Muqdisho ka dhacay bannaanbaxyo looga soo
horjeedo qaadashada farta Laatiinka iyadoo dadkii
bannaanbaxayay ay lahaayeen Laatiin laa Diin.
Sanadkii 1964tii markii uu dalka Soomaaliya ra’iisul
wasaaraha ka ahaa Allaha u naxariistee C/risaaq
Xaaji Xussein waxaa la magacaabay guddi ka kooban 9
xubnood oo uu ku jiray allaha u naxarsiitee Dr.
Xussein Sh. Axmed “Kaddare” waxayna dowladdaas dalka
ku casuuntay wefdi ka yimid ururka UNESCO oo
fadhigooda ahaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska,
guddigaas oo ka koobnaa 3 xubnood soo saareen
warbixin ay kula talinayaan xukuumaddii berigaas
jirtay oo aheyd haddii la qaadan waayo Laatiinka la
qaato Fartii uu qoray Allaha u naxariistee Dr.
Xussein Sh. Axmed “Kaddare”, warbixintaasina lagu
gubay sababteeduna ay lahaayeen dadkii laga reebay
warbixinta ama laga tagay fartooda.
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” intii uusan
jaamacadda gelin wuxuu shaqo ka bilaabay Radio
Muqdisho, sanadkii 1961dii wuxuuna ahaa Narrator ama
barnaamij xiriiriye isagoona wararka ka soo tebin
jiray goobaha lagu qabto kulamada & ciyaaraha
noocyadooda kala duwan, wuxuuna barnaamij soo
saarihii ugu horreeyay ee barnaamijkii ka bixi jiray
idaacadda Radio Muqdisho ee Hiddaha & Dhaqanka.
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu madax u noqday
fanaan badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ay ka mid
ahaayeen, Daleys, Guduudo Carwo, Laangarre, Cali
Jareere & fannaaniin kale oo fara badan, sanadkii
1966dii Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed
“Kaddare” wuxuu madax u noqday ururkii ugu horreeyay
ee dhallinyaro Soomaaliyeed ku midoobaan, waxaana
ururkaas dhallinyaro ku midoobay in ka badan 11 urur
dhallinyaro.
Sanadkii 1969kii wuxuu isaga tagay ama ka ruqseystay
shaqadii idaacadda Radio Muqdisho si uu uga qeybgalo
doorashooyinkii ka dhacay dalka sanadkaas,
doorashooyinkii dhacay ka dibna wuxuu dib ugu soo
laabtay idaacadda Radio Muqdisho wuxuuna soo saari
jiray barnaamij ku saabsan dhaqanka oo idaacadda ka
bixi jiray toddobaadkiiba mar.
Markii ay dhalatay xukuumaddii Kacaanka 21kii
October, sanadkii 1969kii, ballanqaadkana ku bixisay
qoraalka farta Soomaaliga waxay u yeertay guddiyadii
asalka u ahaa isku dayadii la sameeyay kuwaas oo ay
ka mid ahaayeen;-
1. Xaaji Muusse Galaal;
2. Prof. Ibraahim Xaashi;
3. Shire Jaamac
4. Yaasiin Cusmaan Yuusuf Kenadiid
5. Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”
Shantaas xubnood ninba galab ayuu u yeeray Golihii
Sare ee Kacaanka, haddaba galabtii loo yeeray Allaha
u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” oo ka
hadlayay ayaa yiri, waxaan guriga ku soo noqday
iyadoo baabuur Otto otto taagan yahay, waxaana i
gashay galabta waa lagu soo jiriyay oo waa lagu xeri
rabaa.
Markii uu i arkay ninkii wadaha ka ahaa gaarigaas,
wuxuu u sheegay in uu baabuurka uusan aheyn kii
dadka lagu xeri jiray, laakiin ay u yeerayaan
Xubnaha Golihii Sare ee Kacaanka, isaguna uu uga
horreeyay Xaaji Muusse Galaal, markii uu u tagayna
25kii Golahaas ay ku yiraahdeen, waxaan dooneynaa in
aan qorno farta Soomaaliga, sidaasi darteed adigu
maxay tahay taladaadu?.
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” oo ka hadlayay
taladii uu u jeediyay xubnihii Golihii Sare ee
Kacaanka ayaa yiri;- Waxaan ku talinayaa qaadashada
farta Laatiinka maadaama ay dowladdeenu curdan tahay,
dhaqaalaheenuna tabar yar yahay, laakiin haddii la
qaadan waayo taasi badalkeeda la qaato fartiisa
maadaama ay buuxisay shuruudihii laga doonayay.
Dhinaca kale Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh.
Axmed “Kaddare” wuxuu sheegay in aysan suurtagal
noqoteen qoraalka Far Soomaaliga haddii aysan ahaan
laheyn Xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka oo uu ku
tilmaamay in ay ahaayeen niman IKHTIYAAR leh, lana
heleen FARTA qoran ee maanta laguna diiwaangeliyo
keydka taariikheed, Suugaaneed & Dhaqan ee dadka
Soomaaliyeed.
Ka dib markii lagu qoray Far Soomaaliga waxay
dowladdii Kacaanka waxay magacowday guddi ka kooban
19 xubnood oo isugu jira Aqoonyahanno waxay
bilaabeen diyaarinta buugaagtii ay wax ka baran
lahaayeen ardayda Soomaaliyeed ee berrigaas dhigan
jirtay dugsiyadii hoose & dhexe ee Soomaaliya,
waxaana muddo gaaban ay qoreen buugaag dhowr ah,
guushaas la gaaray ka dib Xubnihii Golihii sare ee
Kacaanka waxay abuureen ama ay dhiseen
Akadeemidayadii Cilmiga & Suugaanta Soomalida,
waxaana madax looga dhigay Allaha u naxariistee Dr.
Xussein Sh. Axmed “Kaddare”, waxaana 21kii bishii
October, sanadkii 1972dii loo aqoonsaday markii la
qoray FAR Soomaaliga, iyadoo 21kii bishii January,
sanadkii 1973dii laga hirgeliyay adeegsiga &
qoraalka xafiisyada maamul ee dowliga ahaa.
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” oo ahaa qabiir wax
badan laga weydiin jiray far qoraalka afka
Soomaaliga ayaa intii uu noolaa ii sheegay in
ereyada laba laabma ee ku jira afka Soomaaliga ay
yihiin 7 erey ama xuruuf, laakiin wixii intaas dheer
la weydiinayo ninka keenay ama ay jeebkiisa yihiin.
Sidoo kale wuxuu ii sheegay Allaha u naxariistee,
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” ereyo afka
Soomaaliga ku jira oo isku dhigmo ah laakiin kala
dhihid ama dhahaal ah, sida Cad oo ah caddaanka &
Cad oo ah Cadka Hilibka, Duul oo loo isticmaalo Dad
– Duul oo loo isticmaalo Duullaanka.
Dagaalkii dhexmaray dowladdii Kacaanka aheyd &
shacbigana ay halkaas ku istaagtay cilmi baaristii &
daraasaddii lagu sameynayay afka Soomaaliga,
dowladda Soomaaliyeed ee hadda jirtana uu gurmad &
hiillo uga baahan yahay afka Soomaaliga.
Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”
wuxuu ka mid ahaa raggii ka qeybgalay suugaantii loo
yaqaanay Deelleyda wuxuuna ku lahaa labo tixood
waxaana tixdaas ka mid ahaa;-
In Hadraawi door yahay
Gaariye da’nool yahay
Yamyam daadka webi yahay
Idaajaana ka daran yahay
Aniguna raggaa daran kan ugu daran ka daranahay,
Nabadi door tahay.
Haddaba markii ay cirka isku shareertay suugaantii
deelleyda waxaa abwaanadii ka qeybgalay oo ay
tiradoodu gaareysay 64 xubnood looga yeeray Golihii
Murtida & Madadaalada waxaana galabtaas u yeeray
ciidamadii nabadsugidda & wasiirkii warfaafinta
Allaha u naxariistee Dr. Max’ed Aaden Sheikh wuxuuna
Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”
galabtaas codsaday tixdii 2aad ee uu tiriyo laguna
soo gabagabeynayay suugaantii deelleyda waxaana ka
mid ahaa;-
Qabiilnimo yaa doonayoo raba;
Yaa Qareenka daafaca uga deeqay wada;
Duf & Baalal kuma yara mana duusho Goronyadu;
Waagii habar dugaag & haaddu dagaaleen
Oo labada daafood ciidamada la soo wada dumay
Iyadaa la wada dilay, oo duulba duul yiri idinkey
dirkiin tahay;
Dabaalnimo daawo ma leh.
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu burburkii
dowladdii dhexe madax ka ahaa shirkad waxna dhoofisa
waxna ka soo dejisa oo la oran jiran Kaddare & Sons,
markii la riday dowladdii jamhuuriyadda dimoqraadiga
Soomaaliya sanadkii 1991dii wuxuu noqday wasiirkii
warfaafinta & hanuuninta dadweynaha ee dowladdii KMG
aheyd ee mudane Cali Mahdi Max’ed.
Allaha u naxariistee Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare”
intii uusan geeriyoon ka hor wuxuu ka qeybgalay
shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu heshiisiinayay
wallaalaha colloobay ee Soomaaliya, shirarkaas oo
lagu kala qabtay gudaha & dibedda Soomaaliya, laguna
soo unkay dowladnimada maanta la heysto ee
Soomaaliya.
Intii uusan geeriyoon ka hor Allaha u naxariistee
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” oo caan ku ahaa
suugaanta Soomaalida wuxuu tiriyay Shirib uu ku
lahaa;-
1. Toddobo aan isku tuhmay aan tolka wax uga
taabahaa, yacni xagga da’da
2. 10kii 70aad inta tirshaan ku tiirshay meel;
3. Toddobo aan ka tuurayna inta aan la i tuhmin
weyga taas
4. Haddaan timiha taabtana wixii tafnaan jiraa tabaa
5. Haddaan tillaabta tuurana, inta is tafaan dhulka
is tuba;
6. Teydaana ila toosanoo, 10 jir aan isu tirshaa
7. Meel ay Tacsi facey taal, markaan arkaan is
tuhmaa
8. Tii Alle haddii ay timaad, leylama tashee, waa
tarxiil.
Abwaan Max’ed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, oo ka
hadlaayay abwaannimada Dr. Xussein Sh. Axmed Hilowle
“Kaddare” waxaa uu ku gabyay oo yiri;- Halka deyr
waqtigu dhigo, dib baa looga sheekeyn, Kaddaraa u
magac bixin.
Hanqaastii Qoraa sare
C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”
|
|
|
Aaskii Allaha u naxariisto Dr. Kaddare |
Aaskii Allaha u naxariisto Dr. Kaddare |
|
|
Aaskii Allaha u naxariisto Dr. Kaddare |
Aaskii Allaha u naxariisto Dr. Kaddare |
|
|
Aaskii Allaha u naxariisto Dr. Kaddare |
Aaskii Allaha u naxariisto Dr. Kaddare |
|
Aaskii Allaha u naxariisto Dr. Kaddare. |
|
Isha
qoraalkan; C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban",
London
Ogeysiis:
Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc
ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto
wargeys, haddii aad u baahato fadlan la
xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay
www.xildhibanpublications.com ama qoraha
caanka ah ee C/casiis
Cali Ibrahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London |
|
|