|
|
XUS & XUSUUS magaalada
London loogu sameeyay Allaaha u naxariistee
Ambassador Shariif Saalax Max'ed Cali |
|
Xildhiban
Publications:- Akadeemiyad goboleedka Afsoomaaliga
faraciisa Ingriiska ayaa wuxuu shalay oo sabti ahayd
qabtay munaasabad baroordiiq ah oo loogu magac daray
XUS IYO XUSUUS.
Munaasabaddaas ayaa lagu xusayey kaalimihii uu ka
soo qaatay qoridda, fidinta iyo hirgelinta far
Soomaaliga iyo doorkiisii diblomaasi, kii
siyaasadeed iyo midkii uu ka tirsanaa bulshada
rayidka Marxuun Danjire Shariif Saalax Max'ed Cali
oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Shariif Saalax ayaa wuxuu ahaa guddoomiyihii
guddigii af soomaaliga horraantii toddobaatameeyadii,
guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda iyo wasiirkii
Hiddaha iyo Tacliinta sare kadibna wuxuu danjire ka
soo noqday dalalka Briteyn, Talyaaniga iyo Shiinaha.
Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaasha Akademiye Goboleedka
Afsoomaaliga (AGA) oo bartamihii sannadkii hore la
dhisay, isagoo ka mid ahaa golaha fulinta.
Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ay soo
wada shaqeeyeen aadna u yaqaanay ayaa wuxuu ka
warbixiyey shakhsiyadda iyo qofka uu ahaa Shariif
Saalax isagoo ku tilmaamay nin qaali ahaa oo kaalin
muhiim ahaa banneeyey. “Shariif Saalax Maxamed Cali
wuxuu ka mid ahaa dadka taariikhdu xusi doonto
dalkiisa iyo dadkiisana wax badan u soo qabtay,
wuxuuna ahaa halyey” ayuu yiri Dr. Afrax. Wuxuu
kaloo aad uga hadlay kaalintii aqooneed ee uusan
marnaba ka daali jirin.
Dr. Cabdulqaadir Ruumi oo ah ku xeel dheere cilmiga
afka ayaa isna warbixin ballaaran ka bixiyey
qoraalladii faraha badnaa ee Shariif Saalax. “Waa
keyd u yaala ummadda soomaaliyeed meel walba ay
joogto” ayuu yiri Ruumi..
|
|
Waxaa isna kaalintii diblomaasi ee Shariif Saalax ka
hadlay Danjire Maxamed Cusmaan Cumar oo ku tilmaamay
Shariif Saalax nin karti iyo aqoon dheer lahaa, ayna
ka wada tirsanaayeen wasaaraddii arrimaha dibedda.
Diblomaasi C/qaadir Suufi. (Muriiddi Golf) ayaa isna
wuxuu ka warbixiyey kaalintii uu kaga jiray Shariif
Saalax bulshada rayidka ah iyo sidii uu aqoontiisa
diblomaasi ugu heli jiray xal mar walba oo kulamada
ay lahayd buldhada rayidka ku sigato fashil, wuxuuna
ku tilmaamay nin geesi ahaa oo aan ka gabban runta.
Waxaa iyagana halkaa ka hadlay dad ay soo wada
shaqeeyeen iyo kuwa ay ka dhaxeysay saaxiibtinimo
gaar ahba oo ay ka mid ahaayeen Dr. Cabbaas, C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban", Cabdi Deeq Xaashi, &
Rashiid Sheikh Cabdillaahi.
Saciid Jaamac oo matalaya Akademiyedda AGA ayaa
guddoonsiisey shahaado sharaf lagu maamuusayey
Shariif Saalax Maxamed Cali madaxa AGA Dr. Afrax si
uu ugu gudbiyo xarunta dhexe iyo golaha fulinta ee
AGA ee uu ka tirsanaa Marxuun Shariif Saalax Maxamed
Cali.
Waxaa iyadana maanso qurux badan ee uu tiriyey
Bashiir Nuur Xirsi kuna cabbirayey kaalintii Shariif
Saalax iyo sida loogu baahan yahay in bulshadu
xusuusato halyeeyedeeda halkaa ka akhrisay Amina
Muuse Wehliye oo uu uga soo dhiibay dalka Talyaaniga.
Ugu dambeyntii waxaa halkaa looga akhriyey Faataxada
looguna duceeyey in Ilaah u naxariisto kana abaal
mariyo dadaalkii dheeraa ee uu ugu shaqeynayey
ummaddiisa si hagar la’aan ah.
|
Eebbe ha u naxariisto.
Isha Qoraalkan
C/casiis
cali Ibrahim "Xildhiban"
Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka
mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto
wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda
wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay
www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka
ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London
|
|
|