XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

S/Guuto Max'ed Ibraahim Axmed "Liiqliiqato"


Taariikh nololeedkii
S/Guuto Max'ed Ibraahim Axmed "Liiqliiqato"


Maxamad Ibraahim (Liiq-liiqato), wuxuu ku dhashay magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1921kii. Yaraantiisii wuxuu dhigtay dugsiga qur'aanka kariimka ah ka dibna wuxuu qortay askartii Ingiriisku lahaa ee la oran jiray Gendermaagii Ingiriiska sanadkii 1939-1945- wuxuu isteeshimada Xamar mid ka mid ah ka noqday (O.P). sarkaal qora wixii habeenkaas dhaca ama dacwa ah, ka dibna wuxuu darajada Booliiska ee Gendermaariiga ka gaaray Isbatoore.

1950- wuxuu ka mid noqday Booliiska Soomaaliyeed ee Talyaaniga dalka maamulkiisa qabtay (Amministrazione Fiduciaria Italo Somala A.F.I.S), wuxuuna waqtigaas noqday Isbatoore Laba Alifle ah.

1952-kii isaga iyo saraakiil xigeeno kale oo Soomaali ah ayaa loo diray dalka Talyaaniga si ay u soo kororsadaan culuum la xiriirta tababarada ciidamada, 1954 ayuu ku soo noqday dalka isagoo ah hal xidigle, waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyey magaalooyin kala duwan oo dalka gudihiisa ah sida Gaalkacyo oo uu ka soo noqday taliyihii saldhigga booliiska magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sanadkii 1960-kii wuxuu noqday Gaashaanle Sare iyo taliye ku xigeenkii ciidamada boliiska Soomaaliyeed, sanadii 1964 ayaa loo wareejiyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna noqday Janan iyo taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sanadkii 1969 oo ku beegnayd markii ciidamadu dalka la wareegeen wuxuu noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalkii la oran jiray Midowga Soviet-ka ama USSR.

LiiqliiqatoSanadkii 1971 wuxuu noqday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Jarmalka Galbeed, sanadkii 1974 waxaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirkii Beeraha ka dibna wuxuu noqday Wasiirkii Ganacsiga ee Soomaaliya, ayadoo wixii waqtigaas ka dambeeyey loo badalay xarunta dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, asagoo markaas ka dibna noqday Guddoomiyihii Hoggaanka Dhaqaalaha.Sanadkii 1983-dii ayaa loo doortay in uu noqdo Gudoomiyihii Golaha Shacbiga ( President of the National Assembly), wuxuuna jagadaas hayey ilaa sanadkii 1989kii.

Markii ay riday dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu isku dayey marxuumku in uu ka shaqeeyo heshiis dhexmara beelihii U.S.C-da ee khilaafku ku dhex maray magaalada Muqdisho, waxaana xusuustaa marxuumka iyo Macallin Nuur Maxamad Siyaad oo baabuur calamo cad cad ku xiran yihiin la dhex mari jiray goobihii ay isku hor fadhin jireen maleeshiyadii Cali Mahdi Max'ed iyo Gen. Max'ed Faarax Ceydiid.

Buugan uu qoray Jen. Maxamad Ibraahim (Liiqiiqato), waxaa uu ugu magac daray Dalkii Filka weynaa ee Punt, waa buug xambaarsan taariikh fara badan oo aan filayo in ciddii aqrisaa ay ka heli doonto macluumaad badan oo aysan horay u ogayn, buuggani wuxuu ku qoran yahay luqadda afka Soomaaliga laguma amaanayo koox gaar ah ama deegaan gaar ah wuxuuna si faahaahsan uga sheekaynayaa taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo idil.

Allaha u naxariistee General Max'ed Ibrahim "Liiqliiqato" wuxuu geeriyooday taariikhdu markay ahayd 30kii bishii May sanadkii 1998, wuxuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaana lagu aasay deegaanka Kax Shiiqaaleed oo ka tirsan degmooyinka Wadajir & Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariisto.

Isha Qoraalkan:

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London
 

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008