Waa
kan waraysigii oo dhamaystiran
Wareysi C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”
1. Mudane marka hore ku soo dhowoow shabakadda
www.kismaayonews.com
Jawaab;-
Aad & aad ayaan u dhawahay.
2. Mudane waxaad tahay qoraa, aqoonyahan
Soomaaliyeed iyo qof u dhaqdhaqaaqa horumarinta
qoraalka, waxaad nooga warantaa sida aad hawshani ku
biloowday iyo waxa kugu dhiirogaliyay?
Jawaab;- Waxaan
ka tirsanaa dhallinyaradii wasaaraddii waxbarashada
& barbaarinta intii aanay burburin dowladdii dhexe
ee Soomaaliya, dhinaca qoraalkana waxaan bilaabay
anigoo aad u dhallinyar.
3. Ma jiraan wax buugaag ah oo aad qortay, haddii ay
jiraanse waa meeqa buug, ciwaannadooda ma noo sheegi
kartaa?
Jawaab;- Haa,
buugaagtii aan qoray waa 9 buug oo isugu jirta
Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida,
buugaagtaasina waxay kala yihiin;-
B. Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen?, Dastuuradii,
Axdiyadii & Xeerarkii loo dhigay Jamhuuriyadda
Soomaaliya.
T. Taxanaha Taariikhda Soomaaliya.
J. Maahmaahyo Murti & Madadaallo.
X. Sooyaalkii Suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil.
KH. Xulka Maansooyinka Soomaaliyeed.
D. Horseedayaashii halaagga Soomaaliya.
R. Dal aan dadkiisu damqasho laheyn.
S. Maamulladii & madaxdii soo martay Soomaaliya
SH. Sheeko ama Shaahid.
4. Muddo intee la’eg ayaad ku jirtay mihnada
qoraanimada, afkee ayaadse wax ku qortaa?, mise is
leedahay waad ka gaartay heerkii aad dooneysay?
Jawaab;- In
ka badan 25 sano, waxaana wax ku qoraa afafka
Soomaaliga, Talyaaniga & Ingiriiska. Welina wuu
soconayaa halganka aan ugu jiro horrumarinta afkeena.
5. Dhawaan waxaad ka qeybgashay kulan qorayaasha
Soomaaliyeed oo lagu qabtay dalka Findland, maxaad
nooga sheegi kartaa shirkaasi haddii ay ahaan lahayd
ujeedada, tirada buugaagtii lagu soo bandhigey, iyo
waliba kaalinta la siiyay afka Soomaaliga?
Jawaab;- Kulankaasi
waa kulan sanadkiiba mar la qabto isla markaana lagu
soo bandhigo buugaagta Soomaalida waxaana lagu soo
bandhigay in ka badan 270 nuqul ama nooc oo buugaag
laga qoray Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta
Soomaalida. Afka Soomaaligana wuxuu kaalinta 3aad ka
galay buugaagta la amaahdo ee dalka Finland.
6. 20 sanno ayaa laga joogaa tan iyo intii ay
burburtay dowladdii Soomaaliya, waxaa la burburay
horrumarintii Afka Soomaaliga iyo dhamaystirka ama
ebyidda naxwixiisa iyo qoraalkiisa, adiga ka qore
ahaan, iyo dabcan qorayaasha kale ee aad garanaysid,
kaalin intee la’eg ayaad ka geysateen horrumarinta
afka iyo qoraalkiisa?
Jawaab;-
Waxaa weli soconaya halganka aan ugu jirno sidii aan
gacan uga geysan laheyn hannaan xassilloon oo uu
yeesho afka Soomaaliga, dadaalkaas isaga ahina weli
waa qabyo oo wuu soconayaa.
7. Marka laga hadlayo hurrumarinta Afka Soomaaliga
iyo qoraalkiisa, howl intee la’eg ayaa Soomaalida u
taalla?.
Jawaab;- Howlaha
dhinaca horrumarinta & xassillinta afka Soomaaliga
waa muhiimad laga dhowrayo guddiyadii baaba’ay ee
dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay horay u sameysay
soo celintiisa, sidaasi darteed waa arrin na sugeysa
dhammaanyteen ka qeybgalkiisa.
8. Adigu waxaad leedahay bog aad ku uruuriso
buugaagta, tirakoob maka heeysaa buugaagta afka
Soomaaliga ah ee aad uruurisey?, ma jirtaa cid kale
oo ururisay Afka Soomaaliga iyo buugaagta ku qoran
oo aad akhristayaasha u tilmaami karto?
Jawaab;- Waa
jiraan waxaana howshaas iyada ah qabta shirkadda
daabacaadda buugaagta ee Scansom Publishers ee
fadhigeedu yahay dalka Sweden ee uu guddoomiyaha ka
yahay Max’ed Sh. Xassan Nuur.
9. Maxay tahay taladaada ku aadan sidii loo xifdin
lahaa afkeena hodanka ah iyo qoraalkiisa, haddii ay
ahaan laheyd ereyada sii lumaya ee la hilmaamayo,
jiilka cusub ee afafka kale ka dooranaya Afka
Soomaaliga, iyo waliba gefafka waaweyn ee afka laga
galayo, gaar ahaan saxaafadda xiligani jirta?
Jawaab;- Maanta
lama joogo heer wax la dhaleeceeyo, afka Soomaaliga
wuxuu ka mid yahay waxyaabihii burburka ballaarani
uu soo gaaray tan & wixii ka dambeeyay burburkii
dowladnimo ee Soomaaliya. Saxaafadda maanta ee
Soomaalida dhallinyarada ku howlani dadaal ballaaran
ayay sameeyeen wallow haddana ruux kasta uu afka
Soomaaliga u dhigo sidii uu doono.
10. Inta la og yahay hal qaamuus ayaa laga qoray
Afka Soomaaliga, ma jirtaa hawl kale oo la oran karo
qaamuus ayay noqon kartaa oo Afka Soomaaliga laga
sameeyey amaba hadda lagu gudo jiro, muhiimad intee
la’eg ayayse leedahay in qaamuusyo waaweyn laga qoro
Afka Soomaaliga si loo xifdiyo ereyo badan oo sii
asal guuraya?.
Jawaab;- Waa
jiraan Qaamuusyo kale oo laga qoray afka Soomaaliga,
kuwii ugu dambeeyayna waxaa qora Allaha u
naxariistee;-
B. Saalax Xaashi Carab
T. Khaalid Cali Guul Warsame.
11. Waxaa jira fikir baahay oo ah in Afka Soomaaliga
ah ee saxda ah loo tiriyo in uu ka yimid gobolo gaar
ah oo dalka ka tirsan, iyadoo taasi dadka qaarkood
ay u adeegsadaan si ay ugu bah dilaan dad kale oo
gobollo kale kasoo jeeda, ma is leedahay juhdi ku
filan ayay dowladdii hore ee Siyaad Barre galisay in
ay ururiso af Soomaaliga si loo dheellitiro
lahjadaha, afkana u noqdo mid dadka oo dhan si siman
u matalaya ama ka turjumaya?
Jawaab;- Sida
luqadaha kale ee dalalka kale ee adduunka sida afka
Ingiriiska, waa hal haddana sida loogu kala dhawaaqo
waa kala duwanaan karaa, sidaasi darteed af guriga
ma noqon doono mid dhaxal wareejiya kii qornaa ee
Soomaaliga. Qoraalka afka Soomaaliga ee dowladdii
dhexe ee Allaha u naxariistee Max’ed Siyaad Barre
waa qeyb ka mid ah dhaxalkii ay kaga tagtay ummadda
Soomaaliyeed.
12. Marka laga hadlayo Afka Soomaaliga, waxyaabaha
ka dhiga mid raaga waa sugaanteena hodanka ah, si la
mid su’aashii hore, waxaa jirta in dowladdii hore ay
xoogga saartay suugaanta gobollo gaar ah, halka laga
tagay ama la dafiray suugaanta gobollo badan oo
dalka ka mid ah, ma jirtaa sifo lagu uruurin karo
suugaantii laga tagay, door ceynkee ayayna
arrintaasi ka qaadan kartaa ‘dib u heshiisiin rasmi
ah’ iyo waliba helis suugaan dadka oo dhan wada
sheegan karaan lahaanshiyaheeda.
Jawaab;- Wixii
ay awoodi weyday in ay qabato dowladdaasi, waa
waajib saaran dadka Soomaalida ee maanta nool ama
jooga qabashadeeda, dhinaca kale waxaa jira qorayaal
fara badan oo Soomaaliyeed oo arrintaasi wax badan
ka qabtay, diiwaankana galiyay suugaan fara badan oo
aan horay u qorneyn sidaasi darteed ma jirto
marmarsiiyo hartay oo arrintaasi ku saabsan.
13. Soomaalida waa dad afka wax isku gaarsiiya,
intooda badana waxbo ma qoraan, adiguna waxaad ka
mid tahay dadka yar ee wax qora, adigoo ka duulaya
erey bixinta labaad ee qoraalka loo yaqaano ee ah ‘Dhigaal’,
taas oo ka turjumeyso wax keydsami kara si ka duwan
hadalka oo la yiri ‘Haan ma buuxsho’, muhiimad intee
la’eg ayuu qoraalka leeyahay?
Jawaab;-
Qoraalka waa hannaanka ugu habboon ee ay ummadi wax
isugu gudbin karto, sidaasi darteed, waxaa lagama
maarmaan ah in loo howlgalo hannaanka ugu habboon ee
wax lagu keydiyaa ama “Dhigaal” uu yeesho afkeena
hooyo.
14. Ugu dambeyntii ma jiraa wax maankaaga ku
wareeganaya oo aad dooneyso in aad la wadaagto
ummadda Soomaaliyeed?
Jawaab;- Marka
hore waxaan idinkaga mahadcelinayaa fursadda aad ii
siiseen in aad wareysigan ila yeelataan, sidaasi
darteed “Afka Soomaaliga & isticmaalkiisa” waa
dariiqa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay kaga bixi
karaan gunnimada oo ka hirgasha geyigeena Soomaaliya.
Guul & Gobannimo
Mahadsanid
Maamulka iyo Tifaftiraha www.kismaayonews.com |