Stockhlom:
Kulankan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Midowga Dhallinyarada
Soomaalida Sweden (SSUF) & Scansom Publishers oo ka
socday magaalada Stockholm ee waddanka Sweden labadii maalmood
ee la soo dhaafay, isla markaasna ay ka qeyb gelayeen qeybaha
bulshada Soomaalida ayaa la soo gabagabeeyey magaalada Stockhlom
ee dalka Sweden.
Kulankan oo lagu soo bandhigay
wax ka badan 170 buug oo ku qoran af-Soomaali, isuguna jira
taariikh, suugaan iyo cilmi, ayaa waxa hadalo ka soo jeediyey
qorayaal, suugaanley iyo dad khibrad u leh dhaqanka iyo
taariikhda Soomaalida.
Qorayaasha iyo suugaanleyda hadallada ka jeediyey madashaas
waxaa ka mid ahaa:-
Max'ed Sheikh Xassan, Axmed Faarax Cali
"Idaajaa" (Kenya), Khaalid Cali Guul (Denmark),
C/Fitaax C/Laahi Gacmadheere (Italy), C/casiis Cali Ibrahim
"Xildhiban"(UK), Saciid Cali Shire (UK), Axmed
Sabriye Gaabow (Sweden), Cabdi Bashiir (Sweden), Yusuf Xassan
(Sweden), Maxamed-Deeq Cabdi Madar (Sweden) Yuusuf C/llaahi
Sheikh-casri
Waxaa kale oo goobtaas hadallo
ka soo jeediyey dad kale oo aqoon iyo waayaragnimo u leh
dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida waxaa ka mid ahaa: Suzanne
Muddle "Deggan" oo Af-Soomaaliga ka dhigta jaamacadda
Gothenborg; Karin Sohlgren oo la taliye ka ah wasaaradda
waxbarashada iyo barbaarinta ee dalka Swedan; iyo Faadumo
Cusmaan oo cilmi baare ka ah jaamacadda magaalada Gothenborg
oo ah magaalada labaad ee ay ku badan yihiin Soomaalida
ku dhaqan dalkaasi.
Suugaanyahanadii Soomaaliyeed ee ay
dadku hadalladooda ku diirsadeen waxaa ka mid ahaa Axmed
Faarax Cali (Idaajaa) iyo Khaalid Cali Guul. Intii uu hadlayay
Axmed Faarax Cali "Idaajaa" wuxuu wax ka taabtay
minguurka ku yimid af-Soomaaliga iyo sidii xal loogu heli
lahaa.
Kullankan labadii maalmood ee uu socday waxaa xiriirinayay
Dr. Max'ed Sheikh Xassan oo ka mid ah qoreyaasha Soomaaliyeed
ahna madaxa Scansom Publishers ee ay xaruntoodu tahay magaalada
Stockhlom ee dalkaasi Sweden.
Waxaana gebagabadii kulankii labadii maalmood ee tagtay
hadallo qiimo badan agaasimaha ururka dhallinyarada Soomaalida
Sweden Axmed Xassan wuxuuna u mahadceliyay dhammaan dadkii
ka soo qeybgalay kulankaasi.
Xildhibanpublications, Stockhlom
|