London, 26-Septembar-2009@[Xildhibanpublications]
Waxaa maanta magaalada London oo lagu soo dhaweynayay
xubno ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya isla markaana
ay uga waramayeen xaaladda dalka Soomaaliyeed.
Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen:-
1. Wasiirka
lacagta ee dowladda KMG ah Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan
"Eng. Yariisow"
2. Gudd. ku xigeenka gobolka Banaadir C/fataax Cumar "Shaaweeye"
3. Hon. Max'ud Axmed "Tarsan" & 4. Hon. Cali Calas ayaa
lagu soo bandhigay buugga cusub ee Horseedayaashii
halaagga Soomaaliya" oo maalintii shalay aheyd ka soo
baxay madbacaddii lagu daabacayay.
Xafladdan oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan
ka tirsan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ayay dadka ku
dhaqani magaalada London ugu hambalyeeyeen qoraaga
Soomaaliyeed C/casiis "Xildhiban"
sida uu isugu howlay keydinta & ururinta taariikhda
dalka & dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale wuxuu qoraagu guddoonsiiyay xubnaha
dowladda KMG ah copy ka mid ah buugga cusub ee "Horseedayaasha
halaagga Soomaaliya, isla markaana wuxuu madaxdii uu
guddoonsiiyay nuqul ka mid ah buugga cusub ka siiyay
warbixin kooban oo ku saabsan macluumaadka uu buugga
xambaarsan yahay.
Gebagabadii
xafladdan ayuu sidoo kale ka sheegay in
uu soo saari doono buug kale oo la magac baxay "Dal aan
dadkiisu damqasho laheyn". Buuggaasna uu kaga warami doono dhammaan
shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay gudaha &
dibedda dalka Soomaaliya & isbeddallada dhinaca
siyaasadda ee dalka Soomaaliya & dhacdooyin kale oo
muhiim u ah taariikhda dadka Soomaaliyeed.
Xildhiban
Publications, London
|