Xildhiban
Publications;- 02 December 2012. Xaflad lagu soo dhaweynayay Dr. Xussein Sheikh
Axmed "Kaddare" oo lagu qabay magaalada Birmingham.
Waxaa magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska lagu qabtay xaflad lagu soo
dhaweynayay Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" oo dhawaan qeybgalay sanad-guuradii 40aad ee Qoraalka Afka Soomaaliga.
Xaflad lagu soo bandhigay waxqabadkii Dr. Xussein Sheikh
Axmed "Kaddare" ayaa lagu qabtay magaalada Birmingham ee
dalka Ingriiska, xafladdaas oo gardaadinayay Prof. C/qaadir
Ruumi ayaa waxaa aayadaha quraanka kariimka ah ku furay
Shariif Axmadeey, ka dibna waxaa halkaasi hadallo soo
dhaweyn ah ka soo jeediyay Dr. Cusmaan Xaaji Jimcaale
Kulmiye & Prof. Gacameey.
Intaas ka dib, waxaa halkaasi si kooban isla markaana
tafaftiran hadallo qiimo leh & taariikhdii & halgankii Dr.
Xussein Sheikh Axmed Kaddare ka soo jeediyay Prof. C/qaadir
Ruumi, kuna saabsan wixii ay caalamka ka qoreen dadaalkii uu
sameeyay Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare".
Xafladdan oo ay mid taariikhi ah isla markaana lagu xusayay
waxqabadkii abwaan Dr. Kaddare, ayaa aheyd mid runtii aheyd
mid maalintaas iyada ah waxyaabo badan oo shaki uga jiray
guud ahaan dadka Soomaaliyeed indhaha u furi doonta.
Prof. C/qaadir Ruumi ayaa halkaasi ku soo bandhigay buuggii
ugu horreeyay ee uu qoray Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare",
buuggaasina waxaa lagu magacaabaa Warsame & Waasuge, ahna
buug aad looga daba dhacay.
Dhinaca kale wuxuu halkaasi Prof. Ruumi ku soo bandhigay
gabayaddii uu ku lahaa Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare"
silsiladdii suugaantii Deelleyda ee bilaabatay horraantii
sanadihii 80-aadkii ayna ka qeybgaleen abwaaniin fara badan
oo Soomaali ah isla markaana mujtamaca Soomaalida ay aad u
yaqaanaan.
Prof. Ruumi ayaa sidoo kale ka hadlay mowduuc ku saabsan
naqdinta suugaanta & sida qotada dheer ee uu Prof. Cali
Jimcaale u sharaxay sheekada Warsame & Waasuge, isaga oo soo
qaatay buuggiisa ku qoran afka Ingiriiska.
Ugu dambeyntii waxaa halkaasi hadallo isugu jira ammaan,
mahadcelin & kaftanba ahaa ka soo jeediyay Dr. Xussein
Sheikh Axmed "Kaddare", wuxuu dadkii Soomaaliyeed ee ka soo
qeybgalay xafladdaasi ka codsaday in ay xil weyn iska
saaraan ilaalinta & dhowritaanka afka Soomaaliga oo aysan
la'aantiis suurtagal aheyn jiritaanka dadka Soomaaliyeed.
Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" wuxuu ku dheeraaday
halgankii loo soo maray in ay dadka Soomaaliyeed yeeshaan af
qoran oo suga jiritaanka ummadnimo sida ummadaha kale ee ku
dhaqan caalamka dushiisa, sidaasi darteedna ay lagama
maarmaan tahay in ubadka Soomaaliyeed waalidiintoodu iska
xilsaaraan horay u dhigga ummadnimo & afka Soomaaliga,
haatanna la
joogo dhammaadkii waxyaabihii dib u dhigay
horrumar la'aanta hareysay dhaqankii wanaagsanaa ee ummadda
Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxay xubnihii ka soo qeybgalay xafladdaasi
ballan qaadeen in ay fulin doonaan wixii uu kala dardaarmay
Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" ee ahaa ilaalinta
dhaqanka Soomaaliyeed & afka Soomaaliga, waxay xafladdaasi
ku soo gebagabowday si wanaagsan.
Halkan ka daawo xafladdii lagu soo dhaweynayay Dr. "Kaddare"
United Kingdom
Xildhiban Publications.
Isha Qoraalka
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Copyright
© Xildhiban 2012
All rights reserved. |