| 
							Jimco, June 10, 2011- Bandhiggii ugu horreeyay ee ku 
							saabsan dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda 
							Soomaalida ayaa ka furmay magaalada Gothenburg ee 
							dalka Sweden. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee 
							noociisa oo lugu qabto magaaladda Gothenburg ayaa 
							lugu soo bandhigay horrumarka dhinaca afka 
							Soomaaliga ku talowsaday.
 
  Kulankan 
							ayaa waxaa furay ku xigeenka duqa magaalada 
							Gothenburg, Thomas Martinsson oo halkaasi ka 
							jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay & ereyo 
							soo dhaweyn & dhiirigelin isu jiray isagoo markii 
							dambena ka codsaday in qoreyaashii Soomaalida ee 
							kulankaasi ka qeybgalayay in xoojiyaan kulamada 
							noocan oo kale, kulankii maanta uu horrudhac u yahay 
							bandhigyada buugaagta & dhaqanka Soomaalida, wuxuuna 
							hdalkiisa ku soo gabagabeeyay in maalin uun uu ku 
							abaal sheegan doono bulshada in uu goobjoog ka ahaa 
							kulankii ugu ee lagu suurtagaliyay kulamada waa weyn 
							ee mustaqbalka dhici doona. 
 Sidoo kale waxaa iyagana halkaasi maanta hadallo 
							qiimo badan ka soo jeediyay, guddoomiyaha xaafadda 
							Angered, Hakan Werner, madaxa maktabadda magaalada 
							Gothenburg, Madeleine Bergmark & Mirjam Onner.
 
 
  C/llaahi 
							Sh. Xussein H/Wadaag oo kamid ah qorayaasha 
							soomaaliyeed ee sida weyn caanka uga ah dalka 
							Soomaaliyeed ayaa halkaasi kaga hadlay buuggiisii 
							ugu dambeeyey ee uu daabaco kana hadlayey carruurta 
							iyo ujeedada uu qoray intaba. Waxaa uu sheegay in 
							muhiim tahay siddii carruuraha soomaaliyeed eek u 
							dhalatay qurbaha ay u heli lahaayeen fursad ay ku 
							bartaan afkooda hooyo. 
 Ma aheyn dadkii halkaasi ka hadlay H/wadaag oo 
							keliya, waxaa ka mid ahaa qorayaashii ka hadlay 
							Max’ed Sh. Xassan Nuur oo ah madaxa shirkadda 
							Scansom Publishers ee daabacda buugaagta Soomaalida. 
							Waxaana halkaas lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa;- 
							buugaagta carruurta, suugaanta, taariikhda, 
							siyaasadda, ganacsiga, ciyaaraha, diinta, 
							caafimaadka, qaamuusyada, buugga codeysan.
 
 Qoreyaashii ka qeybgalay furitaankii maanta waxaa ka 
							mid ahaa;-
 
 1. Max’ed Daahir Afrax;
 2. C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”;
 3. C/llaahi Sh. Xussein “Hantiwadaag”
 4. Max’ed Sh. Xassan Nuur;
 5. Bile Max’ed Xaashi.
 
 Dhinaca kale waxaa munaasaddan goobjoog ka ahaa 
							dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 
							magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
 
 1. C/rashiid Cali Bulay;
 2. Cabdi Xersi Siiqe;
 3. Ruqiyo Max’ed Xassan;
 4. Sharmaarke Xaaji Dayib
 5. Sucdi Khaliif
 6. Feysal Axmed Gacashe
 7. Siciido Cabdulle Guuleed.
 
 Ugu dambeyntii waxaa kulankan la soo gebagabeyn 
							doonaa maalinta Sabtida ah ee bishuna tahay 11ka 
							bishan June, sanadka 2011.
 
 Ikraam Cali-kaar
 Gothenburg, Sweden
 ikraam_calikaar@hotmail.com.
 | 
                
							| 
							Cameraman Mustafa & Abdulaziz "Xildhiban" |  
              				Wariye Ikraan Cali-kaar, Gothenburg, Sweden |