|
Xildhiban
Publications;- 10 March 2013. Maktabadda Pasila Library oo uu ka furmay carwo
buugeedkii sanadlaha ahaa ee Bandhigga buugaagta Soomaalida,
Somali Book Fair.
|
Bandhig buugeedkii 9aad oo
maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Waxaa
maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland carwo
buugeedkii sanadkii 9aad. Kulankan waa bandhigga ugu weyn
uguna fac weyn ee ka dhaca qaaradda Europe. Bandhiggan waxaa
si wadajir ah u soo qabanqaabiya shirkadda daabacaadda
buugaagta ee Scansom Publishers & maktabadda magaalada
Helsinki.
Sanadkan waxaa qeyb libaax ka qaatay barnaamijkan
furitaankiisa qoreyaasha Soomaalida hormuudka u ah lagana
soo casuumay dalal kala duwan. Qoreyaasha ka soo qeybgalay
sanadkan waxaa ka mid ah:-
1. Prof. Cabdalla Cumar Mansoor ahna khabiir ku takhasusay
cilmiga afafka.
2. Dr. C/salaan Xaaji Max'ed
3. Dr. C/qaadir Cali Boolaay
4. Dr. Max'ed Sheikh Xassan Nuur
5. C/casiis Cali Ibrahim "Xildhban"
6. Macallin Bashiir Ismaaciil Cusmaan.
Bandhiggan waxaa furtay maamulaha guud ee maktabadda
Helisinki oo gacmo furan & bogaadin ku soo dhaweysay
dhammaan dadweynihii ka soo qeybgalay barnaamijkan isla
markaana si gaar ah ugu mahadcelisay, qoreyaashii ka kala
yimid dalal kala duwan sida qaaradda waqooyiga America &
dalalka Midowga Yurub.
Sidoo kale waxaa isna hadal soo dhaweyn & mahadnaq ballaaran
ka jeediyay goobtaasi Xildhibaan C/raxmaan Max'ud Cali "JIIMI"
oo mudane laga soo doortay deegaanka Espoo, ahna
qabanqaabiyeyaasha joogtada ah ee barnaamijkan.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in kulankani ay gacan ka
geysteen ururrada kala ah:-
Finland - Somalia association, Helina Ruatavaara Museum &
Pasila Islamic Centre, Masaajidyada kala ah Itakuskus.
Qoraaga Max'ed Sheikh Xassan oo ka hadlaayay xiritaanka
kulanka maalinta 1aad ayaa carabaabay in sanadka soo socda
uu ku beegan yahay sanadguuradii 10aad ee carwo buugeedka
lagu daryeelo laguna kobciyo illaalinta Afka, Dhaqanka &
Taariikhda Soomaalida, wuxuuna hadalkiisa ku soo
gebagabeeyay in xuska sanadguurada 10aad noqon doonto
munaasabaddii ugu meel ka ka baxsan Soomaaliya, dadka
Soomaaliyeedna gacan weyn ka geystaan xuskaasi.
Kulankan ka socda Helsinki wuxuu soo gabagaboobayaa maalinta
berrito ee Sabtida, bandhiggan qeybtiisa 2aad waxaa lagu
qaban doonaa maalinta Axadda taariikhduna tahay 12ka bisha
May, 2013 magaalada TURKU. Ka soo qeybgal wacan
Xildhiban
Publications, London
|
|
|
|