Bandhig
ku saabsan buugaagta, Hiddaha & Dhaqanka Soomaalida oo lagu qabtay magaalada
Malmo, Sweden.
Xildhiban Publications;- 05--06,
February, 2012.
Waxaa
magaalada Maalmo lagu soo bandhigay bandhig buugeed iyo dhaqameed ay iska
kaashadeen shirka Scansom Publishers iyo Ururka Hidde iyo Dhaqan. Bandhigga
waxaa martigaliyay oo lagu dhigay xarunta ururka Hidde iyo Dhaqan oo ka mid
ururrada ugu firfircoon oo ka shaqeeya daryeelka iyo keydinta hiddaha Dhaqanka
Soomaaliyeed.
Waa ururkii ugu horreeyey ee ku guulaystay booqashada boqorka dalka Sweden.
Boqorka dalka iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa soo booqday xarunta
ururka bishii Febraayo, sannadkii 2011. Shirkadda Scansom waxay madasha ku soo
bandhigtay kutub badan oo lagu qiyaasay in ka badan 160 muunadood oo kala duwan.
Buugta goobta lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa.
Munaasabadu waxay ahayd Carwo buugeeddii afkeenna hooyo ee ugu horreeyey oo lagu
dhigo magaalada Maalmo. Munaasabada kulanka waxaa loo soo cammiray si wanaagsan.
Waxaa ka soo qayb galay qalabka warbaahinta iyo wargeysyada ka soo baxa
magaalada Maalmo. Bandhigga waxaa xariga ka jaray masuul ka tirsan gobolka iyo
degmada oo qaabilsan arrimaha dhaqanka. Daniel oo ah madaxada gobolka ayaa si
weyn u soo dhaweeyey tallaabadan wuxuuna ku tilmaamay inay tahay tallaabo wax-
ku-oo ah oo isu soo dhaweynaysa labada mujtamac ee dalka ku wada nool. Waa
tallaabo ka hortagaysa cunsuriyada iyo midab faquuqa dadka.
Bernaamajyada qiimaha badnaa ee madasha lagu soo bandhigay waxaa ugu hilin
cuslaa ciyaaro dhaqameed kala duwan ay soo diyaariyeen kooxda carrurta ah ee
ururka Hidde iyo Dhaqan. Waa koox caarrur ah oo si wanaagsan loogu tababaray
ciyaaraha Soomaaliyeed. Kooxdu waxaysoo bandhigeen ciyaaro kala duwan oo ay ka
mid ahaayeen Dhaantada iyo Batarka (Kala socda shabakadda( you tube
hiddeiyodhaqan.se).
Sidoo kale waxay soo bandhigeen bilicda iyo qurxda dharka ay gabdhaha Soomaalidu
xidhaan oo ay dhaqanka u leeyihiin. Bandhiggii kooxdu waxay hanteen maanka iyo
miyirka dhammaan dadkii goobta wada joogay. Marka ay kooxdii bandhiggii
dhammeeyeen waxaa lagu bogaadiyey sacab, or, jiib iyo jaanta oo si waanaagsan
isu qabsatay. Mashxaraddu waxay wada saaqday dhammaan dadweynihii fagaraha
joogay. Waxaa si gaar ugu riwaayaqay madaxdii Iswiidhiska ahaa ee bernaamajka ka
qaybqaatay. Qoraaga Maxamad Sh. Xasan ayaa markaas carruurtii abaalgud
guddoonsiiyey buug kala duwan oo ay shirkadda Scansom daabcday. Wacdarihii
goobta ka dhacay waxaa maanta Febraayo 5ta, 2012 lagu soo daabacay labada
wargeys oo ka soo baxa magaalada iyo Gobolka Malmo oo la kala yiraahdo :
- Syd Svenskan iyo
- Skanska Dagbladet
Shirkadda Scansom iyo Ururka Hidde iyo Dhaqan waxay dadkii ku bogaadiyeen in
bernaamajka la joogteeyo oo uu ahaado mid sannadkiiba la dhigo hal mar. Sidoo
kale waxaa goobta laga akhriyey suugaan badan oo isugu jira Gabayo, sheeko
carruureed iyo maahmaaho si gaar ahaaneed loogu maamuusay sannad guuradii 40aad
kaddib markii la qoray oo la hirgaliyey afkeenna hooyo ( 1972). Hambalyo iyo
bogaadin arrintaas ku saabsan ayaa si xamaasadi ku jirto looga faallooday.
Qoraaga Maxamad Sh. Xasan ayaa markaas ka warbixiyey tirakoobka dalagga buugeed
ee inoo soo go’ay 20kii sano ee ugu dambeeyey kuwaaso lagu qiyaasay 300-350
muunadood oo kala duwan. Gebagebadii iyo gunaanadkii ayaa waxaa bandhigga soo
xiray guddoomiyaha ururka Warsame Yaasiin CIsmaan, wuxuuna u mahadceliyey
dhammaan shaqaalaha ururuka iyo jaalliyada Soomaaliyeed ee reer Maalmo oo
bernaamajka qayb libaax ka qaatay. Wixii faahfaahin la xiriir ururka:
Hiddeiyodhaqan.se iyo shirkadda scansom.com. Dadweynihii reer Maalmo waxay ku
seexdeen farxad, raynrayn iyo riyaaq!