TTaariikh nololeedkii Gudd. baarlamaanka Shariif
Xassan Sh. Aaden
Shariif Xassan
Sh. Aaden wuxuu ku dhashay magaalada Bardaale ee
gobolka Bay sanadku markuu ahaa 1952dii.
Shariif Xassan Sh. Aadan wuxuu in muddo ah ka mid ahaa
ganacsatada Soomaalida ee qandaraasyada ka qaata laanta
Qaramada Midoobay u qaabilsan cunto gaarsiisiinta dadka ay
saameeyeen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.
Waxaana magaciisa saaxada siyaasadda Soomaaliya lagu arkay
ka dib shirkii magaalada Embaghati ugu socday
hoggaamiyeyaasha kooxaha Soomaaliya, ka dibna waxaa loo
doortay in uu noqdo guddoomiyihii baarlamaanka KMG ah ee
dalka Soomaaliya, waxaana xilkaasi laga qaaday dabayaaqadii
sanadkii 2006 xilligaas oo ay ciidamada Ethiopia soo galeen
gudaha magaalada Muqdisho.
Shariif Xassan Sh. Aadan wuxuu ka mid noqday xubinihii
magaalada Asmara uga qeybgalay shirkii lagu aasaasay
Isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna noqday
guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Isbaheysigaasi. Shariif Xassan
wuxuu mar kale ka mid noqday xubnihii Golaha baarlamaanka ee
Isbaheysiga uga midka noqday ka dib heshiiskii lagu
ballaarinayay golahaasi.
Dowladdii uu dhisay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid waxaa
loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka
maaliyadda ee dowladdaasi, xilkaas oo uu hayo waqtiga uu
buuggani qormayo, sidoo kale ayaa mar kale loo magacaabay
xilkaasi, ka dib isku shaandheyn dowladdaasi.
Xildhiban Publications, London
|