XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

Date:  

Xildhiban Publications

Kulankii qoreyaasha ee ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka


Boston, 24-25 July-2009@[Xildhibanpublications] Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay laguna qabtay magaalada Boston ee dalka Mareykanka isla markaana ay ka soo qeybgaleen qoreyaasha soomaalida ee ka kala yimid magaalooyinka London, Toronto, Boston.

         
Kulankan oo ku beegnaa maalmihii Jimcaha & Sabtiga bisha Luulyo ee ay taariikhdu aheyd 24kii ilaa 25kii ay dadweynaha Soomaalida ee ku nool magaalada Boston dareemeen farxad, reynreyn, maadaama ay aheyd markii ugu horreysay ee kulan sidan oo kale u ballaaran lagu qabtay magaaladaasi, kana soo qeybgaleen qoreyaal Soomaaliyeed.
         
Shirkadda Scansom Publisher ayaa ku soo bandhigtay in ka badan 140 buug oo dhammaantood laga qoray Taariikhda Soomaalida, Suugaanta & dhaqanka, Ciyaarayaha & qeybaha kale ee cilmiga & Diinta Islaamka.
         
Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaasi Boston ayaa isugu jiray Haween, Gabdho, Dhallinyaro, Cuaqaal, Cirroole. Munaasabaddan oo ay si wadajir ah ah u soo qabanqaabiyeen shirkadda Scamsom Publisher & ururka ACEDONE oo isugu martigaliyay kulankan ballaaran. Kulankan waxaa hadallo qiimo badan ka soo jeediyay
       
Dr. Max'ed Sh. Xassan Nuur oo ah madaxa shirkadda Scansom Publisher ee aalaba ururisa, soo bandhigta isla markaana daabacda buugaagta, wuxuuna qoraaga ammaan & mahad ballaaran u soo jeediyay dadkii Soomaaliyeed ee kulankan ballaaran wax ka soo abaabulay isla markaana ka soo qeybgalay.
       
Dr. Max'ed Sh. Xassan Nuur ayaa ka dib dood cilmiyeed halkaasi lagu qabtay kaga codsaday Soomaalida lagama maarmaannimada & sida loogu baahan yahay in keydinta qoraallada afkeenii hooyo maadaama sida aynu la wada soconno keydkii xagga taariikhda, suugaanta & cilmiga kaleba, sidaas darteedna ay shirkadda Scansom Publishers ku guuleysatay in ay meel qura isugu keento in ka badan 140 buugaag ah oo la qoray muddadii ay dagaallada sokeeye
ka socdeen dalka Soomaaliya. Kulankan labadii maalmood ee uu socday waxaa hadallo ka soo jeediyay Hodan Ciise oo ah Professor of Economics State University of New York, Jawaahir Cabdalla Faarax oo ku taqasustay qoraalka buugaagta carruurta & sida loo ciyaarsiiyo, C/casiis Max'ed Liibaan oo isna ah Abwaan & qoraa kana mid ahaan jiray kooxdii Iftin, Idil Axmed Abuubakar oo afka Soomaaliga ka dhigta jaamacadda Harvard & qoraaga Max'ed Sh. Xassan Nuur, waxaana salaaddii Jimcaha ka dib lagu qabtay masjidka Islamic Society of Boston Centre in Roxbury bandhiggii buugaagta Soomaalida ee sanadkan kii ugu ballaarnaa.

Waxaana ugu dambeyntii halkaasi hadallo qiimo badan ka soo jeedisay gabar lagu magacaabo Prof. Ledwein Kapteins oo loo yaqaano Ladan ahna bare wax ka dhiga Wellesley College ee dalkaasi Mareykanka.

Xildhiban Publications, London

 

 
WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

_______________
 

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008