|
|
Kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed oo ka furmay
magaalada
Helsinki ee dalka Finland. |
|
|
Jimco, May 20, 2011- Bandhig
buugeedkii 7aad ayaa ka furmay magaalada Helsinki ee
dalka Finland. Bandhiggan oo ah sanadkii 7aad waxaa
dhidibada loo taagay sanadkii 2005tii. Munaasabaddan
oo ah mid si weyn loo soo agaasimo sanad walba, isla
markaana ay ka soo qeybgalaan jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland.
Haddaba
furitaankii xafladda ee sanadkan waxaa xariga ka
jartay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada &
dhaqanka ee dalka Finland, marwo Riitta Kaivosoja &
maamulka maktabadda sare ee magaalada Helsinki oo ay
hormood u ahaayeen;- Riittaa Hamalainen & Tina.
Sidoo kale waxaa ammaan & bogaadin mudan C/raxmaan
Max’ud Cali “Jiimi” oo ka socda maktabadda Espoo oo
sanad walba qeyb lama ilaawaan ah ka qaata keydinta
& dhigaalka afka Soomaaliga & Maamulka shirkadda
Scansom ee dalalka Europe macallin Bashiir Ismaaciil
Cusmaan.
Sanadkan waxaa qoreyaasha ka qeybgalaya
munaasabaddan sanadkan 2011, waxaa ugu helin culus
shirkadda buugaagta daabacda ee Scansom publishers
ee saldhiggeedu yahay magaalada Stockhlom & Toronto
oo halkaas ku soo bandhigtay buugaag aad u tiro
badan oo gaareysa 270 buug , buugaagtii halkaas lagu
soo bandhigay waxaa ka mid ahaa;- buugaagta
carruurta, suugaanta, taariikhda, siyaasadda,
ganacsiga, ciyaaraha, diinta, caafimaadka,
qaamuusyada, buugga codeysan.
Qoreyaasha sanadkan sida gaarka ah loogu martiqaaday
ka qeybgalka munaasabaddan waxaa ka mid ah;-
1. Max’ed Sh. Xassan Nuur;
2. C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”;
3. Siciid Cali Shire;
4. Amran Max’ed Axmed;
5. C/qaadir Cali Boolaay oo halkaas ku soo bandhigay
taariikhdii ururkii S.Y.L.
Dhinaca kale waxaa munaasaddan goobjoog ka ahaa
qoreyaasha Soomaalida eek u dhaqan dalka Finland
ayna ka mid yihiin;-
1. Axmed Xijji wehliye
2. Axmed Wehliye Coofle
3. C/rashiid Cawad Diiriye
4. Dirir;
5. C/ladiif;
6. Macallin Sugulle.
Ugu dambeyntii waxaa kulankan la soo gebagabeyn
doonaa maalinta Sabtida ah ee bishuna tahay 21ka
bishan May, sanadka 2011.
|
|
|
Sh. Axmed "Axmadey" |
Abdulaziz "Xildhiban" oo la hadlaya |
|
|
Buugaagtii la soo bandhigay |
Dadkii Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay |
|
|
Qoraa sare Max'ed Sh. Xassan |
Amran Max'ed Axmed & Riittaa Kaivosoja |
|
|
|
Isha
qoraalkan; C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban",
London
Ogeysiis:
Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc
ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto
wargeys, haddii aad u baahato fadlan la
xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay
www.xildhibanpublications.com ama qoraha
caanka ah ee C/casiis
Cali Ibrahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London |
|
|
|