Xildhiban Publications;-
19 September, 2012. Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" waxa
uu ku dhashay degmada Afgooye gobolka Shabeellada Hoosee ee
dalka Sooaaliya, taariikhdu markii ay aheyd 7dii bishii
December, sanadku markuu ahaa 1945tii.
Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" wuxuu ka soo jeeday qoys ka
mid ah qoysaska beeraleyda ah ee ku dhaqan degmadaasi, wuxuu
yaraantiisii ka bilaabay degmadaasi barashada quraanka
kariimka ah, isaga oo dhinaca kale ka bilaabay deegaankaasi
waxbarashada aasaasiga ah ee dugsiyada hoose & dhexe &
sareba.
Sanadku markuu ahaa 1982dii ka qalin jabiyay kulliyadda
qaanuunka ama
sharciga ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, Max’ed Sheikh
Cusmaan
"Jawaari" wuxuu xilligaas ka horna sida ay ii xaqiijiyeen
dad aqoon durugsan
u leh in uu ahaa bare ama macallin, wuxuuna shahaaddo
macallinnimo ka
qaatay luqadda Ingiriiska & shahaaddo sharciga Islaamka.
Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" wuxuu xilal ka soo qabtay
dowladdii
madaxweyne Max’ed Siyaad Barre, wuxuuna noqday agaasime Guud,
Xohaye
joogto ah & wasiirkii wasaaradaha Gaadiidka Cirka & Dhulka,
& waliba
Wasaaraddii Shaqada & Arrimaha Bulshada.
Sanadku markuu ahaa 1970kii wuxuu Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari"
madax ka noqday guddigii diyaariyay sharciga Shaqada &
Shaqaalaha ee dalka
Soomaaliya, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habeynta
meeleynta
shaqaalaha & qiimeynta xirfadleyda Soomaaliyeed, wuxuuna
guddigani xeerka
sharciga shaqaalaha Soomaaliya waafajiyay xeerarka xuquuqda
shaqaalaha ee
caalamiga ama adduunka.
Burburkii dowladnimo ee Soomaaliya wuxuu Max’ed Sheikh
Cusmaan
"Jawaari" ka mid noqday siyaasiyiinta fara ku tiriska ah ee
diidday in ay ka
qeybgalaan burburkii dowladnimo ama Qarannimo ee dalkeena
Soomaaliya,
wuxuuna wixii ka dambeeyay sanadkii 1991dii ku noolaa dalka
Norway, isaga
oo hayay howlo dhinaca arrimaha bulshada ee dalkaasi Norway
muddadii
lagu jiray burburkii Soomaaliya.
Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" wuxuu muddadii u dhaxeysay
bishii May,
sanadihii 2008dii – bishii December, sanadkii 2010 ahaa la
taliye dhinaca dastuur u sameynta xafiiska Qaramada Midoobay
& hey’adda UNDP ee arrimaha dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee
Soomaaliya, wuxuuna intaasi ka dib noqday Gudd. Guddigii
khubarrada Dastuurka ee dib u eegista ku sameynayay
dastuurkii Qabyo qoraalka ahaa & diyaarinta & ansixinta
dastuurka ay yeelaneyso jamhuuriyadda Soomaaliya mustaqbalka.
Prof. Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" waxa uu ku hadlaa
luqadaha
Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga & Norwegian –
wuxuuna taariikhdu
markii ay aheyd 28kii bishii August, sanadkii 2012 loo
doortay in uu noqdo afhayeen golaha baarlamaankii ugu
horreeyay ee lagu doorto gudaha dalka Soomaaliya, tan &
wixii ka dambeeyay burburkii dowladnimo ee dalka
Soomaaliya.
Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" wuxuu noqonayaa mas’uulkii
ugu horreeyay
ee loo doorto xilkan wixii ka dambeeyay muddooyinkii uu
dalka Soomaaliya ku jiray dowladihii KMG ahaa ee lagu soo
kala dhisay dalalka Djibouti & Kenya, muddooyinkaas oo ay ka
jirtay baarlamaannadii soo maray Soomaaliya qas baahsan &
jahawareer siyaasadeed oo hareeyay hannaankii dowladnimo ee
Soomaaliya.
Warreegga 1aad:
1- Prof. Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" 119-cod
2- Prof. Cali Khaliif Galeyr 77-cod
3- Cabdi Xaashi C/llaahi 23-cod
4- C/rashiid Max’ed Xiddig 10-cod
5- Xassan Abshir Faarax 5-cod
Haddaba wareeggii 1aad ee doorashooyinkaasi waxa ay halkaasi
xubno ka mid ah tartameyaashii ka tanasuleen wareeggii 2aad
waxay cododkii ay heleen ku biiriyeen musharaxii ugu cododka
badnaa, waxaana tallaabadaasi qaatay markii ugu horreysay
Hon. Cabdi Xaashi C/llaahi & Hon. C/rashiid Max’ed Xiddig
halka Hon. Xassan Abshir Faarax uu qaatay go’aan la mid ah
kaasi, taasi oo suurtagal ka dhigtay ka dib la tashiyo uu la
sameeyay Hon. Prof. Cali Khaliif Galleyr ninkii gadaal ka
taagnaa musharaxnimadiisa Hon. Shariif Xassan Sheikh Aaden
in uu isaga tanasulo tartankaasi, waxayna guusha halkaasi ku
raacday kama dambeystii Hon. Prof. Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari".
Halka guddoomiye ku xigeenka 1aad-na uu ku guuleystay
Jeylaani Nuur Iikar,
halka ku xigeenka 2aad-na u ku guuleystay Mahad Cabdalla
Cawad, waxaana
seddaasi mas’uul loo dhaariyay xilalkii loo doortay
abbaarihii 10:45 daqiiqo
saacadda magaalada Muqdisho, xilligaas oo aan aniga lafteydu
goobjooge ka
ahaa sidii ay u dhaceen doorashooyinkaasi.
Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka
Soomaaliya Prof. Max’ed Sheikh
Cusmaan
"Jawaari" & Qaraa sare C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
United Kingdom
Xildhiban Publications.
Isha Qoraalka
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Copyright
© Xildhiban 2012
All rights reserved. |