|
|
Bandhiggii buugaagta taariikhda, dhaqanka & codka
hal-abuurka Soomaalida oo lagu soo gebagabeeyay Espoo
Center,
Finland. |
|
Jimce, May 11, 2012 -
Kulankii Qoreyaasha Soomaalida oo lagu
soo gebagabeeyay magaalada Espoo Keskus, ee Finland.
Waxaa magaalada Helsinki ee dalka Finland maanta
lagu soo gabagabeeyay kulankii Qoreyaasha
Soomaaliyeed ee shalay & maanta ka socday
deegaannada Espoo Kiskus & Espoo Enteresse isla
markaana ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Helsinki.
Kulankaas oo ay maanta ka soo qeybgaleen isla
markaasna ay hadallo ka jeediyeen mas’uuliyiin ka
socotay dhinacyada waxbarashada & dhaqanka ee
dalkaasi.
Waxaa markii ugu horreysay hadallo soo dhaweyn &
bogaadin ah halkaasi ka soo jeediyay u qeybsanaha
ama sarkaalka u qaabilsan qabanqaabooyinka
banfhigyada dhaqamada kala duwan Mr. C/raxmaan
Max’ud Cali “Jiimi”, sidoo kalena waxaa halkaasi
hadallo ka soo jeedisay agaasimaha dhaqamada
xaafadda Espoo City, Mrs. Helena Vari & madaxa
maktabadaha deegaanka Eva Jappinen.
Kulankan gebagabada ahaa waxaa ka soo qeybgalay in
ka badan 180 – 220 ruux oo isugu jiray Haween,
Carruur, Waayeel & Dhallinyaro, iyadoo halkaasina
hadallo ay ka jeediyeen C/qaadir Cali Boolaay &
Max’ed Sh. Xassan oo ku hadlaayay magaca Qoreyaasha
Soomaaliyeed ammaan & mahad ballaaran u jeediyeen
dadkii xafladihii shalay & maanta ka soo qeybgalay.
Dhinaca kale waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay Inj.
Max’ed Ibrahim Mursal hadallo ku aaddan sidii afka
Soomaaliga uu ula hana qaadi lahaa toknolojiyada
casriga ah ee maanta dunidan ka jirta.
Kulankan waxaa ka qeybgalay Qoreyaasha kala ah;-
1. C/qaadir Cali
Boolaay
2. C/casiis Cali
Ibrahim "Xildhiban"-UK
3. Max'ed Sh. Xassan Nuur- Toronto, Canada.
4. Macallin Bashiir Ismaaciil - Stokcholm, Sweden.
5. Eng. Max'ed Ibrahim Mursal "Ilkacase"
Saadaq Max'ud Cali
Espoo, Finland. |
|
|
Qalabka Hiddaha & dhaqanka |
Dadweynaha magaalada Espoo, Finland |
|
|
Qalabka Hiddaha & dhaqanka |
Dadweynaha magaalada Espoo, Finland |
|
|
Max'ed Sh. Xassan "Scansom Publishers" |
Dadweynaha magaalada Espoo, Finland |
|
|
|
Isha
qoraalkan; C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban",
London
Ogeysiis:
Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc
ah in aad daabacdo ama aad ku
soo bandhigto
wargeys, haddii aad u baahato fadlan la
xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay
www.xildhibanpublications.com ama qoraha
caanka ah ee C/casiis
Cali Ibrahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London |
|
|
|
|