Xildhiban Publications;-
26 Oktoober, 2012. Munaasabad lagu soo dhaweynayay Dr.
Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" & Cabdi Yuusuf Xassan "Cabdi-Dhuux"
oo ka dhacday London. Munaasabaddan oo ka dhacday magaalada
London ee dalka Ingiriiska isla markaana si weyn loo soo
qabanqaabiyay isla markaana lagu soo dhaweynayay Dr. Xussein
Sheikh Axmed "Kaddare" & Agaasimaha National Theatre-ka
Muqdisho, Cabdi Yuusuf Xassan "Cabdi-Dhuux".
Munaasabaddan oo lagu qabtay Galbeedka magaalada London ee
xaafadda Wembley, isla markaana ay ka soo qeybgaleen qeybaha
bulshada Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaasi ayaa
fannaaniintii hobollada Qaranka Soomaaliyeed ku soo
bandhigeen heeso aad u macaan, fannaaniintii halkaasi
heesaha ka qaaddayna waxaa ka mid ahaa;-
1. Maryan Mursal Ciise
2. Seynab Cige;
3. Qadiijo Max'ud "Qalanjo";
4. C/risaaq "Gaadaco";
5. Max'ed Axmed "Qoomaal";
6. Xussein Shire Jaamac;
7. Feynuus Sheikh Daahir;
8. Max'ed Maclow Nuur.
Waxayna halkaasi fannaaniintaasi hobollada Qaranka Waaberi
ku soo bandhigeen wacdarro heeso isugu jira Jaceyl & waddani,
waxaana xafladdaasi xiriirinayay C/risaaq "Socoto" & Cali
Axmed "Seenyo" oo ka kala socday TV-ga Qaranka Soomaaliyeed
ee SNTV & Horncable.
Waxaa ugu horreyntii hadallo soo dhaweyn & mahadcelin
munaasabaddaasi ku furay Cabdi Cumar oo ka mid
dhaqdhaqaaqyada dadka Soomaaliyeed ee ka jira jira magaalada
London & Dr. Xassan Max'ud Cali "Xassan Baseey".
Muddadii ay socotay xafladdan waxaa hadallo soo dhaweyn ah
ka soo jeediyay odayaal Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen,
Shiino, C/llaahi "Cirro", Yaasiin "Bulsho".
Dhinaca kale Dr. Xussein Sheikh Axmed "Kaddare" & Cabdi
Yuusuf Xassan "Cabdi_Dhuux" halkaasi ammaan & mahad
ballaaran uga soo jeediyeen dadweynihii Soomaaliyeed ee
gartay in ay ku marti qaadaan munaasabaddaasi, waxayna si
kal & laab ah ugu gudbiyeen dareenkooda ku aaddan sidii
quruxda badneyd ee xafladaasi so dhaweynta aheyd u dhacday.
Qadiijo Max'ud "Qalanjo
oo aan waayahan lagu arag masraxiyadda.
United Kingdom
Xildhiban Publications.
Isha Qoraalka
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Copyright
© Xildhiban 2012
All rights reserved. |