|
Xildhiban
Publications;- 12 March 2013. Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo
gebagabeeyay magaalooyinka Helsinki, Turku ee dalka Finland.
|
Waxaa
3dii maalmood ee ugu dambeysay ee toddobaadkan ka socday
magaalooyinka Helsinki, Turku & Pasila ee dalka Finland
kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed ee sanadkiiba mar lagu
qaban jiray dalkaasi, waxaana sanadkan ka soo qeybgalay
qoreyaal ka kala yimid dalalka Ingiriiska, Talyaaniga &
Canada.
Qoreyaashii sanadkan ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa:-
1. Prof. Cabdalle Cumar Mansoor,
2. Dr. C/qaadir Cali Boolaay
3. Dr. C/salaam Xaaji Max’ed
4. Max’ed Sheikh Xassan
5. C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
6. Bashiir Ismaaciil Cusmaan
Waxaa maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland
carwo buugeedkii sanadkii 9aad. Kulankan waa bandhigga ugu
weyn uguna fac weyn ee ka dhaca qaaradda Europe. Bandhiggan
waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya shirkadda daabacaadda
buugaagta ee Scansom Publishers & maktabadda magaalada
Helsinki.
Sidoo kale waxaa isna hadal soo dhaweyn & mahadnaq ballaaran
ka jeediyay goobtaasi Xildhibaan C/raxmaan Max'ud Cali "JIIMI"
oo mudane laga soo doortay deegaanka Espoo, ahna
qabanqaabiyeyaasha joogtada ah ee barnaamijkan.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in kulankani ay gacan ka
geysteen ururrada kala ah:-
Finland - Somalia association, Helina Ruatavaara Museum &
Pasila Islamic Centre, Masaajidyada kala ah Itakuskus &
ururka midnimada Soomaaliyeed ee Somalilitto.
Haddaba muddadii uu socday kulankan waxaa ugu horreyn
hadallo qiimo badan ka soo jeediyay Prof. Cabdalla Cumar
Mansoor oo isugu ku dheeraaday qiimaha afka Soomaaliga &
halgankii dheeraa ee loo soo maray & waajibaadka ruux walba
oo Soomaali ah ka saaran horrumarinta & horay u dhiggiisa.
Dhinaca waxaa isna halkaasi ka hadlay Dr. C/qaadir Cali
Boolaay halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u soo
martay waxa dadka Soomaaliyeed ay ku faanaan ee AFKA
Soomaaliga, Af Soomaaliguna uu yahay wax aka haray burburkii
dowladnimo eek a dhacay dalkeena Soomaaliya.
Ugu dambeyntii waxaa iyagana hadallo aad u qiimo badan
halkaasi ka soo jeediyay Max’ed Sheikh Xassan Nuur oo ah
madaxa shirkadda daabacaadda buugaagta Soomaaliyeed ee
Scansom Publishers, Qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Cali
Ibrahim "Xildhiban" & Dr. C/salaam Xaaji Max’ed oo dadkii
Soomaaliyeed ee ka qeybgalay kulannadaasi ku dhiirigaliyay
ka qeybgalka howlaha lagu horrumarinayo dhammaan dadaallada
is biirsaday ee ay hormuudka ka yihiin Qoreyaasha
Soomaaliyeed.
Xildhiban
Publications, Helsinki
|
|
|
|