Sanadguuradii 11aad ee kulankii QOREYAASHA
Soomaaliyeed
07 - 08 - 09 May, 2015 |
|
Waxaa
3dii maalmood ee ugu dambeysay ee toddobaadkan ka
socday magaalooyinka Helsinki, Turku & Pasila ee
dalka Finland kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed ee
sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalkaasi, waxaana
sanadkan ka soo qeybgalay qoreyaal ka kala yimid
dalalka Ingiriiska, Talyaaniga & Canada.
Waxaa maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka
Finland carwo buugeedkii sanadkii 9aad. Kulankan waa
bandhigga ugu weyn uguna fac weyn ee ka dhaca
qaaradda Europe. Bandhiggan waxaa si wadajir ah u
soo qabanqaabiya shirkadda daabacaadda buugaagta ee
Xildhiban Publications & maktabadda magaalada
Helsinki..
Sidoo kale waxaa isna hadal soo dhaweyn & mahadnaq
ballaaran ka jeediyay goobtaasi Xildhibaan C/raxmaan
Max'ud Cali "JIIMI" oo mudane laga soo doortay
deegaanka Espoo, ahna qabanqaabiyeyaasha joogtada ah
ee barnaamijkan.
Haddaba muddadii uu socday kulankan waxaa ugu
horreyn hadallo qiimo badan ka soo jeediyay Ku
xigeenka duqa magaalada Espoo, Sampo Suihko oo isugu
ku dheeraaday qiimaha afka Soomaaliga & halgankii
dheeraa ee loo soo maray & waajibaadka ruux walba oo
Soomaali ah ka saaran horrumarinta & horay u
dhiggiisa.
Dhinaca waxaa isna halkaasi ka hadashay agaasimaha
guud ee wasaaradda waxbarashada & Hiddaha dalka
Finland Marjo Maenpaa oo iyadana halkaasi ka soo
jeedisay in aan wax guul ah ummadi gaari karin
haddii aaney illaalinin dhaqankooda & hiddahooda
isla markaana ku ammaantay dadka Soomaaliyeed
halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u soo
martay waxa dadka Soomaaliyeed ay ku faanaan ee AFKA
Soomaaliga, Af Soomaaliguna uu yahay wax aka haray
burburkii dowladnimo ee ka dhacay Soomaaliya.
Dr. Max'ed Xassan Alto & Qoraa sare C/casiis Cali
Ibrahim "Xildiban" ayaa intii uu socday kulankan ka
soo jeediyay taariikhdii Allaha u naxariistee Dr.
Xussein Sheikh Axmed Hilowle "Kaddare" & C/shakuur
Mire Aaden oo labadooduba ku geeriyooday magaalaa
Muqdisho horraantii sanadan 2015ka. Allaha u
naxariisto.
Hanqaastii Qoraa sare
C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”
|
|
|
Xildhibaan C/raxmaan Max'ud Cali "Jiimi" |
Aaskii Allaha u naxariisto Dr. Kaddare |
|
|
C/casiis
Cali Ibraim "Xildhiban" |
Max'ed Xassan Alto |
|
|
Xuska & bandhigga sanadguuradii 11aad |
Xuska & bandhigga sanadguuradii 11aad |
|
Xildhibaan Maria Guzenina oo ka tirsan baarlamaanka
Finland. |
|
Isha
qoraalkan; C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban",
London
Ogeysiis:
Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc
ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto
wargeys, haddii aad u baahato fadlan la
xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay
www.xildhibanpublications.com ama qoraha
caanka ah ee C/casiis
Cali Ibrahim (Xildhiban)
Xildhibanpublications. London |