XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery

Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

 

Bandhiggii buugaagta taariikhda, dhaqanka & codka hal-abuurka Soomaalida oo lagu soo gebagabeeyay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
 

 Caasimadda 2aad ee dalka Finland oo maanta lagu qabtay bandhigyo & dabaaldegyo ku saabsan 40guuradii Afka-Soomaaliga & 69guuradii ururkii SYL.

 
Sabti, May 12, 2012 - Caasimadda 2aad ee dalka Finland oo maanta lagu qabtay bandhigyo & dabaaldegyo ku saabsan 40guuradii Afka-Soomaaliga
& 69guuradii ururkii SYL.


Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Turku ee caasimadda 2aad ee dalka Finland horayna u aheyd caasimaddii hore ee dalkaas xusas loo sameeyay 40guuradii qoraalkii Afka-Soomaaliga & aasaaskii 69guuradii ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth League.

Maktabadda Turku waxay hoodo & ayaan u yeelatay in qabto carwo buugeed sanadkii 2aad, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay in ka badan 250 nooc ama muunadood oo kal duwan.

Madaxda & shaqalaha maktabadda Turku oo maktabadda ugu weyn ee magaalada Turku oo beri ahaan jiray caasimadda dalkan Finland intii aanan loo wareejinin caasimadda waqtigan ee Helsinki ayaa dadaal ugu jira sidii ay u horrumarin laheyd keydka dhinacyada Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida eek u halkaasi.

Kulankan oo ay sanadkan ka soo qeybgaleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Turku, iyadoo halkaasi ay ammaan & mahadcelin ballaaran halkaasi uga soo jeediyeen Qoreyaasha Soomaalida ee ka kala yimid Waqooyiga America & Ingiriiska & Sweden ee sanadkan ka qeybgalay kulankaasi.

Dhinaca kale waxaa iyagana halkaasi hadallo ka soo jeediyay Max’ed Sheikh Xassan & C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban" oo iyaguna halkaasi ka hadlayay ayaa dhinacoodu ku ammaanay jaaliyadda Soomaalida ee goobjoogga ka ahaa kulankaasi dadaalka, daryeelka & horrumarinta afkeena hooyo, kaasi oo sanadani si gaar ah ugu soo beegmay sanadguuradii 40aad ka dib markii la qoray farteena ama afkeena hooyo.

Guntii & gebagabadii waxaa isna halkaasi hadallo ka soo jeediyay C/qaadir Abshir Kadiye oo ka tirsan macallimiinta Soomaalida ee dalka Finland isla markaana ah garwadeenii barnaamijkan suurtagaliyay halkaasina hambalyo uga soo jeediyay dhammaan qoreyaasha Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan shirkadda Scansom publishers, dadaalkii ay u galeen keydinta & qoraalka afka Soomaaliga.

Munaasabaddan waxaa suurtagalisay Susanna Kolehmainen oo ah agaasimaha & xiriiriyaha Dhaqamada kala duwan ee bulshooyinka ku nool dalka Finland, gaar ahaan Turku Library.

Saadaq Max'ud Cali
Espoo, Finland.

Qalabka Hiddaha & dhaqanka

Dadweynaha magaalada Espoo, Finland

Qalabka Hiddaha & dhaqanka

Dadweynaha magaalada Espoo, Finland

Max'ed Sh. Xassan "Scansom Publishers"

Dadweynaha magaalada Espoo, Finland

 

 

Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London
xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku
soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London
 

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008