Birmingham
& Leicester oo lagu qabtay bandhigyo buugaagta Soomaalida.
Xildhiban
Publications;- 07-14 - January, 2011.
Magaalooyinka Birmingham & Leicester ee dalka Ingiriiska oo lagu qabtay
carwooyin lagu soo bandhigayay buugaagta Soomaalida & buuggii uu dhawaan soo
saaray madaxweyihii hore ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Waxaa madasha qayb libaax ka qaatay oo soo bandhigay qalabka hiddaha iyo
dhaqanka gabdhaha Soomaaliyeed ee jaaliyadaha Soomaaliyeed ee maagalooyinkaas.
Goobta waxaa kale oo lagu soo bandhigay suugaan badan gabayo, buraamburro iyo
faallo laga bixiyey kutubta qaar ka mid.
Dhammaan dadkii madasha joogay waxay si wanaagsan u iibsadeen buuggii Halgan iyo
Hagardaamo ee uu madaxweyne Cabdullahi Yuusuf soo diyaariyey. Qaar badan waxay
nuqullo dheeraad ah u iibiyeen asxaabtooda deggen magaalooyin kale oo talefoonka
iska soo daba dirayey si ay ugu iibiyaan nuqulka ay u baahnaayeen oo deggen
meelo.
Waxaa goobta ka hadlay masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen;-
Sidoo kale waxaa bogaadin iyo hambalyo la guddoonsiiyey shirkadda Scansom oo ku
guulaysatay soo saariida iyo daabacaadda buuggan iyo buugtii kale ee tirada
badnaa ee madasha lagu soo bandhigay. Bandhigan waxaa lagu qabtay magaalooyinka
Leicester & Birmingham ka hor lagu qabtay bandhiggii ka horreeyay magaalada
London ee dalka Ingiriiska.
UK.
Barnaamijkan waxaa si xarago badan u xiriirinayay C/xakiin Juuje oo ka mid ah
qoreyaasha Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska,
sidoo kalena ay goobjoog ka ahaayeen qalabka warbaahinta Soomaaliyeed sida
telefishinka Somalisat.