XILDHIBAN Publications Xildhiban Publications

Home

Publications

About us

Gabayo & Guurow

Heesaha

Photo Gallery

Contact us

Home

Publications

About us

Photo Gallery

Contact us

Wareysi VOA dood
ku saabsan qoraalka
Soomaaliga

Wareysi  ay laanta afka
Soomaaliga BBC la yeelatay C/casiis "Xildhiban"

Somali Radio

Barnaamijyada Idaacadda 04:00 GMT

Barnaamijyada Idaacadda 11:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 14:00 GMT
Barnaamijyada Idaacadda 18:00 GMT
 

  4:00PM

  7:00PM

  8:00PM

Somali Links

Aminarts
Allpuntland
Allceeldheer
Dayniile
Dhagaxtuur
Hamarey
Hiiraan
Hornafrik

Markacadeey

Midnimo
Mareeg

Puntlandpost

Qaranimo

Shabelle

Somaliweyn

Somalitalk

Solamusic

Universal TV

Xamardaye

International News Agencies

Aljazeera

Arabnews

Reuters

Washington post

BBC

CNN

More Somali Books
Coming soon

 

Sanadguuradii 10aad ee bandhigga buugaagta Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida oo lagu qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland. 23 - 24 May, 2014
 

Sanadguuradii 10aad ee bandhigga buugaagta Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida oo lagu qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland. 23 - 24 May, 2014

 
Sanadguuradii 10aad ee bandhigga buugaagta Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida oo lagu qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland. 23 - 24 May, 2014.

Kulankan oo ka dhacay maalintii ay taariikhdu ay aheyd 23kii bishan May, sanadka 2014, waxaa ka soo qeybgalay Qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid magaalooyinka London, Toronto, Washington ee dalalka Ingiriiska, Canada & USA.


Kulanka waxaa ugu horreyntii hadallo soo dhaweyn & marxabeysiin ah ka soo jeediyay Xildhibaan laga soo doorto deegaanka Espoo ee dalka Finland, Xildhibaan C/raxmaan Max'ud Cali "Jiimi" ahna qabanqaabiyaha & isku xiraha keydka keydan ee Qoreyaasha Soomaaliyeed kana tirsan maamulka maktabadda Pasila ee magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Sidoo kale waxaa iyadna halkaasi hadallo qiimo badan ka soo jeedisay Nimco Max'ed Nuur oo ka mid aheyd qabanqaabiyeyaasha bandhiggan buugaagta & dhaqanka Soomaalida ahna hooyo si gaar ah isugu xilsaartay qabsoomidda kulankan lagu xusayay sanadguuradii 10aad ee bandhigga buugaagta Soomaaliyeed.

Qoreyaashii maanta halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa;-

1. Max'ed Sheikh Xassan Nuur
2. C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
3. C/llaahi "Soomaaliyow"
4. Axmed Xijji
5. Siciid Kaarshe
6. Siciido Goobdoon
7. Nimco Max'ed Nuur

Sidoo kale waxaa iyagana halkaasi hadallo soo dhaweyn ah ka soo jeedisay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha & dhaqanka ee dalka Finland, Ms. Riita Kaivasoja & madaxda maktabadaha magaalada Helsinki ee dalka Finland, Ms. Tuula Haavisto

Sidoo kale waxaa iyaguna barnaamijkan Suugaan, Gabayo, Guurow & Geeraarba ka soo jeediyay xubno ka socday qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, wuxuuna bandhiggaasi ku soo gebagaboobay si wanaagsan.

Guntii & gebagabadii waxaa halkaasi hadallo aad & aad u qiimo badan ka soo jeediyay Dr. Max'ed Sheikh Xassan Nuur oo ka mid ah Qoreyaasha Soomaaliyeed ahna madaxa shirkadda SCANSOM PUBLISHER, kana mid ahaa hal abuureyaashii salka u dhigay in kulamo noocan oo kale ah ah ka dhacaan dalalka Europe & North America.

Waxaana intii ay socdeen xuska sanadguuradaasi ay ikhyaarta magaaladaasi C/risaaq Cali Cusmaan & Asad Caalin u sameeyeen Qoreyaasha Soomaaliyeed, casho sharaf si wanaagsan loo soo agaasimay oo ka dhacday Hotel Scandic & Restaurant Kilo oo ku yaalla magaaladaasi, halkaasi oo ay isku dhaafsadeen aqoon is weyrdaarsi aad u qiimo badan.

Xassan Max'ud Cali "Saadaq"
Helsinki, Finland
 

Bandhigga Dhaqan Soomaaliga

Casho sharaftii loo sameeyay Qoreyaasha

C/casiis "Xildhiban" oo guddoonsiinaya

C/casiis "Xildhiban" & Gabadha Dhaqanka

Scansom Publishers & Cali Axmed Mire

Buugaagtii la soo bandhigay

 

Bandhigga Buugaagta Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida.

 

Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", London
xildhiban@hotmail.com

Ogeysiis: Qoraalladan Taariikhda ah waxaa ka mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto wargeys, haddii aad u baahato fadlan la xiriir bahda wargeyska uu cinwaankiisu yahay www.xildhibanpublications.com ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibrahim (Xildhiban)

Xildhibanpublications. London

Home   |   Publications   |   About us   |   Photo Gallery   |   Contact us

WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN

Waxay kuu dhigeen ma kugu dhaqeen

.

Taxanaha Taariikhda SOOMAALIYA

Taxanaha Taariikhda Soomaaliya

 

MAAHMAAHYO Murti & Madadaallo

Maahmaahyo Murti
& Madadaallo

.

More Books ....

Coming soon

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA

Horseedayaashii Halaagga SOOMAALIYA


Coming soon

Dal aan dalkiisa Damqasho Laheyn

Dalaan dalkiisa Damqasho Laheyn

 

_______________________________________________________

Copy Right xildhibanpublications.com ® All Reserved 2008