Magaalada London oo lagu soo bandhigay
buug qorey C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
London, 16-Dec-2006@[Xildhibanpublications]
Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay laguna
qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska laguna soo bandhigayay
buugga TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYA ee uu qorey C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban" ayaa lagu qabtay Streatham
Library, qabanqaabadeeduna uu lahaa Tom O'Dell oo ah Reader's
Devolopment Officer in Lambeth Libraries, lana qabtay 16/12/2006.
Xafladdan oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan
ka tirsan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ayuu C/casiis "Xildhiban"
kaga waramay sababihii uu u qorey buuggan iyo macluumaadka
uu xambaarsan yahay.
Bandhigga Buugga TAXANAHA TAARIIKHDA SOOMAALIYA waxaa kaloo
goobjooyaal ka ahaa mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka KMG
ah ee Soomaaliya Hon. Cali Max'ed Faqay & Hon. Max'ed
Cusmaan Maye, iyadoo ay hadallo ka soo jeediyeen Dr. Maxamed
Sheikh Xassan oo ka mid ah qorayaasha Soomaalida iyo Tataftiraha
Wargeyska ka soo baxa magaalada London ee lagu magacaabo
KASMO Dr. C/qaadir Shire Faarax isla markaana horay u
qoray buuggii Xeebta Geerida.
Intii ay munaasabadda socotay waxaa su'aalihii la weydiinayay
qoraha Buugga TAXANAHA TAARIIKDA SOOMAALIYA & Buuggii
ka horreeyay ee WAXAY KUU DHIGEEN MA KUGU DHAQEEN uga jawaabayay
si saraaxad leh C/casiis "Xildhiban".
Gebagabadii munaasabaddaas ayuu sidoo kale ka sheegay in
uu soo saari doono buug kale oo la magic baxay HORSEEDAYAASHII
HALAAGGA SOOMAALIYA. Buuggaasna uu kaga warami doono dhammaan
goboodfalkii ka dhacay dalka Soomaaliya waayihii lagu jirey
qaska iyo walaahowga weli sii soconaya ee ka jira dalka
Soomaaliya.