Kulankii Qoreyaasha Soomaalida oo lagu qabanayo
magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed oo sanadkiiba mar
lagu qaban jiray magaalada Helsinki, ee dalka
Finland waxaa ugu horreyn hadallo soo dhaweyn &
ammaan ka jeediyay xoghayaha guud wasaaradda
waxbarashada & dhaqanka ee dalka Finland Jarmo
Linden.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadallo qiimo leh ka
soo jeediyay C/raxmaan Cali Jiimi oo ah sarkaalka u
qaabilsan adeegyada kala duwanaanshiyaha & isku
dhaweynta dhinacyada dhaqamada & afafka kala duwan.
Barnaamijkaan oo ah kii 8aad ee la qabto is ee
Taariikhda, Dhaqanka & Suugaanta Soomaalida isla
markaana uu gacan weyn ka geysto C/raxmaan Cali
Jiimi oo ah sarkaal ka tirsan saraakiisha adeegyada
bulshada ee dalkaasi Finland iyadoo bulshada
Soomaaliteed ee ku dhaqan dalkaasina ay ka
faa’iideysteen muddadii uu C/raxmaan Jiimi ku howlaa
arrimahan iyaga ah.
Kulankan ka qeybgalaya Qoreyaasha kala ah;-
1. C/casiis Cali
Ibrahim "Xildhiban"-UK
2. Max'ed Sh. Xassan Nuur- Toronto, Canada.
3. Macallin Bashiir Ismaaciil - Stokcholm, Sweden.
4. Eng. Max'ed Ibrahim Mursal "Ilkacase"
Kulankan oo sanadkiiba mar lagu qabto ahaana kii
siddeedaad ee lagu qabto magaalada Espoo, maktabadda
Sello Library, sidoo kalena waxaa maalinta berrito
ah kulan la mid ah kii maanta ka furmay Espoo, lagu
qaban doonaa ama uu ka dhacayaa Espoon-keskus
Enteresse.
Haddaba waxaa iyadna halkaasi hadallo qiimo badan
badan ka soo jeedisay madaxa Espoo Sello Library
Sunniva Drake, waxaana furitaankii barnaamijkan ee
maanta ka soo qeybgalay dad kor u dhaafayay 270 –
300 oo ruux oo isu jirtay qeybaha bulshada
Soomaaliyeed eek u dhaqan magaaladaasi..
Saadaq Max'ud Cali
Espoo, Finland.